24.7 C
Mogadishu
Monday, July 27, 2026

Kadib dalabkii Golaha Mustaqbalka, Guddoomiyaha Midowga Afrika oo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay in mas’uuliyadda amniga Soomaaliya si buuxda loogu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo lagu tilmaamay tiirka ugu muhiimsan ee qorshaha kala guurka ee howl-galka AUSSOM.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa maanta magaalada Addis Ababa kulan gaar ah kula yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howl-galka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta waajibaadka howl-galka AUSSOM iyo qiimeynta xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa la sheegay inay isla soo qaadeen horumarka laga sameeyay taageerada ciidamada Soomaaliyeed, dadaallada lagu xasilinayo dalka iyo qorshaha lagu xaqiijinayo in ciidamada qaranka ay si tartiib tartiib ah ula wareegaan masuuliyadda sugidda amniga.

Guddoomiye Maxamuud Cali Yuusuf ayaa bogaadiyay ciidamada ka socda dalalka Afrika ee qeybta ka ahaa howl-galadii nabad ilaalinta Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007-dii, isagoo ku ammaanay naf-hurnimada iyo kaalintii ay ka qaateen la-dagaallanka argagixisada iyo xasilinta dalka.

Sidoo kale wuxuu xusay in howl-galka AUSSOM uu haatan diiradda saarayo diyaarinta ciidamada Soomaaliyeed si ay u hantaan awoodda amniga dalka.

Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in Midowga Afrika uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, ilaa laga xaqiijinayo nabad waarta, xasillooni siyaasadeed iyo isku-filnaansho amni oo ay hoggaaminayaan hay’adaha amniga ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli uu howl-galka AUSSOM wajahayo caqabado dhinaca maalgelinta ah, kadib markii Mareykanku uu hakiyay dhaqaalihii uu ku taageeri jiray howlgalka, taas oo sare u qaaday doodaha mustaqbalka howl-galka iyo sida loo hirgelin doono qorshaha bixitaanka tartiib-tartiibka ah ee ciidamada Midowga Afrika, iyadoo dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay ku adkeysanayaan in kala guurka amniga uu u dhici doono si qorsheysan.

Si kastaba, arrintaan ayaa imaneysa xilli uu maanta Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed warqad furan u diray waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, iyagoo soo jeediyay in loo baahan yahay dhismaha Gole KMG ah, si loo badbaadiyo sharciyadda iyo kalsoonida.

Golaha ayaa waxay ka codsadeen dalalka Afrikaanka ee ciidamada ku taageeray howl-galka AUSSOM in ay sii wadaan taageeradooda inta laga helayo xal siyaasadeed oo laga gaaro khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Golaha ayaa sheegay in ciidamadaas ay kaalin weyn ka qaateen amniga dalka iyo la-dagaallanka argagixisada, isla markaana ay muujiyeen muhiimadda iskaashiga Afrika, waxayna sidoo kale uga mahadceliyeen dadaalkooda naf-hurnimada ah oo muddo ku dhow 20 sano ay ku bixiyeen dalka Soomaaliya.

“Heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay uu noqdo saldhigga iyo shuruudda ugu weyn ee lagu sii wadi karo taageerada amniga Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warqadda furan ee loo diray waddamada ciidamada usoo diray Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu goluhu xusay in Soomaaliya aysan si guul leh ula dagaalami karin kooxaha hubeysan, iyadoo dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu ay is khilaafsan yihiin, maadaama weli uu muran ka taagan yahay hannaanka doorashada iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurkii KMG ahaa.

Warqaddu waxay intaas ku dartay in caqabadaha haysta maalgelinta AUSSOM iyo UNSOS ay ka dhasheen qalalaasaha siyaasadeed ee gudaha, isla markaana khatarta ugu weyn aysan ahayn dhaqaale la’aan, balse ay tahay dowlad aan haysan kalsoonida shacabka iyo sidoo kale saaxiibbada caalamka.

Sidoo kale waxay madaxda dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ka codsadeen inay taageeraan dadaal kasta oo horseedaya heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyagoo sheegay in heshiiskaas uu yahay shuruudda ugu muhiimsan ee guusha howlgal kasta oo amni iyo xasilin ee ka socda gudaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60