28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Golaha Wasiirrada maamulka Koonfur Galbeed oo maanta ansixiyay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta yeeshay shir muhiim ah oo uu guddoomiyey Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha guud ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo si qoto dheer looga dooday arrimaha amniga, horumarinta mashaariicda iyo adeegyada bulshada.

Intii uu socday kulanka, xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno kala duwan ka dhageystay wasaaradaha, kuwaas oo la xiriiray xaaladda amni, adeegyada aasaasiga ah iyo baahiyaha ka jira deegaanada kala duwan ee maamulka.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale si rasmi ah u ansixiyey laba siyaasad oo muhiim u ah horumarka gobolka, kuwaas oo kala ah Siyaasadda Guriyeynta iyo Siyaasadda Fasaxa Dhismaha, kuwaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Howlaha Guud.

Labadan siyaasad ayaa loogu tala-galay in lagu xoojiyo qorsheynta magaalooyinka, kor loogu qaado tayada dhismayaasha, iyo in la habeeyo nidaamka oggolaanshaha dhismaha si loo helo nidaam hufan oo casri ah.

Sidoo kale, golaha ayaa ka dooday sida loo dardargelin karo hirgelinta siyaasadaha cusub, si ay si toos ah uga qayb qaataan kobaca dhaqaale iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee Koonfur Galbeed.

Golaha Wasiirrada ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay fulinta iyo dabagalka siyaasadaha la ansixiyey, si loo dardar-geliyo horumarka, loona hagaajiyo bilicda iyo qorsheynta magaalooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News