25.4 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Baarlamaanka Turkiga oo go’aan ka gaaray qaraarkii Erdogan ee Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyey in laba sano oo dheeraad ah loo kordhiyo muddada ay ciidamada dalkaas ka howlgalayaan Soomaaliya, iyagoo taageeraya howlgallada ka dhanka ah argagixisada, burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah, tahriibka iyo khataraha kale ee dhinaca amniga.

Mooshinka oo uu saxiixay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa waxaa meel mariyey Golaha Qaranka Turkiga, wuxuuna dhaqan-geli doonaa 27-ka July 2026, isaga oo socon doona ilaa 27-ka July 2028.

Oggolaanshaha cusub wuxuu madaxweynaha Turkiga siinayaa awood uu ku go’aamiyo tirada ciidamada, goobaha ay ka howlgeli doonaan, muddada iyo baaxadda howlgalka.

Ciidamada Turkiga ayaa ka shaqeyn kara gudaha Soomaaliya, dhul-badeedkeeda iyo deegaanno kale oo ay si wadajir ah u go’aamiyaan labada dowladood.

Waxay sidoo kale la shaqeyn karaan dalal saddexaad iyo hay’ado caalami ah marka loo baahdo, iyadoo lagu saleynayo heshiisyada u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho.

Danjirihii hore ee Turkiga u fadhiyey Soomaaliya, Cemalettin Kani Torun, ayaa xildhibaannada u sheegay in mooshinkan aanu ahayn oo keliya oggolaansho militari oo caadi ah.

“Anigu Soomaaliya kama eego fayl miis yaalla, balse waxaan ka eegaa sannadihii aan halkaas ku noolaa,” ayuu yiri Torun.

Wuxuu sheegay in saameynta Turkiga ee Soomaaliya aysan ku dhisneyn oo keliya joogitaanka ciidamadiisa, balse ay ku tiirsan tahay kalsoonida ay Ankara ka dhex dhisatay Soomaalida.

“Tallaabo kasta oo Soomaaliya laga qaadayo waa inay ilaalisaa kalsoonida uu Turkigu dhisay,” ayuu yiri.

“Awooddeena ugu weyn ee Soomaaliya ma aha joogitaankeena militari, balse waa kalsoonida ay dhinacyadu nagu qabaan.”

Iskaashi ballaaran

Mooshinka baarlamaanka ayaa Soomaaliya ku tilmaamay dal muhiim u ah gobolka, sababo la xiriira goobta istaraatiijiga ah ee ay kaga taallo Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

Waxa kale oo lagu sheegay in Soomaaliya iyo Turkiga ay leeyihiin xiriir taariikhi ah oo qoto dheer iyo iskaashi sii xoogeysanayey tan iyo 2011.

Xilligaas ayuu Erdogan, oo markaas ahaa ra’iisul wasaare, booqday Muqdisho xilli ay dalka ka jirtay abaar iyo macluul ba’an.

Booqashadaas kaddib, Turkiga wuxuu Soomaaliya ka hirgeliyey mashaariic dhinacyada amniga, caafimaadka, waxbarashada, gargaarka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Torun ayaa sheegay in Turkigu kalsoonidaas ku helay isaga oo iska ilaalinayey inuu hal dhinac oo Soomaali ah la safnaado ama uu dalka ku soo rogo xalal dibadda laga soo diyaariyey.

“Waligeen Soomaalida uma aynaan keenin xalal diyaarsan, mana aynaan qaadan siyaasad lagu taageerayo koox ka dhan ah koox kale,” ayuu yiri.

“Waxaan isku daynay inaan abuurno jawi ay Soomaalidu iyagu mustaqbalkooda uga tashan karaan.”

Wuxuu sheegay in arrintaas ay tahay qodobka ugu weyn ee Turkiga kaga duwan dalal badan oo ku lug leh arrimaha Soomaaliya.

Mooshinka ayaa sidoo kale xusay in tababarka, la-talinta iyo taageerada farsamo ee ciidamada Soomaaliya ay ku socdaan heshiisyo dhowr ah oo ay labada dowladood kala saxiixdeen.

Kuwaas waxaa ka mid ah heshiisyo ku saabsan tababarka militari, iskaashiga warshadaha difaaca iyo taageerada dhaqaale ee ciidamada.

Turkiga ayaa sidoo kale tan iyo 2009 ka qeyb qaadanayey howlgallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda iyo khataraha ka jira Gacanka Cadmeed, Badda Carabta iyo xeebaha Soomaaliya.

