28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Wasiir Nadara oo kormeer lama filaan ah ku tegay safaaradda Koonfur Afrika + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Johannesburg (Caasimada Online) – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (Nadara) ayaa maanta booqasho ku tegay safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika.

Booqashada wasiir ku-xigeenka ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ay ku dooneyso in lagu xoojiyo kormeerka howlaha safaaradaha dalka dibaddiisa iyo kor u qaadista tayada adeegyada la siiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka waxaa ku wehliyay safarkan agaasimaha waaxda qurbo-joogta Soomaaliyeed, Ibraahim Guure Maxamed, oo door muhiim ah ka qaata xiriirka iyo adeegyada loo fidiyo jaaliyadaha dibadda ku nool.

Intii ay socotay booqashada, wasiir ku-xigeenka ayaa si dhow u kormeeray dhismaha safaaradda oo dib u habeyn lagu sameeyay, isaga oo u kuurgalay xaaladda guud ee xarunta iyo habsami u socodka shaqooyinka maalinlaha ah.

Mas’uuliyiinta safaaradda, oo uu hoggaaminayay Ku-simaha Safiirka ahna safiir ku-xigeenka safaaradda, Ismaaciil Cabdulle Soomane ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdiga, waxayna warbixin ka siiyeen adeegyada ay bixiyaan iyo howlaha socda.

Wasiir ku-xigeenka ayaa bogaadiyay horumarka muuqda ee laga gaaray safaaradda, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta adeegyada diblomaasiyadeed iyo qunsuliyadeed ee loo fidiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika.

Ugu dambeyn, waxa uu wasiirku xaqiijiyay sida ay wasaaraddu uga go’an tahay casriyeynta safaaradaha dibadda iyo horumarinta adeegyada diblomaasiyadeed, si ay ula jaanqaadaan baahiyaha muwaadiniinta iyo kobaca guud ee adeegyada dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News