Nairobi (Caasimada Online) – Kadib markii loo sheegay Garsoore Cumar Cartan inuusan wax garsoor ah ka qaban doonin Koobka Adduunka, iyadoo dib looga soo celiyay dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu abaal mariyay inuu qaban doona tartan weyn.
Xiriirka ciyaaraha Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqday in garsooraha u dhashay dalka Soomaaliya ee Cumar Cartan uu dhex-dhexaadin doonaa ciyaarta weyn ee Super Cup-ka ee dhexmari doonta kooxaha Paris Saint-Germain iyo Aston Villa.
Cartan ayaa loo doortay inuu noqdo mid ka mid ah garsoorayaasha matalaya qaaradda Afrika ee Koobka Adduunka, baddalkeedase waxaa diiday hay’adda Ilaalada Xuduudaha iyo Kastamka Mareykanka (CBP) ee Garoonka Caalamiga ah ee Miami, waxaana dib loogu soo celiyay duulimaad dalka Turkiga.
Cartan ayaa ku adkaystay inuu watay waraaqihii saxda ahaa iyo dhalashadii/viisadii saxda ahayd, laakiin maamulka Trump ayaa u ogolaan waayay inuu galo gudaha Mareykanka. Go’aankan ayaa dhaliyay carro xooggan oo ka timid adduunka kubadda cagta, kuwaas oo garab istaagay garsooraha Soomaaliyeed.
UEFA ayaa muujisay garab istaaggeeda iyadoo u dhiibtay hoggaaminta ciyaar weyn oo dhici doonta bilowga xilli ciyaareedka soo socda. Kadib markii ay dib u soo celiyeen saraakiisha xadka Mareykanka, guddiga maamula kubadda cagta Yurub ayaa xaqiijiyay inuu garsoori doono kulanka Super Cup-ka ee bisha Ogosto ka dhici doona magaalada Salzburg.
“Go’aanka Artan loogu magacaabay inuu garsoore ka noqdo ciyaarta Koobka Super Cup-ka ee UEFA ayaa loo qaatay iyadoo la raacayo hannaanka Is-fahamka ee dhowaan ay kala saxiixdeen UEFA iyo CAF si loo dhiiri-geliyo iskaashiga dhinacyo badan, oo ay ku jirto garsooridda.
“UEFA iyo CAF waxaa ka go’an ballanqaad wadajir ah oo ku aaddan horumarinta kubbadda cagta ee heer kasta iyo horumarinta qiyaamka asaasiga ah ee midnimada, sinnaanta, iyo takoor-la’aanta,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay UEAFA.
Madaxweynaha UEFA, Alexander Ceferin ayaa sidoo kale ku daray in Cumar Cartan uu yahay garsoore daddaalaya, dhallinyaro ah oo aad u wanaagsan laakiin haddana khibrad leh, kaasoo isku caddeeyay heerka tartanka ugu sarreeya ee Xiriirka Kubbadda Cagta Afrika.
“Kubbadda cagta waxaa loo sameeyay inay dadka isku xirto, UEFA-na waxay rabtaa inay muujiso ixtiraamka ay u heyso Cumar iyo xirfaddiisa garsoornimo ee aadka u sarreysa, taasoo u horseeday magacaabistan sharafta leh. Waxaan u mahadcelinayaa saaxiibkay, Madaxweynaha CAF Patrice Motsepe, oo si xamaasad leh u taageeray dadaalkayaga.”
Cartan waxaa si weyn loogu aqoonsan yahay mid ka mid ah garsoorayaasha ugu fiican Afrika, wuxuuna qarka u saarnaa inuu noqdo wakiilkii ugu horreeyay ee abid dalkiisa uga qeyb gala Koobka Adduunka. Waxaa loo magacaabay sarkaalka ugu fiican qaaradda, isagoo sidoo kale soo maamulay labo ciyaarood oo ka tirsan Koobka Qaramada Afrika.
Tallaabadaan ayaa durba qoyska ciyaaraha ee dunida ku kala firirsan aad u soo dhoweeyay, iyagoo taageero xad-dhaaf ah u muujiyay garsooraha Soomaaliyeed, taasoo uu ku hilmaamay hab-dhaqanka xun ee saraakiisha socdaalka Mareykanka ula dhaqmeen Cumar Camar.

