Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya walaaca ay qaar ka mid ah saaxiibbada caalamiga ah ka qabaan ismari-waaga siyaasadeed ee muddada dheer ka taagan Soomaaliya, iyadoo beesha caalamka ay farriin digniin ah gaarsiisay madaxda dowladda iyo mucaaradka.
Dowladda Federaalka ayaa loo gudbiyay farriintan oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay ka hor dhammaadka bisha August, sida ay sheegayaan ilo diblomaasiyadeed.
Farriinta ayaa markii hore la gaarsiiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya, ka hor inta aan si rasmi ah loogu gudbin Madaxweyne Xasan Sheekh. Ilo-wareedyadu waxay tilmaameen in fariintaasi ay ka timid mid ka mid ah dalalka sida dhow u taageera Soomaaliya dhinacyada amniga, horumarinta iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda.
Wararka ayaa sheegaya in farriintu ay si cad u muujineyso walaaca sii kordhaya ee ay qabaan qaar ka mid ah dalalka taageera Soomaaliya, kuwaas oo aaminsan in khilaafka siyaasadeed ee daba dheeraaday uu wiiqi karo horumarka laga sameeyay dowlad-dhiska, dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida dalka.
Sidoo kale, fariinta ayaa lagu sheegay in haddii madaxda Soomaalida ay ku guul-dareystaan inay toddobaadyada soo socda gaaraan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, dib loo qiimeyn karo heerka taageerada caalamiga ah, oo ay ku jiraan maalgelinta mashaariicda horumarinta, iskaashiga siyaasadeed iyo barnaamijyada ay taageeraan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale sheegay in haddii ismari-waaga siyaasadeed uu sii socdo, dib loo eegi karo heerka xiriirka diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya la leedahay qaar ka mid ah saaxiibbadeeda caalamiga ah.
Inkasta oo aan weli la shaacin tallaabooyin rasmi ah, haddana xogaha la helayo ayaa muujinaya in beesha caalamku ay si dhow ula socoto xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Arrimahan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay weli ka taagan yihiin muranno la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, kuwaas oo noqday qodobada ugu waaweyn ee hortaagan in la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran.
Khilaafaadkaasi ayaa dib u dhigay dadaalladii lagu doonayay in la helo heshiis siyaasadeed oo saldhig u noqda geeddi-socodka doorashooyinka, dhameystirka dastuurka iyo dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay weli ku kala aragti duwan yihiin qaabka loo wajahayo arrimahaasi.
Muddooyinkii dambe, saaxiibbada caalamiga ah ayaa si isdaba joog ah ugu baaqayay madaxda iyo saamileyda siyaasadda Soomaaliya inay khilaafaadkooda ku xalliyaan wada-hadal iyo tanaasul, iyagoo ku adkeysanaya in heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay uu lama huraan u yahay xasilloonida dalka, hannaanka dowlad-dhiska iyo sii socoshada taageerada caalamiga ah.
Suurtagalnimada in dib loo eego taageerada dibadda, la hakiyo gargaarka, ama la dhimo maalgelinta haddii aan xal siyaasadeed la helin ayaa saameyn weyn ku yeelan karta Soomaaliya oo inta badan ku tiirsan taageerada caalamiga ah.

