24.9 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Xog: Villa Somalia oo xilkii Aadan Madoobe u wadda wasiir xiriir xooggan la leh Turkiga

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxtooyada Soomaaliya ayaa weli isha ku haysa qofka beddeli lahaa guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe, oo waqtigiisii dhammaaday, haatanna noqday madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Villa Somalia ayaa wajahaysa caqabado ku saabsan qofka ay u dooraneyso guddoomiyaha baarlamaanka ee waqtigiisu dhammaaday, balse sii wadi doona howlaha inta lagu jiro muddada sanad-ku-darsiga ah ee uu oggolaanayo dastuurka cusub ee la meel mariyey.

Madaxtooyadu waxay u baahan tahay hoggaan baarlamaan oo fududeeya meel-marinta sharciyada iyo qorshayaasha ay dowladdu damacsan tahay.

Waxaa socda olole xooggan oo madaxtooyadu ku dooneyso in uu guuleysto murashaxa ay taageereyso ee loo wado jagadan, kaas oo sidoo kale la sheegay in dowladda Turkiga iyo xulafadeedu ay ku cadaadinayaan Villa Somalia in la hirgeliyo qorshihiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xubnaha baarlamaanka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed u bandhigay dalabyo adag oo la xiriira in lagu taageero guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka inuu noqdo siyaasiga da’da yar ee xilligan ah wasiirka dekedaha, Cabdulqaadir Maxamed Jaamac, oo kursigiisa baarlamaanka si dirqi ah uga soo qaatay deegaan-doorashadiisa.

Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay in culeys lagu saaray sidii loo dhisi lahaa murashaxa Villa Somalia. Taas beddelkeeda, Villa Somalia ayaa ka shaqeyneysa taageerada maamulka cusub ee Koonfur Galbeed.

Waxaa soo baxayay warar sheegaya in Sheekh Aadan Madoobe uu markii hore dhaliilsanaa in guddoonka baarlamaanka loo dhiso Cabdulqaadir Maxamed Jaamac, balse markii dambe lagu qanciyey inuu taageero, kadib cadaadis iyo taageero ka timid Turkiga, oo la rumeysan yahay in Wasiir Jaamac uu xiriir adag la leeyahay.

Wasiir Jaamac ayaa tan iyo xukuumaddii 2021 ahaa wasiir aan xilkiisa lumin, isagoo xiriir xooggan la lahaa dowladda Turkiga. Hayaankiisa siyaasadeed ayaa kasoo bilowday safaaradda Soomaaliya ee Ankara, kahor inta uusan gaarin heer wasiirnimo.

Dadka aadka ugu dhow ee aqoonta u leh Cabdulqaadir Maxamed Jaamac, oo lagu naaneyso “Madaxaa Na-furan”, ayaa aaminsan inuu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu dhow dowladda Turkiga, taladana ay ka qaadato. Dadka qaar ayaa ku tilmaama inuu yahay wakiil qarsoon oo Turkigu ku leeyahay Soomaaliya, inkastoo aan arrintaas caddeyn madax-bannaan loo hayn.

Cali Muxiyaddiin
Caasimada Online
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News