24.7 C
Mogadishu
Monday, July 27, 2026

Sababta bah-dilka ah ee Donald Trump ku qasabtay inuu hakiyo weerarada Iiraan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hadda hakiyey qorshe uu si weyn ugu ballaarin lahaa duqeymaha ka dhanka ah Iran, kadib markii saraakiisha militariga ay ka digeen in dagaal cusub uu si halis ah u wiiqi karo keydka gantaallada difaaca cirka ee Pentagon-ka.

Sida uu ku warramaya wargeyska The New York Tims Mareykanka, walaaca ugu weyn wuxuu ku saabsan yahay yaraanta gantaallada Patriot ee lagu qabto gantaallada riddada dheer, iyo hubka kale ee difaaca cirka ee Mareykanku ku daabulay Bariga Dhexe.

Trump iyo la-taliyeyaashiisa sare ayaa sidoo kale ka cabsi qaba in weerarro ballaaran ay dagaalka ku sii fidiyaan gobolka, ay kala fogaadaan Mareykanka iyo xulafadiisa Khaliijka, isla markaana ay sii xumeeyaan dhibaatooyinka dhaqaale, tamar iyo qaxooti ee ka dhashay dagaalka.

Go’aanka ku-meel-gaarka ah ayaa daba socda kulan Trump uu Jimcihii la yeeshay la-taliyeyaashiisa ugu sarreeya iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, sida ay sheegeen laba qof oo xog-ogaal u ahaa wada-hadallada.

Keydka Patriot oo yaraaay

Doodaha gaarka ah ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray keydka Pentagon-ka ee gantaallada Patriot iyo hubka kale ee difaaca cirka, kuwaas oo si degdeg ah loogu adeegsanayo difaaca saldhigyada Mareykanka iyo kuwa xulafadiisa.

Saddex askari oo Mareykan ah ayaa Jimcihii hore lagu dilay Jordan, kadib markii gantaal ballistic ah uu ka gudbay nidaamyada difaaca cirka ee la tacaalayey tiro badan oo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo Iran laga soo riday.

Guddoomiyaha Taliyeyaasha Guud ee Ciidamada Mareykanka, Jeneraal Dan Caine, ayaa Trump si gaar ah ugu sheegay in dib loo billaabi karo howlgallo militari oo waaweyn, balse ay taasi si khatar ah u dhimi karto gantaallada difaaca ee yaalla taliska CENTCOM, oo mas’uul ka ah howlgallada Bariga Dhexe.

Afhayeen u hadlay Jeneraal Caine ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo talooyinka uu jeneraalka siiyo madaxweynaha.

Agaasimaha isgaarsiinta Aqalka Cad Steven Cheung ayaa sheegay in Trump uu mar walba doorbido xal diblomaasiyadeed, balse ay wali miiska saaran yihiin dhammaan fursadaha haddii Iran ay sii waddo weerarrada ay ka fulineyso marin-biyoodka Hormuz ama ay ku beegsaneyso xulafada Mareykanka.

“Waxay Iran u wanaagsan tahay inay u dhaqaaqdo heshiis lagu gaarayo wada-hadal, haddii kale way og yihiin waxa dhici kara,” ayuu yiri Cheung.

Weerarrada oo Iran mideeyey

Trump ayaa muddo ku dhow shan bilood ah la tacaalayey sida uu u maareyn lahaa dagaalka Iran iyo sidii dib loogu furi lahaa marin-biyoodka Hormuz, xilli qiimaha shidaalka uu mar kale sare u kacayo kadib dagaallo dib u qarxay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay.

Wada-hadalladii diblomaasiyadeed ayaa burburay, halka duqeymihii ugu dambeeyey ee Mareykanka aysan muuqan inay Iran ka joojiyeen howlgalladeeda militari.

Dad xog-ogaal u ah doodaha gudaha maamulka ayaa sheegay in tiro yar oo ka mid ah dadka ku dhow Trump ay taageersanaayeen qorshaha dagaalka lagu sii ballaarinayo.

Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa muujiyey shaki ku saabsan in weerarro cusub ay Iran dib ugu celin karaan miiska wada-hadallada.

Sarkaalku wuxuu sheegay in duqeymaha ay keeneen natiijo ka duwan tii la rabay, iyagoo mideeyey Iran, isla markaana madaxda Tehran u oggolaaday inay shacabka ku mashquuliyaan halista dibadda kaga imaaneysa.

