Somaliland oo qaadeysa tallaabo la mid ah tii Puntland. (Maxay sameyn?)

Somaliland ayaa qaadeysa tallaabo la mid ah tii Puntland, ayada oo shidaal ka baareysa deegaano hoos taga maamulkaasi.

Genel Energy iyo shirkado kale oo caalami ah ayaa isku diyaaranaya sidii ay uga howlgelin lahaayeen sahanka shidaalka gudaha Somaliland, horumar ay masuuliyiintu ku rajo wayn yihiin in barwaaqo iyo shaqo abuur ay u keento aagga.

Bilowgii Diseembar, Genel Energy ayaa bilaabaysa in ay masawirada cirka ka qaado aagga Togdheer iyagoo baadhaya kayd shidaal, sida ay sheegtay Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha ee Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale.

“Baarista hawada waxaa raaci doona hawsha baadhitaanka shidaalka,” ayuu Ducaale yidhi Oktoobar 3-deedii mar uu soo dhowaynayay wafdi ka socda Genel Energy, oo uu fadhigoodu yahay Turkiga.

Shirkaddu waxay isticmaali doontaa qalabka dhulka ka gariiriya kaddibna waxay qodi doonaan ceelal, ayuu yidhi. “Tani waxay noqon doonta markii u horraysay ee dalka laga qodo shidaal muddo 20 sano ah.”

Ducaale ayaa sheegay in Genel Energy ay heshiis wada shaqayn la gaadheen shirkadda Saliida Asante oo uu fadhigeedu yahay Ingiriiska, kuwaasoo wasaaradda horay ula lahaa heshiis lagu baadho shidaalka.

“Kaalinta Genel Energy ay kaga jirto hawshan waxay noqonaysaa 70%, waxaana aan ku faraxsannahay inay howshan ka bilaabi doonaan Somaliland…Waxaan rajaynaynaa in shidaal laga heli doono dalkeena si aan u barwaaqowno,” ayuu yidhi.

Wafdiga ayaa booqday Burco, magaala madaxda gobolka Togdheer, Oktoobar 4-teedii si ay u qiimeeyaan xaaladda ammaan oo loo eegayo xafiis ay mustaqbalka ku yeelan doonaan halkaas Genel Energy.

Shirkadda laga leeyahay Australia ee Jacka Resources, Ltd. ayaa iyana la shaqayn doonta Petrosoma, Ltd., oo fadhigeedu uu yahay Boqortooyada Ingiriiska, si ay u bliaabaan sahanka hawada dhamaadka Oktoobar iyagoo sawiri doona 10,000 oo mayl oo wareeg ah, siduu sheegay masuulka warbaahinta Petrosoma ee xafiiskooda Hargeysa Maxamed Cilmi Cabdalle.

Cabdalle wuxuu sheegay  in ay u gudbi doonaan sahanka dhulka Janaayo, iyadoo wajiga hore ee mashruucu uu ku kici doono $10 milyan.

Siciid Maxamed Cilmi, guddoomiyaha guddi-hoosaadka Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Baarlamaanka, ayaa u sheegay Warbaahinta in xeerka Somaliland ee baadhista shidaalka loo gudbinayo baarlamanka Diseembar.

Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha waxay heshiis la gashay dhowrkii sano oo la soo dhaafay afar shirkadood oo ajnabi ah oo ka shaqeeya dhanka macdanta iyo shidaalka, siduu Cilmi sheegay, intaas wuxuu ku daray in dastuurku uu qorayo in baarlamaanku uu ogolaado mashruucyada noocan oo kale ah, balse wasaaraddu uma u gudbin mana ansixin.

“Haddii sharcigii lagu maamuli lahaa shidaalka aan wali la sameyn, ma fiicna in heshiis lala galo shirkadaha sahanka, baadhitaanka ama qoditaanka sameeya… Ilaa inta baarlamaanku uu ka ansixinayo, heshiisyadaan waa sharci darro,” ayuu yidhi. “Wasaaraddu way ka madax adeygtay in ay sii gudbiso heshiisyadaas.”

Fursado shaqooyin lagu sameeyo

Cabdiraxman Aadan Aar, oo dhaqaalaha ka dhiga Machadka Shaqaada Howlaha Bulshada ee Hargeysa ayaa sheegay in la rajeynayo soo saarida shidaalka in ay caawiso in ay yarayso heerka Shaqo la’aanta ka jirta Somaliland.

“Waxay hormarineysaa dhaqaalaha waddanka waxayna u abuureysaa shaqooyin dhalinyarada,” ayuu yidhi. “Taa soo iyana keeneysa in ay kor u kacdo heerka nolosha bulshada.”

“Ma jiraan dad badan oo aqoon u leh howlaha shidaalka oo jooga waddanka maanta, marka soo saarista waxay horseedaysaa in dad ajnabi ah oo qibrad u leh ay yimaadaan kuwaas oo ay ka faa’iidi karaan xirfadlayaasha yar ee waddanka jooga,” Aar ayaa sidaas sheegay.

Illaa 1700 oo dhalinyaro ah ayaa ka qalin jabiyay dhowaan jamaacadaha waddanka iyo kuwa gaarka loo leeyahay kuwaas oo raadinaya shaqo, ayuu yidhi Aar. “Waxaa jira farqi u dhexeeya boosaska shaqo ee banaan sanad walba iyo inta raadineysa shaqada,” ayuu yidhi. “Marka [sahanka shidaalka] waxa uu noqon karaa fursad lagu sameeyo shaqooyin.”