10 qodob oo looga maarmi karo iney gacanta isula tagaan Muuse Suudi iyo DF

Waxaa muuqata in looga sii daraayo muranka dhuleed ee xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow iyo Dowladda dhexe. Sida ay wax ku socdaan Muuse iyo Dowladda midna sumcad kuma heli doonto, waana nasiib daro inuu jiro qof masuuliyad haya oo maanta ka fakaraya inuu dhiig daadiyo.

10-kaan qodob waa fikirkeyga.

1-Muuse Suudi hada waa xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka ah, wuxuu lee yahay xasaanad waana in midaas lagu xushmeeya, oo aan arrintiisa awood loo isticmaalin. Hadii aanan xasaanada la isku xushmeyn , oo aan waxa qoran ee lagu wada joogo lagu dhaqmin sadaasha dambe ma fiicna.

2-Madaama uu ku doodayo in dhulkaan uu hubkiisii uga badashay Dowladii madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf, Dowlada hada jirta waxaa la gudboon iney arrinkaa xaqiijiso kadibna hadii doodiisu sax tahay laga fakaro badal kale sida in lacagtii hubkiisa la siiyo, in dhul kale loo raadiyo iwm.

3- Madama uu jiro sharci dhigaya in Dowladu ay dib uga laaban karto bixinta dhulkeeda ,waa inuu Muuse ogaada sharciyada qaar iney qabanayaan, oo uu isna xaal mastuur wax ku raadiyaa.

4- Eng Yariisow wuxuu u muuqday nin aan nabadoon aheyn oo xaalada uga sii daraya, laakiin wuxuu iloowsan yahay inuu yahay duqa Muqdisho, oo qofkii halkaan ku dhinta ama ku dhawacma uu yahay shacabkii madaxda looga dhigay inuu badbaadiyo, lagulana xisaabtami doono.

5-Waa in la qiimeeyaa, hadii arrinta dagaal lagu xaliyo sida uu noqon doono xiriirka amni iyo isfaham ee dhex mari kara dadka deegaankaas oo hal qoys ah iyo cid kasta oo halkaas lagu wareejiyo Ganacsato ama Safaarado.

6- Inta badan safaaraduhu kuma dhiiraadan iney dagaan dhul dad shacab ah dagan yihiin ama dad heystay xoog looga qaaday. Hadii meesha uu dhiig ku daato waxaa dhici karta in safaaraduhu diidan iney dhulkaas dagaan.

7- Muuse iyo saaxiibadisii hore ee hogaamiye kooxeedyada waaba fahanay, oo waa aragnay,laakiin qofkii madaxda maanta ka tirsan ee intii uu xilka hayo dad lagu laayo Xamar amarkiisa ama dagaal ka abaabula maxaan ugu wici doonaa, mida kale sidey uga baxsan doonaan sharciyada caalamiga ah ee maanta aduunka ka jira iyo dalalka ay intooda badan sharciyada ka heystaan (Tii aaqirana waa is xasuusineynaa).

8- Dowladda madaxweyne Farmaajo waxaa laga rabaa iney qiimo u yeesho saxiixyada iyo amarada madaxdii ka horeysay, hadii kale waxaa dhici doonta in qofka xafiiska ka badala uu qaadaco, oo uu diido wax walba oo uu Farmaajo bixiyay, saxiixay ama amray. (Isku xirka Dowladnimada yaan lagu ciyaarin).

9-Xubnaha Aqalka Sare waa iney muranka xildhibaan Muuse iyo Dowlada dhexe soo fara galiyaan madaama uu aqalkooda ka tirsan yahay Xaajigu, oo ay ka hadlaan, madaxda sare la fariistaan, Muuse la hadlaan, oo ay xal raadiyaan.

10-Saxaafada madaxa banaan waa ineysan arrinta uga sii darin, oo aan shacabka la kicin. Saxaafadu waa iney dhiiri galisaa in sharciga la wada aado, oo arrinta qaab nabadoon lagu xaliyo. Siyaasiyiinta mustaqbalka leh aad ha uga dhowrsadaan gacan ka hadal.

Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid