27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Loolanka Turkey iyo Israa’iil ee Soomaaliya oo xoogeystay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalalka Turkiga iyo Israa’iil ayaa si weyn u xoojinaya loollanka ay ugu jiraan gacan-ku-heynta istaraatiijiyadeed ee Geeska Afrika, iyadoo xukuumadda Ankara ay sii qoto dheereyneyso heshiisyada rasmiga ah ee dhanka tamarta iyo milateriga ee ay la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka Israa’iil ay u weecatay dhanka maamulka Somaliland.

Turkiga ayaa si adag u xaqiijiyay awooddiisa gudaha Soomaaliya, isagoo dowladda federaalka la saxiixday heshiisyo waaweyn oo lagu baarayo shidaalka iyo gaaska ee ku jira berriga iyo baddaba, waxaana taas barbar socda joogitaan milateri oo ballaaran iyo saldhigga ugu weyn ee tababarka ciidamada ee uu ku leeyahay dalkiisa dibaddiisa.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa xiriir dhow la sameysatay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, kaddib markii ay dhowaan ku dhawaaqday inay u aqoonsatay dowlad madax-bannaan.

Tallaabadan ayaa dhalisay caro xooggan, waxaana si adag u diiday dowladda Soomaaliya iyo dalal dhowr ah oo Carbeed, kuwaas oo ku sifeeyay mid sharci-darro ah oo carqaladeynaysa xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, Tel Aviv ayaa wadda qorsheyaal ay saldhig milateri uga dhisaneyso meel u dhow Gacanka Cadmeed, si ay isha ugu hayso dhaq-dhaqaaqa kooxda Xuutiyiinta Yemen, uguna xaqiijiso marinkeeda muhiimka ah ee Badda Cas.

Turkiga oo adkeystay booskiisa Soomaaliya

Horraantii sanadkan, Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay diyaar u tahay in la bilaabo hawlgalladii ugu horreeyay ee qodista shidaalka badda, iyadoo markab nooca qodista ah oo ay leedahay dowladda Turkiga uu horraantii April soo gaaray xeebaha dalka, siu u howshaas u billaabo.

Tallaabadan ayaa daba socota sahmintii uu sanadkii hore si guul leh u dhammaystiray markabka cilmi-baarista Turkiga ee Oruç Reis, kaas oo xog muhiim ah oo dhanka 3D-ga ah ka soo ururiyay xirmooyinka shidaalka ee badda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay leedahay kayd shidaal oo badda ku jira oo gaaraya ugu yaraan 30 bilyan oo fuusto iyo qiyaastii 6 bilyan oo mitir kuyuubik oo gaaska dabiiciga ah, inkastoo inta badan kaydkaas uusan ahayn mid wali si dhab ah loo soo saaray marka la barbar dhigo dalalka horay shidaalka ugu caan baxay ee Afrika, sida Liibiya iyo Nigeria.

Tan iyo sanadkii 2011, Turkiga ayaa noqday mid ka mid ah xulafada ugu dhow ee Muqdisho, isagoo bixinaya gargaar bani’aadannimo, tababarro milateri iyo maalgashi balaaran oo dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah.

Bishii Diseembar 2025, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaciyay in xukuumaddiisu ay qorsheyneyso inay xarun hawada sare ah (spaceport) ka dhisto Soomaaliya.

Warar dambe ayaa xaqiijiyay in Turkigu uu sahminayo dhismaha xarun ballaaran oo isugu jirta goob laga rido dayax-gacmeedyada iyo suurtagalnimada gantaallada, taas oo barbar socota qorsheyaal lagu dhisayo saldhig ciidamada badda ah.

Horraantii 2026-ka, diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee dalkaas ayaa iyagana la geeyay gudaha Soomaaliya.

Bishii Febraayo 2026, Turkiga ayaa sidoo kale soo daabulay taankiyo lagu sameeyay Mareykanka oo noocoodu yahay M48 iyo M60, kuwaas oo dhex maray waddooyinka Muqdisho iyagoo ku jira kolonyo ammaan ah, kaddib markii laga soo dejiyay markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Turkiga.

Taankiyadan ayaa la sheegay in la geeyay si ay u sugaan amniga xarumaha Turkiga ee deegaanka Warsheekh, oo qiyaastii 37 mayl waqooyi kaga beegan caasimadda, halkaas oo Ankara ay ka dhiseyso xarunta dayax-gacmeedyada.

Dhanka kale, Turkiga ayaa dhowaan dib u furay saldhiggiisa milateri ee ku kacay 50-ka milyan ee dollar ee ku yaalla Muqdisho, isagoo sii xoojinaya doorkiisa qaybta amniga Soomaaliya iyo taageerada uu siiyo tababarka ciidamada Xoogga Dalka, oo ay ku jiraan guutooyinka gaarka ah ee ka qayb qaadanaya hawlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab.

