Tuesday, July 28, 2026

Galmudug oo jawaab kulul ka bixisay digniintii Puntland

[new_author_name]

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ka jawaabtay war-saxaafadeedkii loogu digay ee kasoo baxay Puntland, sidoo kalena lagu eedeeyay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ay is hayaan hogaamiye Saciid Cabdullahi Deni.

Puntland ayaa maalin kahor digniin gaar ah u dirtay dhiggeeda Galmudug, oo ay xuduud dheer la wadaagto, iyada oo ugu baaqday in aysan garoomadeeda diyaaradaha iyo dhulka ay maamusho u oggolaan in laga soo gudbiyo saanad ciidan, hub iyo maleeshiyaad ay Puntland sheegtay in loo adeegsan karo weerarro ama qalqal-gelin ka dhan ah deegaannadeeda.

“Puntland waxay Galmudug ugu baaqaysaa inay ka waantoowdo in saanad ciidan iyo maleeshiyaad la soo mariyo garoomada iyo dhulka ay maamusho, kuwaas oo looga dan leeyahay in lagu dhibaateeyo shacabka reer Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Dowlad Goboleedka Puntland.

Wasiirka Qorshaynta Galmudug Cabdiraxmaan Axmed Xayle oo wareysi bixiyay ayaa jawaabay hadalka kasoo yeeray Puntland, wuxuuna sheegay in eedaha ay jeedisay ay yihiin waxba kama jiraan, isla markaana garoomada Galmudug aan laga soo dajin hub iyo ciidan lagu weerarayo maamulkaasi.

Cabdiraxmaan Xayle ayaa sidoo kale sheegay in mushkiladu ay ka jirto gudaha Puntland, loona baahan yahay inay xalisato, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxyaabaha noo muuqdo waxay tahay kacdoon shacab oo ka jira gudaha Puntland, taasna waxay ku haboon tahay, kuna qurux badan tahay Puntland dhexdeeda inay xaliso oo aysan ahayn meel aan ku xag-xagan karto ama ay usoo mari karto in aysan ahayn Galmudug,” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Xayle.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Waan caddeyneynaa in aysan jirin ciidan iyo hub saanad ah oo lagu weeraraayo shacabka Puntland oo halkan kasoo dagay, laakiin waxaan xaqiijineynaa oo runtii noo cad in Puntland dhexdeeda ay wax ka dhaceen oo maalin walbana ay ka dhacaayaan oo aan wax qaroosn ahayn”.

Si kastaba, Puntland aya haatan wajaheyso dhaq-dhaqaaq ciidan oo gudaha deegaannadeeda ah, iyada oo sidoo kale dhawaan ay wada dagaalameen ciidamada sida gaarka ah u tababaran PSF, ee taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta maamulkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60