Saddex Nafood….!!! (Qiso Jaceyl oo xanuun badan, Qeybti 2-aad)

Qeybtii 2-aad Halkan ka aqri Qeybti 1-aad.

Habeen adiga oo wayso qaba oo si aadan Qur’aanka u illaawin dusha ka akhriyaya, oo beerta guriga wareegaya, ayaad daaqad furan ka aragtay Siraad oo qaawan. Hadda qaawanaan aan dun yarina korkeeda saarrayn! Muraayad aan adiga kuu muuqan ayey hor taagan tahay oo timo yar qoyan shanlaynaysaa. Qacdii hore naxdin iyo filanwaa baa kugu dhacay oo waad carartay. Haddana si aad fursaddaa lama helaanta ah uga faa’iidaystid ayaad dib ugu carartay oo sii yar daawatay. Haddana waad ka carartay, oo haddana adiga oo run iyo riyo u kala garan la mar kale dib isugu rogtey. Sidaas ayaad adiga oo gariiraya muddo shan daqiiqo ah ugu noqnoqnaysey, ilaa ay dhar gashatay oo nalkii damisay. Waxay ahaayeen shan daqiiqo oo xagga baqdinta shan sano ka dheer xagga raaxadana shan seken ka gaaban.

Habeenkaas malaha foosto biyo ah waad cabtay, waxii aad xanuun la kulantayna isma aad lahayn waad sii noolaanaysaa. Markaas ka dib haddii aad damacdid in aad wax akhridid kitaabka waxaad ka dhex arkaysaa naasihii iyo xaluskii iyo badhidii iyo bawdyihii Siraad ee qaawanaa. Maxaa naag qaawan kitaabka Ilaahay dhex geliyay?! Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim!

Naag aadan qabin in loo galmoodaa waa sino, in la daawadaana waa sino, laakiin in laga fekeraa ma sinaa? Mas’aladaa xukunkeeda sharciga ah waxa ay Mad’habta Shaaficiyo ka qabto ma taqaannid, sino ayeyse u eg tahay. Lakiin sidee bay sino u noqon kartaa, fekerka ma adiga ayaa xukuma sow wax maskaxda iskii ugu soo dhaca ma aha? Sheekha aad kutubta ka raacatid qudhiisa sow dumar qaawani maskaxdiisa kuma soo dhacaan, iyo xataa isaga oo u galmoonaya? Ma Sheekha dhan ee aad Alle ka cabsigiisa og tahay baa isaga oo naag qalaad u galmoonaya ku fekera?! Istaaqfurullah! Alloow tooba!

Marar badan waxaad ku sigatay in aad gudaha isku qaaddid oo Siraad iyo adeegtada mid uun beerka kaga degtid. Albaabku wuu xidhan yahay ee waxaad ka fekertay in aad daaqadaha neecawsiga loo furtay uga dhacdid. Sheydaanka iska naartay, Qur’aan akhrisatay, toobad iyo istaaqfurulle daldashay, kumase aad qaboobin. Siraad ayaad habaaraysaa oo eersanaysaa. Waxaad kale oo habaaraysaa waxii nal iftiima sameeyey iyo waxii daaqad furanta hindisay, waxii waardiye noqday iyo waxii qol naag qaawani ku jirto eegay iyo waxii ka cararay ee haddana dib ugu cararay. Bal maxaa kugu celiyey maad sheydaanka iska naartid oo Qur’aanka iska sii wadatid? Ilaah baa risiqa bixiya ee inta aad faqriga ka baqaysid iska guurso. Haddii aad mid xun meelahaas ka soo jillaabi lahayd, oo aad cooshad xun meelahaas uga kirayn lahayd, miyaad waxaas oo xanuun ah la kulmi lahayd, oo marba naag xun daaqad xun waqti xun si xun uga qooraansan lahayd?.

Berriba marka uu waagu beryo waxa ugu horreeya ee aad qabataa ha noqoto in aad guursatid. Tii xumayd ee cooshadda xun digirta xun ku karin jirtay bal ka warran? Ha iska foolxumaato ee sow naag uun ma aha? Ma ku yeelaysaa baad u malaynaysaa? Oo maxay kugu diidaysaa? Malaha weligeedba guur lalama soo qaadin, markaa yaaba adiga kuu dhaama? Laakiin waa qof foolxun, in kasta oo siijeed wanaagsan tahay. Istaaqfurullah! Maalin walba waxa aad camal falatid daawashada badhideeda ayaad ku khasaaraysaa.

Jaariyadda xun ee gurigan ka shaqaysa bal iyada ka warran? Dhawr jeer oo horena waad ka fekertay, laakiin malaha iyadu weligeedba kaama ay fekerin? Ma qurux liidato laakiin dabeecadda ayey ka arradday. Dabeecaddeeda maxaa kaa galay wax aad isku daweysid uun sow dooni maysid? Maxaa kaa geli waayey sow la noolaan maysid oo carruur kuu dhali mayso? Waar nolol iyo carruur lahaane naftaadan besteeda ah meel dhig! Laakiin waxay kaga dartay………………..LA SOCO QEYBTA XIGTA JIMCAHA XIGA INSHA ALLAH

W/Q: Ibraahin Axmed Yuusuf (Hawd).