Israa’iil oo indhaha ku haysa Somaliland

Dhinaca kale, Israa’iil ayaa diiradda saartay maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland ee waqooyi galbeed Soomaaliya, kaas oo xeebihiisu ay dhanka Gacanka Cadmeed ka eegaan dalka Yemen.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dabayaaqadii sanadkii 2025 ku dhawaaqay in xukuumaddiisu ay aqoonsatay Somaliland, isagoo go’aankaas ku sifeeyay mid “ku saleysan ruuxda heshiisyadii Abraham (Abraham Accords).”

Go’aankan ayaa caro xooggan ka dhex abuuray dowladda Soomaaliya iyo dalal dhowr ah oo Carbeed oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya, Falastiin, Masar, Kuweyt, Ciraaq, Urdun iyo Qatar, kuwaas oo dhammaantood diiday aqoonsigaas, kuna tilmaamay sharci-darro khatar gelinaya xasilloonida gobolka iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa isna dhaliilay tallaabadaas, iyadoo Madaxweyne Erdogan uu aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ku tilmaamay mid “sharci-darro ah oo aan la aqbali karin,” isagoo markii dambena intii uu ku guda jiray booqasho uu bishii Febraayo ku tagay Itoobiya—oo ah mid ka mid ah xulafada ugu weyn ee Israa’iil ee Geeska Afrika—sheegay in go’aankaasi “uusan dan ugu jirin” gobolka.

In kasta oo ay jiraan dhaleeceynahaas, warbixin bishii Maarso ay baahisay warbaahinta Bloomberg ayaa lagu sheegay in Israa’iil ay baarayso qorsheyaal ay saldhig milateri uga dhisanayso maamulkaas si ay ula socoto una bartilmaameedsato kooxda Xuutiyiinta Yemen, iyadoo ka faa’iideysanaysa halka istaraatiijiga ah ee uu kaga yaallo meel u dhow marinka Bab el-Mandeb.

Isagoo difaacaya tallaabadan, Shiri Fein-Grossman, oo ah madaxa Machadka Xiriirka Israa’iil iyo Afrika, ahna xubin horay uga tirsaneyd Golaha Amniga Qaranka Israa’iil, ayaa u sheegay warbaahinta i24 News: “Qof kastaa wuxuu eegayaa khariidadda, wuxuuna fahmayaa waxa ay Israa’iil halkan ka raadinayso. Aqoonsiga Somaliland wuxuu Israa’iil siinayaa goob istaraatiijiyadeed oo u dhow Xuutiyiinta Yemen, wuxuuna ku soo beegmayaa xilli Israa’iil ay u baahan tahay saaxiibo badan intii suurtagal ah.”

Hadalladeedu waxay ka turjumayaan xisaabaadka istaraatiijiyadeed ee Israa’iil, balse waxba kama beddelin maqaamka lagu muransan yahay ee gobolka iyo mowqifka adag ee Soomaaliya ee ah in Somaliland ay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah dhulkeeda madax-bannaan.

Xiisadda Ankara iyo Tel Aviv oo xoogeysatay

Marka laga soo tago arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland, xiisadda u dhexaysa Turkiga iyo Israa’iil ayaa si weyn ugu qoto dheeraatay arrimaha Gaza, Suuriya iyo awood-sheegashada ballaaran ee gobolka, taas oo bannaanka soo dhigtay loollan juquraafi-siyaasadeed oo isa soo taraya oo u dhexeeya labadan quwadood ee milateri.

Wargeyska Middle East Eye ayaa ku warramay in Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu si weyn u xoojiyey hadalladiisa adag ee ka dhanka ah Turkiga, xilli Ankara ay kordhinayso saameynta ay ku leedahay bariga badda Mediterranean-ka iyo Afrika, gaar ahaan aagagga Qubrus iyo Greece.

Qoraal uu soo dhigay barta X, ayuu Netanyahu ku eedeeyay Madaxweyne Erdogan inuu “xasuuqayo muwaadiniintiisa Kurdiyiinta ah” iyo inuu “hooy siinayo nidaamka argagixisada Iiraan iyo wakiilladiisa.”

Turkiga ayaa si adag uga jawaabay eedeymahan, iyadoo mas’uuliyiinta Ankara ay Netanyahu ku sifeeyeen inuu yahay “Hitler-kii xilligan,” iyagoo soo xiganaya hawlgallada milateri ee Israa’iil ay ka waddo Gaza iyo guud ahaan gobolka Bariga Dhexe.

Gabagabadii, in kasta oo Soomaaliya ay weli tahay masrax furan oo salka ku haya heshiisyada rasmiga ah ee tamarta iyo milateriga ee Turkiga, xiriirka Israa’iil ay la yeelatay maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland ayaa weji cusub ku soo kordhiyay loollanka xasaasiga ah ee ka taagan Geeska Afrika.

Khilaafkan ayaa ka turjumaya halgan ballaaran oo loogu jiro awood iyo saameyn oo ka soo bilowda Badda Cas ilaa Bariga Dhexe, iyadoo labadan dal ay raadinayaan saldhigyo istaraatiijiyadeed si ay u xoojiyaan cududdooda iyo saameyntooda goboleed.

- Advertisement -

Read more

Local News