Dagaalka Mareykanka iyo Iran ayaa Sabtidii u muuqday inuu yaraaday markii ugu horreysay muddo laba toddobaad ah. Ciidamada Mareykanka ma aysan shaacin weerarro habeenkaas, kadib 13 habeen oo xiriir ah oo ay duqeymo ka fuliyeen gudaha Iran.

Xiisadda gobolka ayaa hase yeeshee sii sarreysay, iyadoo dagaallo ay ka dhex qarxeen ciidamada ay Sacuudiga taageerto iyo Xuutiyiinta ay Iran garab istaagto ee Yemen.

‘Waan diyaarsannahay’

Kahor kulankii Jimcaha, Trump wuxuu muujiyey in ciidamada Mareykanka ay diyaar u yihiin weerarro ka culus kuwii hore, inkastoo uu sheegay in waddada diblomaasiyadda aysan wali xirmin.

“Waan hubeysannahay, waana diyaar,” ayuu Trump wariyeyaasha u sheegay. “Laakiin waan la hadleynaa, marka waxaa laga yaabaa inay timaaddo ama aysan imaan meel wax walba beddesha.”

Trump ayaa sidoo kale wareysi uu Khamiistii siiyey warbaahinta Axios ku sheegay inuu ka fiirsanayo “weerar aad u ballaaran, kana weyn kuwii hore”, isaga oo intaas ku daray inuu ku dhow yahay go’aan kama dambeys ah.

Pentagon-ka ayaa maalmahan Bariga Dhexe u diray ciidamo, hub iyo sahay dheeraad ah, si loogu diyaargaroobo dagaal kasii xooggan.

Saraakiisha militariga ayaa sheegay in Trump uu markii hore u muuqday inuu ansixinayo wejiga koowaad ee olole duqeymo dhowr marxaladood leh, kaas oo lagu beegsan lahaa raadaarrada xeebaha, goobaha gantaallada lidka maraakiibta iyo doomaha dheereeya ee Iran.

Waxaa sidoo kale la tixgelinayey weerarro lagu qaado xarumaha tamarta, buundooyinka tareennada, goobaha nukliyeerka iyo saldhigyo ay Iran sahayda uga gudbiso xeebaha ku dhow marin-biyoodka Hormuz.

Beegsiga saldhigyada  

Dhammaadkii Jimcaha, Trump ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyey qorshaha duqeymaha ballaaran, kadib digniino sheegaya in weerar noocaas ah uu dhalin karo jawaab Iran ka timaadda oo ka xoog badan kuwii hore.

Iran ayaa labadii toddobaad ee lasoo dhaafay weerarro culus ku qaadday saldhigyada Mareykanka ee Jordan, Kuwait, Bahrain iyo Imaaraadka Carabta, taas oo cadaadis dheeraad ah saartay nidaamyada difaaca cirka.

Pentagon-ka ayaa dagaalka ku isticmaalay in ka badan 1,200 oo gantaal oo ah nooca Patriot, kuwaas oo midkiiba qiimihiisu ka badan yahay afar milyan oo dollar, sida ay bishii April warisay The New York Times.

Saraakiisha militariga ayaa sheegay in keydka gantaalladaas uu tan iyo markaas kasii yaraaday.

Qaar badan oo ka mid ah la-taliyeyaasha Trump, oo uu ka mid yahay wiilka uu soddogga u yahay Jared Kushner, ayaa ku doodaya in Mareykanku qaadi karo waddo khatarteedu yar tahay, taas oo ah in la sii wado wada-hadallada iyo cadaadiska dhaqaale ee Iran.

Si kastaba, ma cadda wada-hadallo rasmi ah oo hadda socda iyo in khilaafaadka ka dhex jira madaxda Iran ay suurtagelin doonaan heshiis cusub.

Mareykanka ayaa sidoo kale dib u soo celiyey xannibaadda maraakiibta galaya ama ka baxaya dekedaha Iran, balse falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in natiijada tallaabadaas ay weli isku dhafan tahay.

Wasiirka Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent ayaa sheegay in Shiinuhu uu bilihii u dambeeyey qiyaastii 40 boqolkiiba dhimay shidaalka ceyriinka ah ee uu ka iibsado Iran, taas oo si weyn u yareysay dakhliga Tehran.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa Jimcihii sidoo kale cunaqabateyn kusoo rogtay sagaal shirkadood iyo afar qof oo lala xiriiriyey shabakad ganacsi oo uu leeyahay maalgeliyaha reer Iran Babak Zanjani.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60