Muqdisho (Caasimada Online) – Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa ka qeyb-galay dhoolatus milateri oo caalami ah, kaas oo ka fhacay dalka Turkiga, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka lagu casuumay.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa lagu faahfaahiyay dhoolatuskan, waxaana lagu sheegay in ay ka qeyb-galeen dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Soomaaliya, Mareykanka, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Talyaaniga, Cameroon, Liibiya, Pakistan, Suuriya iyo Sacuudi Carabiya.
Dhoolatuskan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah tababarada milateri ee ugu ballaaran ee ay martigeliso Turkiga, iyadoo diiradda lagu saaray is-dhexgalka iyo iskaashiga ciidamada kala duwan ee dalalka ka qeyb galaya.
Intii uu socday dhoolatuska, ciidamada ayaa soo bandhigay xeelado dagaal oo kala duwan, kuwaas oo isugu jira adeegsiga madaafiicda culus, hoobiyeyaasha, tababarka toogashada iyo ku boodista daladaha (baarashuud).
Sidoo kale, waxaa qeyb ka ahaa tababaro lagu baranayo baaritaanka iyo ka saarista miinooyinka, kuwaas oo muhiim u ah sugidda amniga goobaha dagaalka iyo ilaalinta shacabka.
Cutubyada ka qeyb galaya ayaa sidoo kale qaatay tababaro la xiriira ka hortagga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (diyaarado aan duuliye lahayn), adeegsiga doomaha dheereeya iyo farsamooyin kale oo casri ah oo lagu horumarinayo awoodda ciidamada.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in dhoolatuskan uu isugu jiray mid lagu fuliyay dhulka, badda iyo cirka, iyadoo dhammaan ciidamada ka qeyb galay ay si nabad ah ku dhammeysteen howlaha loo qorsheeyay.
Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay waday dadaallo ballaaran oo lagu dib u dhisayo laguna casriyeynayo Ciidanka Qalabka Sida, si ay u yeeshaan awood ay ku difaacaan dalka, isla markaana uga qeyb qaataan howlaha iyo tababarada milateri ee caalamiga ah.




