24.9 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

Xildhibaannada mucaaradka oo war culus kasoo saaray xiisadda Puntland

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaannada mucaaradka ee la baxay ‘Baarlamaanka Xorta ah’ ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray xaaladda kacsan ee Puntland, iyaga oo cambaareeyay colaad ay sheegeen in Dowladda Federaalka ay ka hurineyso deegaanno ka tirsan maamulkaas.

Xildhibaannada ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay waddo ficilo ka baxsan dowladnimada, ayna burburineyso nidaamka federaalka.

“Taariikhda siyaasadda Soomaaliya ma soo marin xukuumad halkay wadanka isku hayn lahayd, nabad geliyada ka shaqayn lahayd, bulshada u cadaalad fali lahayd, cadowga ka difaaci lahayd, ayadu hormood u noqota, qabyaalad, kala qaybin, abuurida colaado sokeeye, abuurida maleeshiyaad lagu duminayo degaanada nabdoon sida hada ka taagan Puntland, horena uga dhacday Jubbaland,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, xildhibaannada mucaaradka ayaa ugu baaqay ciidamada Puntland inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, isla markaana ay ka hortagaan wax kasta oo keeni kara amni darro iyo kala dambayn la’aan.

Waxaa kale oo ay shacabka ku booriyeen inay garab istaagaan hay’adaha amniga, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo amniga deegaannada Puntland.

Baaqan ayaa kusoo beegmaya xilli maanta Puntland ay shaacisay in ay soo afjaray hawlgalkii ka socday deegaanka Laag oo shalay ay ku dagaalameen ciidamadeeda iyo kuwa PSF ee taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Federaalka iay ka dambeysay abaabulka maleeshiyaad ay sheegtay inay ku lug lahaayeen dagaalka, iyadoo ku tilmaantay dowladda dhexe “xukuumad wakhtigeedu dhammaaday.”

“Puntland waxay aaminsan tahay in xukuumadda wakhtigeedu dhammaaday ee sharci-darrada ku joogta dalka ay maleeshiyaadkan u abaabushay si ay u waxyeelleeyaan amniga, xasilloonida, wadajirka, dowladnimada iyo nabadda Puntland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Puntland.

Si kastaba, dagaalka ka dhacay deegaanka Laag ee gobolka Bari ee dhex-maray ciidamada Daraawiishta Puntland iyo ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF, oo Puntland sheegtay inay taabacsan yihiin Dowladda Federaalka ayaa billowday kadib markii ciidamo ka tirsan PSF oo ka baxay magaalada Boosaaso kuna sii jeeday dhinaca degmada Xaafuun lagu hakiyay buundo ku dhow deegaanka Laag.

 

- Advertisement -

Read more

Local News