Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee siyaasiyiinta mucaaradka ah Daahir Maxamuud Geelle ayaa qabtay shir jaraa’id, isagoo faahfaahin ka bixiyey shirkii ay maanta la yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh, soona bandhigay qodobada ay isla meel dhigeen iyo kuwa ay isku mari waayeen.
Daahir Geelle ayaa sheegay in kulankii maanta ay hormar badan ka sameeyeen, inkastoo ay isku mari waayeen qodobka dastuurka oo dowladda federaalka ay rabto inay dhameystirtu, halka mucaaradku ay rabaan in halkiisa looga leexdo.
“Arrimaha dastuurka aad ayaan uga doodnay, laakiin waan isla meel dhigi weynay, waxti dheer ayuu qodobkaasi naga qaatay, ugu dambeyntiina dowladdu waxay codsatay in qodobkaas ay ka soo tashato oo dib loogu dhigo, ilaa 20-ka bishaan intii ka horeysa,” ayuu yiri Daahir Geelle.
Daahir Geelle ayaa xusay in dooda dowlad goboleedyada maqan ee Jubaland iyo Puntland ay miiska geeyeen, gaar ahaan Jubbaland oo codsatay in lagu casuumo shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka iyo in laga qaado cunaqabateynta ay saartay dowladda federaalka.
Afhayeen Daahir Geelle ayaa sheegay in codsiga Jubbaland aysan u helin wax jawaab ah, isla markaana shirarka dambe ay gey doonaa ilaa jawaab rasmi ah laga helo dowladda federaalka.
Wuxuu sheegay in aragtida dowladda ee dagaalka argagixisada ay ku qanceen, isla markaana go’aan dowladda ay la qaateen, kuna garab taagan yihiin dagaalka Khawaarijta, sida uu ku cadeeyey shirkiisa jaraa’id.
“Hadii aan nahay madasha Samatabixinta, waxaan nahay xal doon u taagan in talo lagu mideysan yahay dalka lagu hoggaamiyo, oo go’aan wadar ogol ah lagu wajaho arrimaha masiiriga ah, horumarka, wadajirka iyo midnimada dalka ayaan u taaganahay,” ayuu yiri Danjire Daahir Geelle.
Madaxweynaha iyo Mucaaradka ayaa galabta isla gartay in 20-ka bishaan la isku soo laabto, si wadahadallada loo sii ambaqaado, iyadoo horay Madaxweynuhu bartamaha bishan u iclaamiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.
Hoos ka daawo