24.9 C
Mogadishu
Tuesday, July 8, 2025

Xusuusta dilkii halyey Gen. Salaad Gabeyre, Ceynaanshe iyo Dheel ee 53 sano ka hor

By Cali Muxiyaddiin
Bookmark
Bookmarked

Share

Luulyo 3, 1972, abbaarihii 08:00 subaxnimo, waxaa ka soo wareegatay 53 sano, dil murugo leh, si wuxuushnimo ahna loogu fuliyay Jeneraal Salaad Gabeyre Kadiye, Jeneraal Maxamed Caynaanshe Guuleed iyo Gashaanle Cabdulqaadir Dheyl Cabdulle.

Dabcan, gacan-ku-dhiiglayaashii dilka geystay waxaa ugu weynaa kaligii-taliyihii dowladdii Kacaanka, Maxamed Siyaad Barre, laakiin dhagar-qabayaashii kale ee iyaguna, sida firfircoon ugu lug yeeshay, ayaa laga xusi karaa Maxamed Cali Samatar, Ismaaciil Cali Abokor, Cabdalla Maxamed Faadil, Axmed Saleebaan Dafle, Maxamuud Geele Yuusuf iyo Cabdulqaadir Xaaji Masaale.

53 sano kaddib, weli waxaa cad in ragga la laayay dhiiggoodu uu ku dhex qoyan yahay quluubta iyo xusuusta malaayiin Soomaaliyeed. Siyaad Barre uguma harin raggaasi dil keliya, wuxuuse ku sii daray inuu dhaco maal iyo xoolo wixii ay lahaayeen, iyada oo loola jeeday in xitaa la hanti tiro agoontii iyo xaasaskii ay ka tageen, isla markaana diiwaannada dowladda laga saaro magac, xushmad, taariikh iyo xusuus wixii ay ku kasbadeen shaqooyinkii siyaasadda iyo howlaha difaaca qaranka oo loogu aqoonsanaa inay ku lahaayeen door geesinimo iyo kaalin wax-ku-ool ah.

Taariikhdu waxay xusaysaa in raggaas loo laayay shaki laga qabay, kaddib markii ay soo ifbaxeen khilaafyo iyo ballan-ka-baxyo si bareer ah loo sameeyay. Arrintaas oo ay si weyn ugu lug lahaayeen koox uu Afweyne ka dhex sameystay qaar ka mid ahaa kuwii wax ka ogaa afgembigii lagu riday dowladdii rayidka ee dastuuriga ahayd iyo kuwii gadaal magacyadooda lagu daray liiska xubinnimada GSK. Siyaad Barre wuxuu ka cabsi qabay saddexda nin oo uusan u arkeyn waddaniyadooda iyo Soomaalinimadooda, balse keliya ka fikirayay isirka ay ka soo jeedaan oo ahaa beelo waaweyn, isagoo ka xigsanayay in midkood qabto xilka Taliyenimada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS).

Wuxuu markiisii hore doonayay inuu isagu isku noqdo Madaxweynaha GSK iyo Taliyaha XDS, balse haddii ay u socon weysayna, uu xilkaas u doorto, sida markii dambe dhacday, Maxamed Cali Samatar iyo Cabdalla Faadil oo Taliye iyo Taliye Kuxigeen kala noqday.

Samatar iyo Faadil waxay saaxiib dhow la ahaayeen Salaad Gabeyre, laakiin ka hor iyo kaddib markii xilalkaas loo dhiibay, waxay bilaabeen inay si dhagar ku jirto ula socdaan. Shaqada ugu muhiimsan ee ay qabanayeen ayaa ahayd inay saacadba saacadda ka dambaysa ka war keenaan dareenkiisa iyo tallaabooyinka uu qaadi karo iyo inaysan marna ka ag fogaan si ay tallaabooyinkiisa xog-ogaal uga noqdaan.

Siyaad Barre wuxuu wajihi jiray welwel badan oo uga imanayay ka-gabbasho la’aanta Salaad ee ku aaddan sida uu u danaynayo inuu qaato xilka Taliyenimada XDS iyo inuusan dooneyn xilka loo magacaabay ee Wasiirka Gaashaandhigga. Diidmadiisa ayaa loo qaatay inay ku dahsoon tahay qorshe damac afgembi ah oo uu soo wado.

Ka hor la wareegistii xukunka, waxaa jiray shuruudo lagu heshiiyay, kuna aaddanaa shax awood-qaybsi ah. Waxaa ka mid ahaa, in Afweyne maadaama uu ahaa qof waayeel ah, xagga da’da iyo darajadana ugu weynaa raggii tashaday, loo tixgeliyo xilka Madaxweynenimada, halka Taliyaha XDS uu noqdo Salaad Gabeyre.

Markii la guuleystay, Siyaad Barre oo ahaa qof lagu yaqaannay shaki iyo inuusan lahayn mowqif sal leh, ayaa lagu qanciyay in Salaad Gabeyre uu damacsan yahay qorshe la mid ah kii Kacaankii Masar ee Jamaal Cabdinaasir u maray xilka Madaxweynenimada, kaasoo uu kagala wareegay Jeneraal Maxamed Najiib, kaddib markii uu labo sano ku siman xilkaas hayay da’diisa awgeed.

Sida ay caddeynayaan saraakiil xogogaal ah, oo la socday wixii ka dhacayay xaruntii Aviazione, saraakiil waaweyn oo saaxiibbo iyo isku koox ay ahaayeen Salaad Gabeyre ayaa aad uga carooday kaddib markii uu Salaad aqbalay in Afweyne noqdo Madaxweynaha GSK. Saraakiishaas aadka u xanaaqay, oo qaarkood billado geesinimo ku kasbaday dagaalkii 1964, waxaa ka mid ahaa Gashaanle Ibraahim Rooble Warfaa “Doonyaale”, Gashaanle Cilmi Nuur Tarambi, Gashaanle Maxamed Nuur Barqab, Gashaanle Axmed Ismaaciil Boqor iyo kuwo kale oo badan.

