Faallo: Boqolkiiba konton ha ku biirin mucaaradka!

Soomaaliya waa wadan ay aafeeysay Qabyaalada, qof walbana uu ka fakaro saamiga ay beeshiisu ku leedahay dawlada, waxaan dareemi karnaa qaabka ay ku yimaadeen, madaxweeynaha, r/wasaaraha, gudoomiyaha baarlamaanka, Qaabkaas waxaan u naqaan, 4.5,

Waa tii aan la soconay markii la doortay Jawaari in uu qancay Shariif Aadan, uuna iska iloobay musharaxnimadiisii madaxweeyne, dawladan ma aha mid ku dhisan qaab xisbiyada badan, ninka saamigiisa heloow ha dulminin inta kale, ma aha maalintii uu nin madaxweeyne ah ama r/wasaare ah ay ku hamin lahaayeen in ay yareeyaan golaha wasiirada, ayagoo banaanka dhigaaya beelo hore saami u lahaa, waxaan toleeyno waa kab iyo karin, waa isu keenid umadeed, waxaa hareeraha naga xiga dhibaatooyin badan oo loo baahanyahay in aan ka kabsano, wiilasheenii ayaa la duufsaday oo colaad noo haya lagana dhaadhiciyay halgan jihaad, waxaan ku haminaynay in aan helno dawlad soo ururisa sida dawladii hore oo kale oo horumar balaaran gaadhay, waxaa noo muuqda wado horay u sii socod iyo is urursi, maanta ma aha in lagu fakaro in dawlada lagu soo koobo sagaal wasiir, sagaalna la dhimo taas macnaheeda waan naqaan, waa boqolkiiba konton ha noqdaan mucaarid, taas waxeey luminaysaa oo ay meesha ka saareeysaa, dadaalkii iyo howshii adkeeyd oo ay soo qabteen, madaxweynihii hore ee soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Aaxmed iyo labadii r/wasaare ee xukunka ku kala danbeeyay, mudane Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Mudane C/weli Gaas madaxdaas oo aan ku xasuusan doono mudadii ay talada dalka hayeen horumarkii balaarnaa ay sameeyeen, iyo niyadii umada soomaaliyeed oo ay sare mariyeen.

Madaxweyne iyo r/wasaare kaligiin wax ma wadi kartaan waxaad u baahantihiin dhamaan umada soomaaliyeed ha badinina mucaaradka, shacabkana ha niyad jabinina, la socda waqtiga iyo waayaha runta ah ee aan hada joogno, aana ku dadaalno sidaan uga gudbi lahayn qabyaalada, waxaan aaminsanahay in qabiil, uu ka koobanyahay lix xaraf, sadexda hore (Qab) oo ah isla weeyni kibir iyo anaa awood leh, sadexda danbana (IIL) Dhimasho baaba,waa tii hore loo yiri, walaalo coloobay waa xoolo yareeyaan waana xabaalo badiyaan,

maslaxada waxaa loo maraa wado walba oo dhibka looga gudbi karo hadaad dadaashaan oo aad ku shaqeeysaan daacadnimo waxaad hormuud ka noqon kartaan nidaamka xisbiyada badan taageera badana waad heli doontaan, laakiin maanta waa inaad u socotaan oo aad u dhutisaan qaabka aan u jabanahay, waxaan kaloon ku talinaayaa in Somaliland, Buntland iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee soomaaliya si fiican loola macaamilo, oo aan la sameeyn fogayn makala maarano, waxaan nahay ul iyo diirkeed, islamarkaana dawladu ha ka hadasho hadalada foosha xun ee suuqa ku jira, hadeey ka aamusaan waxaan xasuusinaayaa in codka dad weeynuhu xukun noqonaayo. Shacabka soomaaliyeed waa shacab qaali ah oo u baahan hogaan daacad ah, waad soo jiidan kartaan dhamaan, waadna heli kartaan taageeradooda, hadaad daacadnimo u muujisaan, hadiise aan noqono kuwo talada ku kala irdhooba, waxaa naga faa,ideeysan doona cadawgeena, waxaan ku soo qatimaayaa soomaali wey wada dhalatay waa wada abti iyo seedi iyo wiil, dhibka jiraana mid walba waa dareen sanyahay in laga baxana waa wada rabaan, ee fahma soomaalida oo soomaalidana is fahamsiiya, oo noqda ururiye yaal.

Waxaan ka codasanaayaa dhamaan umada soomaaliyeed in ay iga cafiyaan wixii qalad ah ee iga dhacay, waxaadna ogaataan in aan ahay wanaag doon iyo soomaali oo mideeysan in aan mar uun indhaha saaro.

Abwaan C/llaahi Bashiir Nuur

nasri2014@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.