24.7 C
Mogadishu
Monday, July 27, 2026

Soomaaliya oo ku dhowaatay bixitaanka ciidanka AUSSOM

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wajahaysa cadaadis caalami ah oo sii kordhaya, kaas oo looga dalbanayo inay soo bandhigto qorshe cad oo ciidamada Soomaaliyeed kula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka ee ay hadda qayb weyn ka qaadato howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Cadaadiskan ayaa xoogaystay kadib kulan heer gobol ah oo dhowaan lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaas oo looga hadlay mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo caqabadaha dhaqaale ee hortaagan sii socoshadiisa.

Ilo xog-ogaal ah ayaa wakaaladda wararka Afrika ee APA u sheegay in dowladda Soomaaliya laga sugayo qorshe faahfaahsan oo ku saabsan “wareejinta mas’uuliyadda amniga qaranka” laguna wareejinayo ciidamada Soomaaliya.

Qorshaha ayaa la filayaa inuu caddeeyo saldhigyada ciidamada Midowga Afrika laga wareejinayo, jadwalka bixitaanka ciidamada shisheeye, awoodda ciidamada Soomaaliyeed iyo taageerada ay weli u baahan doonaan marka ay la wareegaan goobahaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha ammaanka, oo ay ku jiraan hoggaanka ciidamada xoogga dalka.

Kulamadaas ayaa lagu falanqeeyey diyaar-garowga ciidamada iyo suurtagalnimada inay la wareegaan dhowr saldhig oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamada AUSSOM, sida lagu sheegay xogta laga helayo wada-hadallada socda.

Caqabad dhaqaale xumo  

Dhaq-dhaqaaqan cusub wuxuu kusoo aadayaa xilli mustaqbalka AUSSOM uu galay hubanti la’aan weyn, kadib markii Mareykanka uu sheegay inuusan taageeri doonin sii wadista howlaha Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNSOS, wixii ka dambeeya dhammaadka sanadkan.

UNSOS ayaa AUSSOM siisa adeegyada muhiimka ah ee ay ka mid yihiin cuntada, biyaha, shidaalka, gaadiidka, adeegyada caafimaadka iyo daad-gureynta ciidamada dhaawacma.

Mareykanka ayaa Midowga Afrika ku wargeliyey inuu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka hor istaagi doono qorshe kasta oo sii wadaya taageerada dhaqaale iyo tan farsamo ee UNSOS.

Miisaaniyadda UNSOS ayaa gaareysa ku dhowaad $500 milyan sanadkii, halka AUSSOM ay sidoo kale la daalaa-dhaceyso dhaqaale yari weyn oo wiiqday awooddeeda howlgal.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay ku dhowaad $2 bilyan ku bixisay UNSOS iyo hay’adihii ka horreeyey, balse Soomaaliya aysan weli si madax-bannaan u ilaalin karin guulihii laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.

“Ma ahan inaan sii maalgelinno howlgal aan gaarin ujeeddooyinkiisii aasaasiga ahaa,” ayuu yiri afhayeenka, isaga oo sidoo kale dowladda Soomaaliya ku eedeeyey khilaaf siyaasadeed iyo gaabis ku yimid dib-u-habeynta ciidamada.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in khilaafaadka gudaha iyo loollanka siyaasadeed ay dhaawacayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo kooxda Daacish, isla markaana taageerada caalamku aysan natiijo buuxda keeni karin inta madaxda Soomaaliyeed aysan mideyn dadaalladooda.

Cabsi laga qabo firaaq amni

AUSSOM waxaa ka tirsan ku dhowaad 12,000 oo askari, kuwaas oo ciidamada Soomaaliyeed ka taageera dagaalka Al-Shabaab iyo ilaalinta xarumo muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho iyo gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Diblomaasiyiin xog-ogaal ah ayaa ka digay in howlgalka uusan sii shaqeyn karin haddii aan la helin cid beddesha taageerada Qaramada Midoobay, gaar ahaan adeegyada saadka iyo gaadiidka.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa horraantii bishan sheegay in mustaqbalka AUSSOM loo baahan yahay in lagu saleeyo “ujeeddooyin istaraatiiji ah oo cad”, isaga oo ku baaqay maalgelin joogto ah oo lagu badbaadinayo guulaha laga gaaray Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa horay u sheegay in AUSSOM uusan ahayn howlgal aan dhammaad lahayn, balse uu yahay howlgalka ugu dambeeya ee ururka Afrika ka fuliyo Soomaaliya, kaas oo loogu talagalay inuu dalka gaarsiiyo inuu si buuxda ula wareego mas’uuliyadda amnigiisa.

Hase yeeshee, walaaca ugu weyn ayaa ah in bixitaan degdeg ah oo aan qorshe wanaagsan loo diyaarin uu abuuri karo firaaq amni oo ay ka faa’iideysato Al-Shabaab, xilli kooxda ay weli weerarro ka fuliso qaybo ka mid ah dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda laga sugayaa inay caddeyso tirada iyo awoodda ciidamada la wareegaya saldhigyada AUSSOM, dhaqaalaha lagu maamuli doono, iyo sida loo hubinayo inaan dib looga noqon guulihii amni ee lagu gaaray taageerada ciidamada Midowga Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60