Caddeyn muujineyso in Dowladda Soomaaliya ay xiriirka u jari doonto dowladda Qatar

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Dowladda Sacuudiga ayaa dowladda Soomaaliya ugu deeqday adduun lacageed oo gaarayo ilaa 50 Malyan oo Dollar.

Lacagtaan ayaa timaaday kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu ka socday Sacuudiga inay kaabto miisaaniyadda dowladda ee Sanadkaan 2017, wuxuuna qorshaha ahaa in lacagtaas ay mar hore hesho Dowladda Soomaaliya.

Arrimo lagu sheegay xagga Bankiyada ayey u baaqatay lacagtaas, balse waxaa la filayaa in maalmaha soo socdo ay lacagtaas kusoo dhacdo gacanta dowladda Soomaaliya.

Haddaba sida lagu aqoon jiray dowladda Sacuudiga, lacagtaan waxay ku dooneysaa inay Dowladda Soomaaliya xiriirka u jarto dowladda Qatar, maadaama lacagta iyo xiisadaan la isku soo aadiyey.

Dowladda Sacuudiga ayaa arrintaan camal horey ugu sameysay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud oo ay siisay lacag malaayiin ah isla markaasna waxay ka dalbatay inay xiriirka u jarto dowladda Iiraan.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa isla maalintii lacagta Sacuudiga ay soo gaartay go’aansaday inuu xiriirka u jaro dowladda Iiraan oo ay is khilaafsanaayeen dowladda Sacuudiga, waxayna midaas kuu caddeeneysaa in Sacuudiga ay hadda lacagta ay Farmaajo siineyso uga gol leedahay inuu xiriirka u jaro dowladda Qatar.

Dowladda Soomaaliya ayaa looga digay inay dhinac la safato dowladaha Carabta oo ay xiisada ka dhaxeyso, waxaana la rajeenayaa inay dowladda Soomaaliya dhex dhexaad ka noqoto xiisadda taagan.

Lama ogo sida ay dowladda Soomaaliya u diidi doonto codsiga dowladda Sacuudiga, haddiiba gacanta loo geliyo 50 Malyan oo Dollar Mareekanka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.co