Riyadh (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa Talaadadii si isku mar ah u baahiyay farriimo ay ku adkeynayaan xiriirka taariikhiga ah, walaaltinimada iyo iskaashiga labada dal, kadib bilo ay soo baxayeen khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale oo u dhexeeya labada quwadood ee Khaliijka.
Wasiirka Warfaafinta Sacuudiga, Salmaan Al-Dosary, iyo guddoomiyaha Hay’adda Warbaahinta Qaranka Imaaraadka, Cabdullaahi bin Maxamed Alhamed, ayaa farriimaha ku baahiyay barta X saacaddu markii ay ahayd 7:00 fiidnimo waqtiga Riyadh.
Isku ekaanshaha waqtiga iyo nuxurka farriimaha ayaa loo arkay tallaabo la isku dubbariday oo lagu doonayo in lagu dejiyo hadalladii kululaa ee bilihii lasoo dhaafay dhex marayay warbaahinta iyo baraha bulshada ee labada dal.
“Xiriirka Imaaraadka iyo Sacuudiga wuxuu sii ambaqaadayaa taariikh wadaag ah iyo xiriir walaaltinimo oo qoto dheer oo ka dhexeeya laba shacab oo walaalo ah, kuwaas oo ay mideyso masiir isku mid ah,” ayuu Alhamed ku yiri qoraalkiisa.
Wasiirka Warfaafinta Sacuudiga ayaa isna sheegay in xiriirka boqortooyada iyo Imaaraadka uu yahay mid ka dhexeeya laba shacab oo wadaaga taariikh, dhaqan iyo hoggaan uu ku tilmaamay mid caqli badan.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ku baaqay in warbaahinta labada dal ay ka shaqeyso muujinta xiriirkaas iyo qodobbada mideeya, kana fogaato wax kasta oo dhaawici kara iskaashiga iyo walaaltinimada u dhexeysa Riyadh iyo Abu Dhabi.
Khilaaf bannaanka usoo baxay
Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka ayaa muddo dheer ahaa xulafo dhow, hase yeeshee danahooda ayaa sanadihii dambe ku kala fogaaday arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda shidaalka, tartanka dhaqaale, saameynta gobolka iyo dagaalka Yemen.
Khilaafka labada dal ayaa si gaar ah bannaanka usoo baxay dabayaaqadii sanadkii hore, markii Riyadh iyo Abu Dhabi lagu eedeeyay inay kala taageerayaan dhinacyo iska soo horjeeda oo ku lug leh dagaalka Yemen.
Xiisadda ayaa gaartay heer ciidamada Sacuudiga ay duqeyn ku qaadeen shixnad ay Riyadh sheegtay inay ahayd qalab militari oo Imaaraadku u waday koox Yemeni ah oo ay Abu Dhabi taageerto.
Wixii xilligaas ka dambeeyay, akoonno saameyn leh oo Sacuudi iyo Imaaraati ah, falanqeeyayaal iyo qaar ka mid ah warbaahinta labada dal ayaa si aan horay loo arag isku dhaafsaday dhaliilo iyo eedeymo furan.
Bishii Maarso, Imaaraadka ayaa xannibay akoonnada barta X ee telefishinka Al-Arabiya, oo ah warbaahin Sacuudigu leeyahay, tallaabadaas oo muujisay heerka uu khilaafku gaaray.
Kala duwanaanshaha labada dal ayaa sidoo kale muuqday intii uu socday dagaalkii Iran, kaas oo khatar geliyay ammaanka dalalka Khaliijka. Riyadh iyo Abu Dhabi ayaa marar badan ku kala aragti duwanaaday jawaabta ku habboon ee laga bixin karo colaaddaas.
Bishii May, Imaaraadka ayaa ka baxay ururka dalalka shidaalka dhoofiya ee OPEC, oo Sacuudi Carabiya ay hoggaamiso, tallaabadaas oo loo arkay mid sii xoojisay kala fogaanshaha labada dal.
Si kastaba, Maxamed Baharoon, oo ah agaasimaha guud ee Xarunta Cilmi-baarista Siyaasadda Dadweynaha ee Dubai, ayaa sheegay in khilaafka labada dal aan loo arki karin mid istaraatiiji ah oo gebi ahaanba burburinaya xiriirkooda.
“Waxaan u maleynayaa in wixii dhacay ay ahaayeen duufaan koob dhexdiis ka dhacday. Waxaan horay u aragnay xaalado ka daran, balse waligood ma aysan noqon khilaaf istaraatiiji ah,” ayuu yiri Baharoon.
“Waxaan hubaa in labada dhinac ay sameeyeen la-qabsi, laakiin xaqiiqadu waxay tahay in waxyaabaha naga dhexeeya ay aad uga badan yihiin meelaha aan ku kala duwan nahay,” ayuu raaciyay.
Astaamo isu-soo-dhawaansho
Saacad ka hor inta aysan mas’uuliyiinta warbaahinta labada dal baahin farriimahooda, Turki Alalshikh, oo ka mid ah dadka sida dhow ugu dhow dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, ayaa barta X soo dhigay sawir uu sheegay in maalmo ka hor la qaaday.
Sawirka ayaa muujinayay wasiirka difaaca Sacuudiga, Khaalid bin Salmaan, oo la dhashay dhaxal-sugaha, iyo madaxweyne ku-xigeenka Imaaraadka, Sheekh Mansuur bin Zayed Al Nahyan, iyagoo gacmaha isa saaraya isla markaana dhoolla-caddeynaya.
Alalshikh ayaa sawirka ku dul qoray: “Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka: sheeko walaaltinimo iyo iskaashi xididdo qoto dheer leh.”
La-taliyaha diblomaasiyadda madaxweynaha Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa isna sawirka ka falceliyay, isagoo adeegsaday oraah tilmaameysa in xooggu ku jiro midnimada.
“Warmaha marka ay wada jiraan way diidaan in la jebiyo, balse way jabaan haddii ay kala tagaan,” ayuu Gargash yiri.
Farriimahan ayaa kusoo aadaya xilli mas’uuliyiinta Khaliijka ay toddobaadyadii dambe ku baaqayeen in la xoojiyo midnimada lixda dal ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, iyadoo ay jiraan weerarro ka imanaya Iran iyo hanjabaado cusub oo kooxda Xuutiyiinta Yemen ay u jeedisay maraakiibta ku safarta Badda Cas.

