10 bandhig oo caalami ah, kadib la yaabkii xalay ee Ibrahimovic.

Ka dib markii uu Zlatan Ibrahimovic afar gool ka dhaliyey England, kulankii ay Sweden ku booqdeen Friends Arena, aan dib idiin xasuusino Toban bandhig oo caalami ah oo ciyaarhano halyeeyo ah ka dhigeen kubada cagta galayna taariikhda dahabka ah ee kubada cagta.

1: Kalusha Bwalya (Zambia v Italy – 1988)

Kalusha Bwalya ayaa soo bandhigay mid ka mid ah bandhigyadii ugu caalamisanaa ee ciyaaryahan muujiyo kubada cagta Olimbikada, wuxuuna sedaxleey ku shubay shabaqa Italy 1988di, sedaxleedii uu ku dhaliyey Gwangju ayaana ka caawisay inay Zambia, kusoo baxdo Group B, isagoo goolkiiisa labaad ku dhaliyey lugta bidix wuxuuna ahaa mid aan ka go’in indhaha intii daawatay. Wuxuu lix sano u ciyaarayey PSV wuxuuna 1996dii ku guuleystay abaal marinta Fifa World Player of the Year

2: Fabio Cannavaro (Germany v Italy – 2006)

Wuxuu ahaa daafac aan la sahlan ka hor kulankaanba balse tayadiisii ugu sareysay ee dhamaan ciyaaraha World Cup ayuu muujiyey Fabio Cannavaro, markaasoo uu xulkiisa ku hugaamiyey Finalka. Daaficii dambeedka Juventus ayaa la gudbi waayey isbaarada uu hor dhigay shabaqa Azzurri 120 daqiiqo, ka hor inta aysan dhamaadkii ciyaarta Italy goolal ka helin Alessandro Del Piero iyo Fabio Grosso.

3: Geoff Hurst (England v West Germany – 1966)

Geoff Hurst hadaba waa ciyaaryahanka keliya  ee abid sedax gool [hat-trick] ka dhaliyey Finalka Koobka aduunka markii ay England gegeda Wembley 1966dii ku suuxisay xulka West Germany. Ka dib markii uu u barbareeyey goolkii uu ku furay ciyaarta Helmut Haller, Hurst ayaa ciyaarta iska lahaa waqtigii dheeriga ee lagu daray, xilli ay Three Lions 3-2 ku qaaday koobka.

4: Diego Maradona (Argentina v England – 1986)

Argentina ayaa guul ka gaartay xulka England, waana mid ka mid ah guulaha uu ku caan baxay World Cup markii uu labo gool oo mucjisa ah weeraryahan Diego Maradona ka dhaliyey Three Lions. Goolkiisii ugu horeeyey gacanta ayuu ku dhaliyey xilli uu garsooruhu ansaxshay ‘waana midda Diego Maradona weli looga neceb yahay gudaha England’ iyadoo maalintaasi laga xuso Ingiriiska.
Laakiin goolkii labaad ee Maradona, wuxuu ahaa mid ilaa iyo haatan laga yaabay inta kala barka garoonka kubada kasoo jiiday uuna kasoo talaabsaday lix ciyaaryahan oo England ah  ka hor inta uusan dhulka seexin Shilton ayuu weeraryahankii Napoli shabaqa kubada dhex geliyey. Waxaana sidaas oo kale goolkiisa loogu magac daray ‘Goal of the Century’ in 2000.

5: Pele (Brazil v Sweden – 1958)

Koobkii aduunka 1958dii wuxuu leeyahay xusuus u gooni ah waana markii ugu horeysay ee Selecao ay ku guuleysato,laakiin Finalkii Sweden wuxuu Pele u ahaa waqtiga meel gaar ah uga qoran buugiisa xusuusta. Weeraryahankii halyeeyga ahaa ayaa laba gool ka dhaliyey ciyaartii ku idlaatay 5-2 da, 17 jir ayuuna ahaa markii uu halyeeyga reer Brazil xulkiisa ku hugaamiyey koobkaan.

6: Ferenc Puskas (England v Hungary – 1953)

Ingiriisku waqtigaas wuxuu ahaa lama taabtaan isagoo ahaa horyaalka Olimbikada, wuxuuna ku darsaday inaan 24 kulan dhiniciisa dhulka la dhigin, laakiin waxaa u qubeeyey Hungary oo guul darro 6-3 ah dhabarka u saartay, iyadoo uu bandhig fiican ku lahaa Ferenc Puskas. Halyeeyga Real Madrid ayaa laba mar shabaqa soo taabtay intii ay ciyaartu socotay

7: Paolo Rossi (Italy v Brazil – 1982)

Sedaxleeydii Paolo Rossi uu ka dhaliyey Brazil koobkii aduunka ee 1982dii ayuu ku noqday halyeey si kastaba wuxuu xiligaas wareeriyey daafacyada Selecao isagoo Azzurri lix gool u dhaliyey intii uu socday koobkaani.

8: Archie Thompson (Australia v American Samoa – 2001)

Wuxuu wax ka keenay guushii ugu weyneyd ee kubada cagta laga gaaro, isagoona 13 gool u dhaliyey Australia xilli ay 31-0 ku raquuseen American Samoa waana hal ciyaaryahan oo dhaliyey goolal intaas la eg ilaa iyo haatan.

9: Jan Tomaszewski (England v Poland – 1973)

Ninkii daafaca ka ciyaari jiray Jan Tomaszewski ayaa isreebreebka koobka aduunka usoo saaray xulka Poland, ka dib markii uu bandhigiisii qurxoonaa ku darsaday inuu Three Lions, goolka barbaraha ka dhaliyey wuxuuna xiligaas xulkiisa ku hugaamiyey inay kaalinta sedaxaad ka galaan koobka aduunka.

10: Zinedine Zidane (Brazil v France – 2006)

Waxaa uu Zinedine Zidane ka sameeyey Finalkii koobka aduunka 2006dii ma aheyn wax soo jiidasho leh, laakiin markii aad dib u eegto inuu sideed dhamaadka kusoo jiiday Brazil. Xidigii Real Madrid ayaa muteysanaaya in lagu amaano bandhigaas, Selecao ayuuna cad cad u kala jaray isagoo soo qaaday laadkii xorta ahaa ee uu Thierry Henry goolka u sarifay.

Waxaa France habeenkaas looga bixiyey habeenkii , ‘Zizou’ mana laga seedax Paris sida ay saxaafadu sheegtay.

Hadaba su’aashu waa Zlatan Ibrahimovic miyuu noqday halyeey maadaama uu afar gool ka dhaliyey xulka England, uuna noqday ciyaaryahakii ugu horeeyey ee afar gool ka dhaliya Three Lions iyo ciyaaryahankii ugu horeeyey ee goolka ku fura garoonka cusub Friends Arena?

Sidoo kale ka dhiibo fikirkaada ma ka heshaa qormooyinka sidaan oo kale ah, fikirkaagu waa muhim si aan diirada u sarno qormooyin nuucaan ah.?

Waxaa Diyaariyey: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.