10 shey oo iska beddalay nolosha amni ee Xamar tan iyo February 2017

Ma ahan inaan ku ammaanayo dowladdii tan ka horreysay ee Xasan Shiikh iyo kuwii horteeda sii ahaa intaba, balse waxaa jira is-badallo muuqda oo Muqdisho ka dhacay, qaarkood waa kuwo qof walba oo Muqdisho joogo arkay, qaarna waa ficillo aan la fileyn oo ka dhacay caasimadda.

Dowladihii ka horreeyay midda hadda jirta magaalada Muqdisho wax badan ay ka gaabiyeen ayaa jira, balse su’aasha ayaa ah intii ay uga tageen malaga dhaqaajiyay mise hoos u dhac ayaa ku dhacay?.

Isbaddallada aan qormadan uga hadleyno waxaa sabab u ah laba wax middood, midi waa amni xumada, halka tan kalena ay tahay dadaal ka ciidanka qalabka sida ay ugu jireen xaqiijinta amniga oo ay ka dhasheen rejo iyo culeys ay shacabku si isku mid ah u dareemeen

Haddaba waa kan 10 shey oo iska baddalay nolosha amni ee Xamar tan iyo February 2017.

1- XIRID IYO DHUFEYS

Wadada hormarta madaxtooyada waxaa isticmaali jiray gawaarida BL-ka ee u socdo Xamar Weyne, hadda BL iska daaye xitaa ma maraan gawaarida raaxada haddeysan wadan madax ama shaqaale dowladeed, waxaana lagu soo kordhiyay dhufeysyo ciidan oo jidka dhexdiisa laga sameeyay.

2 – KALA WAREEG

Busteejooyin cusub oo ay baabuurta ka rartaan ayaa kusoo biraay kuwii hore kuwaas oo ka dhashay xirnaashiyaha jidadka Muqdisho gaar ahaan jidka dheer ee Maka Al Mukarama, waxaana ugu weyn Busteejada Sepiano.

3 – HAL ALBAAB

Jidka dheer ee Maka Al Mukarama ayaa yeeshay hal albaab oo ay kasoo galaan gawaarida raaxada, dhammaan jidadka kale ayaa laga mamnuucay in ay kasoo galaan, albaabkaas ayaana ah kan Isgoyska Digfeer ee degmada Hodan, walow isaga xitaa mararka qaar loo diido gawaarida raaxada in ay kasoo galaan.

4 – GOOBO DALXIIS

Goobaha loo dalxiis tago ayaa kusoo batay magaalada Muqdisho, kuwaas oo intooda badan ku yaallo xeendaabka wadada Maka Al Muakarama illaa xeebta Liido, waxaana inta badan ku kulmo dhallinyarada ka nasta shaqada xilliyada habeenkii.

5 – REJADII CEEL KU DHACDAY

Safaaradda Qatar ayaa darbi ka dhex dhistay laamiga ka baxa Km4 ee aada Tarabuunka, kaas oo hore ugu xirnaa Farmaajo ka hor safaaraddii Turkiga oo ka guurtay mesha, waxaana loo sameeyay Ganjeel xirmaayo, kaas oo meesha ka saaray rajadii aheyd in la arko wadadaas oo markale shacabka isticmaalayaan.

6 – XABSI WEYN

Xabsi aad u weyn ayaa laga hirgeliyay magaalada Muqdisho gaar ahaan gudaha xarunta Asluubta, waxaana loo dhisay si casri ah, oo la mid ah sida xabsiyada caalamka, kaas oo dadka qaar ay ku tilmaameen QASRI, waloow dhagax dhiggiisa uu ka horreeyay dowladda hadda jirta.

7 – SHARCIYO CUSUB

Sharci cusub ayaa lagu soo kordhiyay baraha koontarool ee laga galo Villa Somalia waxaana ka mid ah in qofkii rabo in uu isticmaalo wadadaas, islamarkaasna heesto aqoonsi in uu gaariga ku damiyo meel cabbaar u jirto jakbooyntiga, soo lugeeyo, aqoonsiga tuso askari kujiro dhufeys, marka laga fiirsho aqoonsiga loo oggolaado in uu laabto, gaarigiisa soo kaxeysto sidaasna jidka ku maro, waxaana laga dhaxlay dhibaatooyin ay ka mid tahay in wasiir hore iyo saraakiil aqoonsigooda inta loosii waday askariga lagu dhuftay qarax halkaasna ku naf waayay.

8 – JILACOOW OO JILBAHA LOO LAABBAY

Xabsigii ugu caansanaa caasimadda ee ‘GODKA JILACOOW’, ayaa laga taqalusay, kaas oo loo muujiyay in laga maarmay, waxuuna ahaa xabsi inta badan aad looga baqo magaciisa iyo muuqiisa intaba.

9 – DEGMOOYIN BURBURAY

Afar xarun degmo ayaa bur bur kasoo gaaray weerar qarax ahaa oo lala eegtay, waxaana wali dhagax dhig mooyee aan la dhisin saddax ka mid ah xarumahaas, waa Hodan, howlwadaag iyo Warta-Nabadda, halka Wadajir dhismaheedu gabo gabo marayo.

10 – MARKII UGU HORREYSAY

Taariikhda markii ugu horreysay ayey marti gelisay Muqdisho in xafiiskiisa inta loogu tago lagu dhex dilo Mayer-keedii, ka dibna ay aasto ayadoon la caddeyn cidda sida saxda ah u sahashay in uu dhaco falkii lagu qaarijiyay.

Ma ahan micnaheeda in 10-kaan qodob oo kaliya ay ku koobanyihiin is-badalada Muqdisho ka dhacay, waxaa hubaal ah in ay ka badanyihiin, balse inta idiin muuqata waa inta aan isleeyahay wey ugu waaweynyihiin.

W/Q: Nuune Ali Hassan

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid