Axmedinajad “Iran hal arrin ayay la wadaagi doontaa Somalia!”

Madaxweynaha dalka Iran Maxmud Axmedinajad ayaa ku dhowaaqay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu Somalia la wadaago hal arrin oo ah khibradda uu kaga roon yahay ee ku saabsan meelo badan.

“Iran waxa ay diyaar u tahay in Somalia siiso dhammaan waxyaabaha ay kaga khibrad roon tahay, sida daryeelka caafimaad, tammarta dhismaha waddooyinka iyo deegaameynta” ayuu yiri Axmedinajad, kadib kullan uu la qaatay safiirka Somalia ee magaalada Tehran, Khaliif Kadiye Muuse.

Madaxweyne Axmedinajad ayaa sidoo kale sheegay in inkasta oo ay jraan cadaadisyada ay Iran kala kulmeyso dalalka quwadda sheegta, haddana ay diyaar u tahay inay taageerto dalalka madaxa banana ee cadaaladda raadinaya.

Waxa uu intaas ku daray in Somalia ay ka mid tahay dalalka Africa, ee Iran ay dhowaanahan saaxiibada la noqoneysay, islamarkaana ay kaga dhowdahay dalalka kale ee African-ka ah maadaama ay muslimiin yihiin.