Arrimaha kale ee ay isku qabteen Jeneraal Salaad Gabeyre iyo Maxamed Siyaad waxaa ka mid ahaa:

  1. In go’aamada GSK ee taabanaya dhinacyada xukuumadda, sharci-dejinta, siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo difaaca si wadajir ah loo wada gaaro, iyadoo loo marayo cod-qaadis hab dimuqraadi ah ku saleysan, mustaqbalkana la tixgeliyo waqti cayiman oo munaasib ah iyo sidii xukunka loogu celin lahaa shacabka.
  2. Subaxdii koowaad ee maalintii afgembiigu dhacay, waxaa la soo xirxiray dhammaan xubnihii xukuumadda iyo ra’iisul wasaarahoodii Maxamed Ibraahim Cigaal. Afweyne ayaa isna maalintii labaad, iyada oo aan la isku raacin, soo xiray siyaasiyiin waaweyn oo uu ka mid yahay Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan. Waxaa kale oo ragga la xiray ka mid ahaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Xaaji Muuse Boqor, halka Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen iyo Jeneraal Maxamed Abshir Haamaan uu xabsi guri ku hayay muddo dheer. Qabqabashadaas waxaa loo adeegsaday ciidan uu watay Axmed Saleebaan Dafle oo Afweyne soddog u ahaa.
  3. Liiska Xubnaha Golaha Sare ee Kacaanka oo uu Siyaad Barre ku soo darsaday xubno isaga taageersan.

Maxamed Cali Samatar, wuxuu ahaa ninka naqshadda u hayay tabaha uu Siyaad Barre ku noqon lahaa kaligii-taliye inta uu nool yahay xukunka ku waara. Axdigii Labaad ee GSK waxaa lagu qeexay in Soomaaliya ay dooratay dhabaha Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan ee Marxism-Leninism. Nidaamkani wuxuu jideynayaa inay xaaraan tahay habka awoodaha u kala soocan yihiin hay’adaha dimuqraadiga ah (Checks and Balances), lala wareego hantida gaarka ah ee shirkadaha shisheeye iyo kuwa waddaniga ah, inuusan dalka ka jiri karin nidaam dhaqaale oo furan, xorna ah sida ganacsiga iyo suuqyada, lana baabi’iyo sharci kasta oo u adeegaya sharafta aasaasiga ah ee muwaadinka iyo xuquuqul insaanka, sida inuu ka qaybqaato wacyigelinta bulshada, hal-abuurka, xorriyatul-qowlka, abaabulada xisbiyada iyo bannaanbaxyada shacabka.

Xubnihii GSK, xitaa Siyaad Barre, kuma jirin qof si dhab ah u yaqaannay falsafadda Marxism-Leninism, balse waxay uga ahayd oo keliya in loogu sii dhowaado xiriirka Ruushka iyo in xukunka la isku waarriyo. Afweyne wuxuu ka jeclaa Marxism-Leninism aragtida Machiavelli ee oranaysa, “Wax kasta samee, una mar si aad danahaaga u gaarto, mana jiro caqli iyo maskax kale oo aan ahayn midda uu ku fikiro hoggaamiyuhu.”

Salaad Gabeyre iyo Afweyne arrimahaas aan kor ku soo sheegnay ayaa ugu muhiimsanaa wixii ay dhab ahaan isku hayeen. Mana jirin afgembi uu waday, ee isagaa la shirqoolay, lala dilay saaxiibbadiisii kale. Saraakiishii hore iyo siyaasiyiin dhowr ah, waxay qabaan in Jeneraal Caynaanshe marka la barbar dhigo Afweyne ay ahaayeen labo qof oo waxyaabo badan ku kala duwan. Jeneraal Maxamed Caynaanshe, xagga aqoonta, waddaniyadda, hufnaanta iyo sumcaddaba wax badan ayuu kaga horreeyay Afweyne. Waxaa loo tiriyaa in Caynaanshe uu dhinac walba ugu dhawaa wanaaggii Jeneraal Daa’uud looga hayay XDS iyo shacabka dhexdiisa. Sidoo kale, Gashaanle Cabdulqaadir Dheyl Cabdulle, wuxuu ahaa sarkaal is-uruursan, tababbar sare qaba, aadna isugu kalsoon. Wuxuu ahaa geesi aad u firfircoon oo ay saraakiisha iyo askartuba aad u jeclaayeen.

Raggaas sida arxan-darrada ah loo laayay, waxay maanta joogtaa inay yihiin kuwo mudan in qof iyo qaran ahaanba la xusuusto, xushmaddoodii iyo taariikhdoodii la aasayna dib loo soo nooleeyo, iyada oo loo samaynayo tacsi qaran iyo maalin lagu xusuusto. Waa in lagu sharfo magacyadooda meelo muhiim ah oo ummadda u dhaxeeya, sida waddooyinka, iskuullada iyo xarumaha ciidamada iwm. Waa in 12-ka Abriil, Maalinta Xuska XDS, magacyadooda iyo taariikhda ay leeyihiin lagu weyneeyo, iyo in dhammaan wixii hanti ah ee laga dhacay dib loogu soo celiyo dhaxaltooyadooda si sharci ah oo aan shuruud iyo gorgortan ku jirin.

Cali Muxiyaddiin
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News