Saddex Nafood….!!! (Qiso Jaceyl oo xanuun badan, Qeybti 7-aad)

Qeybti 7-aad   Qeybihi hore halkan ka arag 1-aad   2-aad  3-aad 4-aad 5-aad 6-aad

Jiifkii ayey ka toostay oo fadhiisatay, waana naxay oo moodday in ay tegayso. Oo maxay u tegaysaa ma gacan barakaysan oo aad ku dabiibaysey in aad marisay wax aan ahayn baad ku samaysay? Iyada oo fadhida ayey diracii qaarka dambe ka soo faydey oo kor isaga siibtay, dabadeed iyada oo sidii ay ku dhalatay ah dhinacii ay awel u jiiftay mooyee dhinaca kale xaggaaga u soo jiifsatay, iyada oo sii leh: “Alla caawa kululaa! Sheekh, gacantaada durba il baan iskaga gartay ee i wada mari.” ”Eebbe ha kugu dabiibo!” ayaad u celisay, oo salaaxiddii ku sii wadday.

Xubin qiimo leh oo jidhkeeda kaa qarsooni ma jirto. Imika si aan xad lahayn baad isu celinaysaa ee ma miyir qabtid. Habeenno badan ayaad xaalad tan la mid ah ku riyootay, malaha tanina waa riyo. Maad hubsatid? Calaacal sidii hore ka dhiirran inta aad barako ku afuuftay ayaad legga kaga salaaxday qunyarna kor ula raacday ilaa naaska. Inta ay yar taahday ayey kugu soo durugtay oo jidhkeeda kaaga ku soo cadaadisay, gacantana bawdada kaa saartay. Markaas baa miyir kuugu dambaysey.

Inta aad kor u boodday ayaad nalkii aad hoos joogteen damisay, dabadeed iyada oo jirjircadka isu sii rogaysa dusha kaga degtey.

Dhar sare iyo mid hooseba waxaa kuu ahaa shaadh iyo macawis, labadiibana durba waa ay kaa maqan yihiin. In aad adigu iska bixisay iyo in ay iyadu kaa bixisay ma kala ogid. Waxaad hubtaa shaadhkii ugu yaraan in ay laba badhan go’een. Waxaad kale oo hubtaa kitaabbadii oo rixli wada saarraa in aad harraati ku kambashay. Waxaad kale oo hubtaa tusbixii oo jilibka kaa muday in aad meel fog ku maguujisay. Waxaad kale oo hubtaa saacaddan in aadan kitaab, tusbax, denbi iyo diin toona dan ka lahayn. Waxaadse kale oo hubtaa in uu qubays kugu waajibay.

Iyaduna waxay hubtaa sariirta in ay goor roon ka soo kacday. Waxay kale oo hubtaa muruqyada adadag ee meel walba kaga giigsani in ay ku sii giigsanaadaan mooyee wax kale in aanay dan ka lahayn. Waxayse kale oo u hubtaa qadaadkeeda sida ba’an dhulka loogu xoqayaa in uu barkin u baahnaa.

Goor dambe oo aad xiiq tiranyseen waxaad ku calaacashay: “Alloow tooba! Alloow tooba!…” Iyaduna waxay kuugu jiibisey: “Aammiin!” Inta aad Ilaahay ka baqaysid in aan ka yarayn waxaad ka baqaysaa ninkeeda oo idiin soo gala. Iyadu Ilaahay ka biqi mayso, waxayse isku si uga baqaysaa ninkeeda iyo fadeexad.

Intii hore waad waallaydeen, markiise aad miyirsateen ayaad fekerteen. Iyada ayaa dhiirran oo isxilqaantay, oo inta ay salligii la kacday kugu tidhi: “Aynu meel asturan tagnee ina keen.” Adiguna kitaabbadii iyo tusbixii oo halkii daadsan inta aad ka tallaabsatay ayaad sidii sange taxaaban naagtii ku hor socotay dabo saqlaysay. Qaybta dambe ee beerta oo caws doog ah leh ayey ku geysay. Guriga waxaad u geli weydeen haddii uu odaygeedu soo galo jeer uu iskiin soo dul taago ma ogaan kartaan. Halkii ayaad muddo kale sii laba legdoonayseen. Markii dambe waad laylyantay oo toobaddii iyo istaaqfurullihii badnaa waad joojisay. Sida iyadaba miyirku ugu soo noqday adigana in uu kuugu soo noqday waa ay hubtaa, malahase in aad sideeda raalli u tahay ma hubto. Malaha si ay taa u ogaato ayey tidhi: .

