Berlin (Caasimada Online) – Ciidamada gaarka ah ee booliska Jarmalka ayaa toogasho ku dilay nin lagu tuhmay inuu gaari jiirsiiyey dadweyne, kadibna seef ku weeraray dad kale oo ku sugnaa meel u dhow xaflad weyn oo Sabtidii ka dhacday magaalada Berlin.
Weerarka ayaa sababay dhimashada hal haweeney ah, halka 29 qof oo kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Jarmalka. Dhacdadan ayaa ka dhacday jardiinada Tiergarten, meel aan ka fogeyn Brandenburg Gate, xilli ay gabagabo ku dhoweyd xafladda sannadlaha ah ee Christopher Street Day, oo ka mid ah munaasabadaha LGBTQ+ ee ugu waaweyn Yurub.
Booliska ayaa sheegay inay galabnimadii Axadda heleen Abdul Ballout, oo ahaa 21 jir haysta dhalashada Jarmalka, xilli uu ku sugnaa dhul beereed yar oo ku yaalla degmada Spandau ee galbeedka Berlin.
Markii ciidamadu isku dayeen inay qabtaan, Ballout ayaa la sheegay inuu dhankooda u soo cararay isaga oo sita seef . Booliska ayaa rasaas ku furay, waxaana uu ku dhintay goobta, inkasta oo shaqaalaha gurmadku isku dayeen inay badbaadiyaan.
Toogashadaas ayaa soo afjartay howlgal ballaaran oo ku dhowaad 24 saacadood socday, kaas oo lagu baadigoobayey ninka lagu tuhmay weerarka.
Gaari lagu jiirsiiyey dadweyne
Weerarka ayaa billowday abaare 10-kii fiidnimo ee Sabtidii, markii gaari yar oo nooca xamuulka ah lagu jiirsiiyey dad marayey waddo dhex marta jardiinada Tiergarten.
Gaariga ayaa ugu dambeyn geed ku dhacay, waxaana laga helay isaga oo cidlo ah. Baarayaasha ayaa sheegay in qof ama dadkii gaariga saarnaa ay goobta ka baxsadeen, halka dad kale lagu dhaawacay hub la rumeysan yahay inuu ahaa mindi weyn ama baangad.
Booliska iyo xafiiska dacwad-oogaha Berlin ayaa sheegay inay sidoo kale baarayaan suurtagalnimada in qof labaad uu gaariga ku jiray, maadaama markii hore la arkay in hal qof ama in ka badan ay ka baxeen gaariga kadib markii uu geedka ku dhacay.
Telefoon gacanta ah oo laga helay gudaha gaariga ayaa baarayaasha ka caawiyey inay tuhunkooda ku jeediyaan Ballout, oo horey ay hay’adaha ammaanku ula socdeen sababo la xiriira dambiyo iyo xiriirro xagjirnimo.
Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka Alexander Dobrindt ayaa weerarka ku tilmaamay fal ay caddaymihii hore muujinayaan inuu la xiriiro xagjirnimada Islaamiga ah.
“Waxaan la macaamilaynaa qof horey indhaha ugu soo dhacay dambiyada tirada badan ee uu galay, xagjirnimadiisa iyo ku lug lahaanshihiisa deegaanka Islaamiyiinta,” ayuu yiri Dobrindt ka hor inta aan la dilin tuhmanaha.
Xukun hore oo argagixiso
Xafiiska dacwad-oogaha Berlin ayaa sheegay in Ballout uu ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Berlin, isla markaana uu haystay dhalashada Jarmalka. Hooyadii oo asal ahaan Lubnaani ah ayaa qaadatay dhalashada Jarmalka sannadkii 2002, saddex sano ka hor dhalashadiisa.
Ballout ayaa sannadkii 2025 u safray Lubnaan isaga oo la sheegay inuu doonayey inuu halkaas uga gudbo Suuriya, si uu ugu biiro kooxda Daacish.
Waxa uu Lubnaan kula xiriiray dad uu rumeysnaa inay xubno ka yihiin Daacish, hase yeeshee ciidamada ammaanka Lubnaan ayaa xiray bishii July 2025. Maxkamad militari ayaa ku xukuntay saddex bilood oo xabsi ah, waxaana markii dambe dib loogu celiyey Jarmalka.
Maxkamad ku taalla Berlin ayaa 12-kii May 2026 ku heshay dambi ah inuu diyaarinayey fal rabshado culus oo halis gelin kara dowladda, iyo inuu bartiisa Instagram-ka ku faafiyey muuqaallo iyo dacaayado mamnuuc ah oo ay leedahay Daacish.
Waxaa lagu xukumay hal sano iyo 10 bilood oo xabsi dhalinyaro ah, balse go’aanka ku saabsan inuu xabsiga si toos ah u galo ayaa muddo lix bilood ah dib loo dhigay. Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay in sarkaal kormeera dhaqankiisa loo magacaabo.
Dacwad-oogayaasha ayaa racfaan ka qaatay go’aanka, iyaga oo dalbaday xukun ka adag iyo in xabsiga lagu sii hayo. Maxkamadda ayaa sii-deyntiisa ku sababeysay muddadii uu horey xabsiga ugu jiray Lubnaan iyo Jarmalka, qirashadiisa iyo sheegashadiisa ah inuu ka fogaaday Daacish.
Xogta ah in tuhmanuhu horey ugu jiray diiwaanka hay’adaha ammaanka ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sababta loogu oggolaaday inuu xor ahaado, inkasta oo lagu helay dambi la xiriira qorshe xagjirnimo.
Merz oo cambaareeyey weerarka
Qabanqaabiyeyaasha ayaa joojiyey qaybihii ka harsanaa xafladda kadib weerarka, iyadoo dadkii goobta ku sugnaa si degdeg ah loo kala diray.
Ra’iisul wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz ayaa weerarka ku tilmaamay fal laga yaqyaqsoodo, isaga oo sheegay in dowladda ay si buuxda u baari doonto, isla markaana ay difaaci doonto xorriyadda iyo furnaanta bulshada Jarmalka.
“Falalkan waxay leeyihiin hal ujeeddo oo keliya: inay kala qaybiyaan bulshadeenna,” ayuu yiri Merz. “Waxay doonayaan inay naga qaadaan waxa ugu muhiimsan ee aan haysanno, oo ah furnaanteenna iyo xorriyaddeenna.”
Jarmalka ayaa horey ula kulmay weerarro dhowr ah oo gaadiid lagu jiirsiiyey dadweyne. Bishii December 2016, xubin ka tirsanaa Daacish ayaa gaari xamuul ah ku jiirsiiyey suuq lagu qabanayey munaasabadda Kirismaska ee Berlin, waxaana ku dhintay 13 qof.
Bishii December 2024, nin u dhashay Sacuudiga oo caan ku ahaa aragtiyo ka dhan ah Islaamka ayaa gaari ku dhex jiiray suuq kale oo Kirismas ah oo ku yaalla magaalada Magdeburg, halkaas oo lix qof lagu dilay, boqolaal kalena lagu dhaawacay.
Weerarkii Sabtida ayaa la filayaa inuu dib u soo nooleeyo doodda gudaha Jarmalka ee ku saabsan awoodda hay’adaha ammaanka, la socodka dadka lagu tuhmo xagjirnimada iyo siyaasadaha socdaalka.

