Washington (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa olole adag ugu jira in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu xisbiga Islaax ee dalka Yemen u aqoonsado urur argagixiso, tallaabo la filayo inay sii huriso xiisadda u dhexaysa Abu Dhabi iyo dowladda Sacuudi Carabiya oo ah taageeraha ugu weyn ee xisbigaas.
Ilo-wareedyo ka kala tirsan Mareykanka, Sacuudiga iyo Yemen ayaa u sheegay warbaahinta Middle East Eye in Abu Dhabi ay afartii bilood ee la soo dhaafay ku cadaadinaysay Washington in xisbiga Islaax lagu daro liiska Argagixisada Caalamiga ah ee sida gaarka ah loo calaamadeeyay (SDGT).
Tani ayaa timid kaddib markii Imaaraadku uu maamulka Trump u sheegay in go’aankii bishii Janaayo lagu diiwaangeliyay saddex garab oo ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin uusan ahayn mid ku filan.
Horraantii sanadkan, Washington ayaa ururro argagixiso u aqoonsatay laamaha Ikhwaanul Muslimiin ee dalalka Masar, Urdun iyo Lubnaan. Imaaraadka ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid taageeraysa dadaallada caalamiga ah ee la-dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada.
Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaa si hoose uga carooday in go’aankaasi uusan gaarin yoolkoodii muddada dheer ee ahaa in gabi ahaanba ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo dhammaan laamihiisa la mamnuuco, waana olole ay Abu Dhabi in ka badan toban sano ka wadday caasimadaha Mareykanka iyo Yurub.
Sarkaal Mareykan ah oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in Imaaraadku uu si dhab ah u aaminsan yahay in maamulka Trump uu mar uun qaadi doono tallaabadaas adag.
In kasta oo aan la ogeyn in mas’uuliyiinta Imaaraadka iyo dhiggooda Mareykanka ay ka wada hadleen waqtiga rasmiga ah ee arrintan, haddii Aqalka Cad uu xisbiga Islaax ku daro liiska SDGT, waxay qasbaysaa in hay’adaha maaliyadda ee Mareykanku ay xayiraan hanti kasta oo xiriir la leh xisbiga, xubnihiisana waxaa laga mamnuucayaa inay galaan dalkaas.
Sarkaalka Mareykanka ayaa xusay in haddii Imaaraadku uu ku guuleysto in xisbiga lagu daro liiska aadka u adag ee Ururada Argagixisada Shisheeye (FTO), ay taasi kicin karto caro xooggan oo ka timaada dhanka Sacuudiga, maadaama liiskaasi uu dhigayo in dacwad lagu soo oogi karo cid kasta oo gudaha Mareykanka ama dibaddiisa ku taageerta xisbiga Islaax.
Ilo xog-ogaal ah oo u dhashay Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in Boqortooyadu ay si weyn ula socoto in Imaaraadku uu doonayo in la mamnuuco dhammaan laamaha Ikhwaanul Muslimiin, gaar ahaan xisbiga Islaax, kaas oo ay Abu Dhabi u aragto garabka ugu halista badan sababo la xiriira miisaankiisa siyaasadeed iyo doorkiisa dalka Yemen.
Xisbiga Islaax oo la aasaasay in ka badan soddon sano ka hor, ayaa fariimihiisa siyaasadeed isugu dara mabaadi’da Islaamiga ah, dhaqanka qabiilka iyo qiyamka muxaafidka ah. In kasta oo inta badan lagu tilmaamo mid fikir ahaan ku dhow Ikhwaanul Muslimiin, xisbigu wuu beeniyaa xiriir kasta oo uu la leeyahay ururkaas, wuxuuna u dhaqmaa sidii urur siyaasadeed oo Yemeni ah oo madax-bannaan.
Labo xubnood oo ka tirsan Golaha Madaxtooyada Yemen (PLC) oo ka kooban siddeed xubnood ayaa ka tirsan xisbiga Islaax. Waxaa ka mid ah guddoomiyaha gobolka Marib, Suldaan Cali Al-Carada, iyo Cabdullaahi Al-Calimi Bawaasiir, kuwaas oo fadhiya golaha uu Sacuudigu taageero.
Hase yeeshee, Imaaraadka ayaa dhowr jeer ku eedeeyay xisbiga inuu xiriir la leeyahay Ikhwaanul Muslimiin, isagoo isku dayay inuu siyaasad ahaan iyo milateri ahaanba u karantiilo isagoo taageeraya xoogagga ka soo horjeeda ee dalkaas ka jira sida Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC).
In kasta oo Sacuudiga iyo Imaaraadku ay dagaalka Yemen si wadajir ah isbaheysi ahaan ugu galeen, yoolalkooda istaraatiijiyadeed ayaa si weyn u kala weecday tan iyo xilligaas. Xiisadda labada dal oo soo jiitamaysay ayaa si weyn u qaraxday bishii Diseembar markii Sacuudigu uu xoog ku kala diray golaha STC, isagoo waday qorshe uu Imaaraadka iyo wakiilladiisa kaga saarayo dalkaas.
Sidoo kale, Badda Cas dhinaceeda kale, labada dal ayaa isku haya isku-dhaca dalka Suudaan, halkaas oo Riyadh, Ankara iyo Qaahira ay taageeraan ciidamada milateriga, halka Abu Dhabi ay gacan siiso ciidamada RSF.
Sida uu xaqiijiyay sarkaalka Sacuudiga ah, kaddib digreetadii madaxweyne Trump ee bishii Nofembar lagu bartilmaameedsaday laamo ka tirsan Ikhwaanul Muslimiin, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa billowday inay xiriir la sameyso dhinacyada ay khuseyso gobolka si looga wada-tashto in xisbiga Islaax liiska madow lagu daro iyo in kale.
Maamulka Trump ayaa la sheegay inuu su’aalo u diray mas’uuliyiinta Sacuudiga iyo xisbiga Islaax qudhiisa si ay uga baaraan-degaan go’aankooda. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho wada-tashiyadaas gudaha ah.
Ilaa hadda, xisbiga Islaax kama uusan hadlin ololaha laga wado, balse xubin ka tirsan xisbiga ayaa sheegay in aysan la yaabin dhaqdhaqaaqa Abu Dhabi. Mas’uulkan oo codsaday inaan la magacaabin sababo la xiriira dilal qorsheysan oo dhowaan soo batay dalkaas, ayaa xusay in xisbigu uu ku guda jiro iska-caabbinta eedeymahan, uuna Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka kala xiriiro dhinac saddexaad.
Wuxuu carabka ku adkeeyay in Islaax uu yahay xisbi Yemeni ah oo aan wax xiriir ah la lahayn Ikhwaanul Muslimiin, in kasta oo uu xusay inay soo dhoweynayaan taageerada Ikhwaanku siinayo Falastiin.
Cabdullaahi Al-Arian, oo ah bare-sare oo ka tirsan Jaamacadda Georgetown ee dalka Qatar, ayaa tilmaamay in in kasta oo Riyadh iyo Abu Dhabi ay labaduba Ikhwaanul Muslimiin u aqoonsadeen urur argagixiso, haddana Imaaraadku uu qaatay siyaasad adag oo “eber-dulqaad ah” marka ay timaado la-tacaalidda laamaha ururkaas, isagoo aan eegayn faa’iidooyinka siyaasadeed ee muddada gaaban.
Wuxuu raaciyay in Imaaraadku uu leeyahay ajande qoto dheer oo ku dhisan aragti fikir, taas oo aan laga dhex arkin dhanka Sacuudiga oo iyagu kooxahan u adeegsada dano istaraatiijiyadeed iyo xeelado siyaasadeed oo xilligaas taagan.
Safaaradda Imaaraadka ee Washington iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaan wali wax jawaab ah ka bixin codsiyo warbaahintu u dirtay oo la xiriira arrintan.