“Alla maxaynu nefisnay!”
“Cadaabina waa ay dambaysaa”, ayaad ku cabatay.
“Imikaba cadaab ayeynu ka soo baxnay.”
“Haa, mid shaddiid ah”, ayaad qirtay.

Markii ay salaaddii arooryo soo dhowayd waxaad ku qubaysatay musqul yar oo beerta ku taal. Salligii aad ku tukan jirtay waa adigii xalay ku qooqay, sidaa darteed subaxdaa go’aaga ayaad dhigatay. Adiga oo sujuud dheer u foorora ayuu ninkii guriga lahaa soo galay. Inta uu iskaa yar dul taagay ayuu ku dhaafay. In yar ka dib adiga oo weli sujuudsan ayaad daaqadda furan ka maqashay ninkii oo Siraad weydiinaya.

“Goortan maxaad ka qubaysatay?”
“Kulayl bay ahayd oo waan gubtay.”
“Ma rumaysanaysaa xerowgii in uu goortaa sujuud ku ooyayo?”
”Waa wali barakaysan”, ayey ugu jawaabtay.
”Wallaahi kaasi waa wali barakaysan! Waa in aynu ka ducaysannaa.”
”Mushaharkana aynu u kordhinno mar haddii uu shaqadiisa ka adkaaday”, ayey ku taageertay.
”Haa, aynu u kordhinno.”

Markii aad intaa maqashay waad sii ooyday. Waad jeclayd in aad noqotid wali laga barakaysto. Ducooyinkii carabida ahaa ee aad taqaannay kaa dhammaade, welina in aad Ilaahay sii barido ayaad rabtaa, dabadeed kuwo af soomaali ah ayaad bilawday. Waxaad og tahay Eebbe in uu wax walba qaddaray, halkaas ayaad baryada ka ambaqaadday:

”Eebbow, sow adigu wax walba ma aad qaddarin? Sow adigu aniga iyo Siraad baahida naguma aad wada abuurin? Eebbow, waxaa ila tagtay quwad iga xoog badan ee quwaddaada aan mid ka sarraysaa jirin iigu denbi dhaaf! Ilaahow, waad ogayd aniga oo Qur’aan iska akhrisanaya in ay Siraad daaqad furan oo nal ka baxayo isku qaawisay. Ilaahow, waad ogayd in aan ka cararay oo haddana sheydaan igu celiyey. Ilaahow, waad ogayd aniga oo halkaa iska fadhiya in ay i soo doonatay. Ilaahow, waad ogayd in aan kaa baqayey laakiin aan qofkii qaawanayd ee i hor jiiftay iska soo qaban kari waayey. Ilaahow, ii denbi dhaaf! Ilaahow, adeegtada ayaan guursanayaa ee ii sakhir oo berri afkeeda “haa” ka yeedhsii!

Runtii ducada af soomaaliga ah markii aad dib u dhadhansatay waxay kula noqotay muran, dood iyo garnaqsi tii carabida aad uga duwan. Waxaad malaysay af soomaaliga sidiisaba in aan baryo loo abuurin.

Adiga iyo Siraad habeenkaasi wuu isugu kiin horreeyey ee isuguma kiin dambayn. Ninka guriga leh awel maqnaanshihiisa ayaa la dhibsan jiray, imikase joogistiisa ayaa la neceb yahay. Habeenka dheer ee aamusan lama jeclayn oo waaga ayaa loo hiloobi jiray, imikase qorraxda ayaa la neceb yahay oo habeenka ayaa loo hiloobaa. Shaqada caajis iyo cagojiid ayaad ku iman jirtay, imikase sidii neef karreeb ah ayaad casarka soo horrataa. Hambo iyo hunuunuf ayaa awel marka aad timaaddid laguu daydayi jiray, imikase cunto gaar ah oo diirran ayaa weel nadiif ah laguugu keenaa. Awel balax qaboobay oo koob ku jira ayaa shaah lagaaga dhigi jiray, imikase falaas hayl leh ayaa lagu ag dhigaa. Shilimada mushaharka ah ayaad bisha soddonkeeda sugi jirtay, laakiin imika xoolaha qoyska qayb dhan baad ku leh dahay. Macawis, shaadh iyo dacas wada duug ah ka ilbaxday oo surwaal iyo dhar magaalo ayaad baratay… …………LA SOCO QEYBTA XIGTA JIMCAHA XIGA INSHA ALLAH

W/Q: Ibraahin Axmed Yuusuf (Hawd).