Sannadkii 2017, Ankara waxay Muqdisho ka furtay saldhigga TURKSOM, oo ah xarunta tababarka militari ee ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa.

Kumanaan askari oo Soomaali ah ayaa lagu tababaray saldhiggaas, wuxuuna door weyn ka qaataa dib-u-dhiska ciidamada xoogga dalka.

Ilaalinta biyaha Soomaaliya

Mooshinka ayaa sheegay in ciidamada difaaca iyo kuwa amniga Soomaaliya aysan weli gaarin heerkii loo baahnaa, sababo la xiriira caqabado dhaqaale iyo awood xaddidan.

Dowladda Soomaaliya ayaa Turkiga ka codsatay taageero ay ku sugto amniga biyaha dalka, ku ilaaliso kheyraadka badda, kuna wajahdo kalluumeysiga sharci-darrada ah, burcad-badeedda iyo tahriibka.

Codsigaas wuxuu qeyb ka yahay heshiiska difaaca iyo iskaashiga dhaqaale ee 10-ka sano ah oo ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen 8-dii February 2024.

Heshiiskaas wuxuu Turkiga u oggolaanayaa inuu Soomaaliya ka taageero dhismaha, tababarka iyo qalabeynta ciidamo badeed awood u leh ilaalinta xeebaha iyo kheyraadka dalka.

“Iskaashigan wuxuu xaqiijinayaa ilaalinta kheyraadka dhaqaale ee Soomaaliya, wuxuuna xoojinayaa xasilloonida iyo amniga gobol muhiim u ah ganacsiga iyo isu-socodka badda,” ayaa lagu yiri mooshinka.

Xiriirka labada dal ayaa sidoo kale gaaray dhinaca sahminta iyo qodista shidaalka iyo gaaska.

Markabka qodista ee Cagri Bey ayaa bishii April 2026 ka bilaabay ceelka Curad-1, oo ku yaalla meel qiyaastii 370 kiiloomitir ka baxsan xeebaha Muqdisho.

Qodistan ayaa noqotay howlgalka ugu horreeya ee qoto-dheer oo Turkigu ka fuliyo meel ka baxsan dalkiisa, iyadoo ceelka la filayo inuu gaaro qoto dhan 7,500 oo mitir.

Howlgalka ayaa lagu wadaa inuu socdo lix ilaa sagaal bilood, iyadoo muddada ay saameyn karaan xaaladaha badda iyo cimilada.

Wada-hadal, ee ma aha xiisad

Kordhinta howlgalka Turkiga ayaa ku soo aadeysa xilli Soomaaliya ay weli la dagaallameyso kooxda Al-Shabaab, oo ka talisa deegaanno ka tirsan koonfurta iyo bartamaha dalka, isla markaana si joogto ah u fulisa weerarro ka dhan ah dowladda iyo shacabka.

Waxaa sidoo kale jira walaac ku saabsan mustaqbalka maalgelinta iyo taageerada saadka ee howlgalka Midowga Afrika ee taageera ciidamada Soomaaliya.

Dhanka kale, khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka, siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in khilaafka gudaha uu wiiqo dadaallada amniga.

Torun ayaa sheegay in Soomaaliya ay xilligan u baahan tahay wada-hadal iyo heshiis siyaasadeed, halkii ay geli lahayd xiisado hor leh.

“Waxa Soomaaliya maanta ugu baahi badan tahay ma aha xiisad siyaasadeed oo cusub, balse waa wada-hadal; ma aha wax lagu khasbo, balse waa heshiis,” ayuu yiri.

Wuxuu soo dhoweeyey dadaallada uu Turkigu tan iyo bishii May ka waday isu-soo dhoweynta dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, isagoo booqashadii madaxa sirdoonka Turkiga ee Muqdisho ku tilmaamay tallaabo sax ah.

Torun ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo martay kalitalisnimo, burbur dowladeed iyo dagaallo sokeeye oo daba-dheeraaday, taas oo ka dhigeysa dib-u-dhiska dowladnimada geeddi-socod adag oo aan lagu maamuli karin go’aanno miis lagu gaaro.

“Dowlad dib looguma dhisi karo go’aanno miis lagu gaaray,” ayuu yiri.

Baarlamaanka Turkiga ayaa ugu dambeyn ansixiyey mooshinka, kaddib dood ay ka yeesheen xildhibaannada matalayey kooxaha kala duwan ee siyaasadda.

- Advertisement -

Read more

Local News