24.9 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Sawirro: Shirkadda Likenew Smart Laundry oo daahfurtay “24/7 Smart Lockers”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Likenew Smart Laundry ayaa Muqdisho ku daahfurtay adeeg cusub oo casri ah, kaas oo loogu magac daray 24/7 Smart Lockers, waxaana uu macaamiisha u oggolaanayaa inay dharkooda geeyaan ama kala baxaan xilli kasta, habeen iyo maalin.

Adeeggan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee laga hirgeliyo Soomaaliya, iyadoo shirkaddu sheegtay inuu si gaar ah uga jawaabayo baahida dadka mashquulka ah ee aan mar walba heli karin waqti ay ku tagaan xarumaha dhaqista dharka.

Munaasabadda daahfurka adeeggan cusub ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin iyo marti sharaf kala duwan, iyadoo Likenew ay sheegtay in nidaamkan uu qeyb ka yahay dadaal ay ku casriyeyneyso adeegyada daryeelka dharka ee dalka.

Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka oo dhameystiran:

Shirkadda Likenew Smart Laundry oo daahfurtay “24/7 Smart Lockers”, kaasoo waji cusub u yeelaya adeegyada dhaqista ee soomaaliya.

Muqdisho, Soomaaliya – 25 June, 2026: Shirkadda Likenew Smart Laundry oo hormuud u ah casriyeynta adeegyada daryeelka dharka ee Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay nidaamkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo dalka laga hirgeliyo: Likenew Smart Lockers.

Adeeggan casriga ah ayaa macaamiisha awood u siinaya in ay dharkooda geeyaan ama kala baxaan xilli kasta oo ay doonaan, habeen iyo maalin (24/7), iyagoon saf u gelin, cidna sugayn, amaba ka walaacayn in xaruntu ay xirmayso xilliyada dambe.

Tallaabadan ayaa ah isbeddel weyn oo si toos ah u xallinaya culeyskii macaamiisha ka haystay iswaafajinta waqtigooda shaqo iyo helitaanka adeegyada shirkadda.

Faa’iidooyinka ugu muhiimsan ee Likenew Smart Lockers:

Helitaan joogo ah: Macaamiishu waxay dharkooda dhigan karaan ama qaadan karaan xilli kasta, oo ay doonayaan, taas oo xorriyad buuxda siinaysa dadka mashquulka ah.

U-dhowaanshaha Macaamiilka: Adeeggan cusub wuxuu shirkadda u sahlayaa in ay Lockers-ka geyso degmooyinka durugsan iyo meelaha ka fog xarumaheenna waaweyn, si adeeggeennna loogu dhaweeyo macaamiisheenna.

Ammaan & Degdegsiimo: Dhar kasta oo la dhigo Lockers-ka wuxuu ku jiraa nidaam ammaan ah oo danabaysan (Digital).

Munaasabadda daahfurka Likenew Smart Lockers waxaa ka qaybgalay oo hadal ka jeediyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, Mudane Maxamed Nuur Coloow. Isagoo bogaadinaya hannaanka casriga ah ee shirkadda iyo ilaalinta xogta macaamiisha, ayuu yiri: “Likenew waxay buuxisay baahi weyn oo dalka ka jirtay, taas oo ah casriyeynta iyo u-beddelidda adeegyada daryeelka qaab dijitaal ah. Nidaamka Lockers-ka iyo App-ka waxaa loo dhisay si waafaqsan shuruucda caalamiga ah ee dhowrista xogta, annagoo ka hay’ad ahaan ku biirinnay talooyinkeenna iyo hagitaankeenna si loo xaqiijiyo badbaadada xogta dadweynaha.”

“Hadafkeennu ma ahan oo keliya inaan dhar dhaqno, balse waa inaan Soomaaliya keenno fikir cusub (A New Concept for Laundry) oo la jaanqaadaya qaab-nololeedka casriga ah ee dadkeenna,” ayuu yiri Axmed Bashiir Osman oo ah maamulaha guud ee LIKENEW. Wuxuu sii raaciyey: “Likenew Smart Lockers waxay meesha ka saarayaan sugitaankii iyo saxmaddii, waxayna noo suuragelinayaan inaan adeeggeenna u dhowayno macaamiisheenna meel kasta oo ay joogaan.”

Shirkadda Likenew waxay mar kasta u taagan tahay in ay daryeelka dharka ka dhigto mid hufan, ammaan ah, oo macmiilku ku raaxaysto, iyadoo isku-xiraysa tayada sare ee shaqada iyo awoodda tignoolajiyadda.

Wixii faahfaahin dheeri ah, fadlan nagala soo xiriir:

Email: [email protected]
Taleefan/WhatsApp: 252 615311877 ama 2414
Website: www.likenew.so
— DHAMMAAD —

- Advertisement -

Read more

Local News