Saddex Nafood….!!! (Qiso Jaceyl oo xanuun badan, Qeybti 5-aad)

Qeybti 5-aad. Qeybihi hore halkan ka arag 1-aad   2-aad  3-aad 4-aad

Taydoonta ha ahaato ee bal ka warran haddii ay soo baxdo, oo kuu timaado, oo ku tidhaahdo: ”Waan gam’i waayey ee kaalay i weheli?” I weheli?! Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim! Balaayo ku wehelisay!

Adiga oo sidaas u fekeraya ayaa albaabkii oo indhahaaga ku beegan la furay, waxaana ka soo baxday Siraad oo u eg ilmo hurdo ka soo seleshay. Dirac aad khafiif u ah oo aan waxba uga hoosayn ayey ku dhex jirtaa, albaabka ay ka soo baxdayna iftiinka ka daaran ayey ku beegan tahay, sidaa darteed in ay wax gashan tahay lama moodo. Tin iyo cidhib jidhkeeda dhuuban ee qurxooni diraca ayuu ka dhex arkaa. Maba ay leexleexan ee toos ayey kuu soo abbaartay, adiga oo si waalli ah tusbaxa u rogrogaya ayeyna iskaa soo dul taagtay. Waxaad kala garan wayday soo bixisteeda in aad weli ku fekeraysid iyo in ay dhab tahay.

”Sheekh, khayr Alle ha ku siiyee waan gam’i la ahay ee Qur’aan igu akhri”, ayey kugu tidhi. Qur’aanku ku qabay oo Ilaahay inkaar kugu rid! Iyada oo qaawan ayey doob saqdhexe cidla fadhiya leh dahay ”Qur’aan igu akhri”! ayaad ku fekertay, afkase waxaad ka tidhi: ”Bal waxa Alle iga haleelsiiyo ayaan kugu akhriyi ee soo fadhiiso. Sidee laguu hayaa?” “Dhiiggayga ayaad mooddaa in la karinayo. Waan qubaystay, dharna beerqariyahaas aad aragtid baan iskaga reebay, welina waan holcayaa.”

Dhiiggaaga la kari oo dhulka Alle kuu goo! Dhiig la kariyey sow waxa annagaba na haya ma aha.

Markiiba salligii yaraa ayey dacal kaga fadhiisatay. Kuguma soo jeeddo kaamana sii jeeddo ee dhinac ayey u fadhidaa. Aad baad isugu dhow dihiin oo gacanta aad tusbaxa ku haysid haddii aadan soo laabi lahayn waa ay gaadhi lahayd. Diraca waa ay iska sidataa ee waxba uma qarsoona. Aayad kursi ayaad si waalan degdeg carrabka ula dhacday iyadana hoosta ka daawatay. Haddana salligii yaraa ee aan awelba fadhiga idiinku wada fillayn ayey isku legeddey, waxaanad aragtay naasaheeda sida yaabka leh u sii ruxmaya. Markii ay sii jiifsanaysey waxay sii lahayd: ”Halkan ayaaba neecaw macaane in aan barkin soo qaato ayaa fiicnayd.”

Waxan ku hor yaal ma iyadii baa? Ma run baa mise waa riyo? Xubnaheedii oo dhami waa kuwan sidii hoobaan bisil hortaada daadsan. Filasho iyo filanwaa, farxad iyo naxdin, labadaba leh. Imika afka waad iska dhaqdhaqaajinaysaa ee waxii aad akhriyaysay mar hore ayey kaa murgeen. Carrabkii oo engagan ayaa dhanxanegga kaaga dhegay. Gacantii waa kaa tusbaxii ka dhacay ee iyada oo sida xubnaha kale u kurbanaysa diyaar u ah in ay xeedhada bisil ee ku hor taal boobto.

Inta aad calaacasha barako ku afuuftay ayaad garabka oo jidhkeeda ugu sarreeya qunyar ka saartay, waana ay kurbatay adiguna la kurbatay. Haddana calaacashii ayaad qunyar oo debecsan gacanteeda qaawan ku salaaxday, waana ay sii kurbatay adiguna la sii kurbatay. Mar kale ayaad calaacasha barako ku afuuftay oo dhabarka ka saartay, oo qunyar ilaa qoorta ka marisay, kurbashadii ayaadna kaga sii darteen. Markaas baad xasuusatay waysadii in ay kaa burtay sida uu Imaam Shaafici qabo.

“Alla Sheekh, gacantaadu macaanaa, waa la garanayaa in ay barakaysan tahay!” ayey tidhi. “Eebbe ha kugu dabiibo!” ayaad afka ka tidhi, uurkana waxaad ka lahayd: adigana jidhkaagu macaanaa, waa la garanayaa in uu barakaysan yahay……….LA SOCO QEYBTA XIGTA JIMCAHA XIGA INSHA ALLAH

W/Q: Ibraahin Axmed Yuusuf (Hawd).