24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 26, 2026

Ukraine oo daandaansi ku bilowday Iraan kadibna…

Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) –  Ukraine ayaa saacadihii dambe ee Sabtidii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerartay markab ganacsi oo ay leedahay Iiraan oo marayay biyaha xiran ee Caspian, wuxuuna weerarkan dhaliyay dhimashada hal badmaax ,halka mid kalena uu ku dhaawacmay, iyadoo weerarkan uu ka caraysiiyay Iiraan.

Weerarka ka dib, Iiraan ayaa si adag u cambaaraysay. Waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed maanta ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan inaysan Iiraan gacmaha laaban doonin oo ay ka jawaabi doonto.

Sidoo kale, waxay wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan u yeertay madaxa ergada siyaasadeed ee Ukraine u fadhiya Tehran. Illaa hadda Ukraine kama aysan hadlin sababta ay u fulisay weerarkan.

Muxuu muhiim ugu yahay Iiraan marinka Caspian?

Badda Caspian waa biyaha ugu waaweyn adduunka ee xiran oo aan bad kale ku xirnayn. Inkastoo loogu yeero bad, hadana waxaa loo aqoonsanyahay haro aad u weyn oo cusbo leh.

Waxay ku taallaa inta u dhaxaysa Yurub iyo Aasiya, waxaana ku hareeraysan shan dal, Ruushka oo kaga yeel jihada waqooyi-galbeed, Kazakhstan (waqooyi-bari),Turkmenistan (koonfur-bari) ,Iiraan (koonfur) iyo Azerbaijan (galbeed).

Badda Caspian waxay leedahay muhiimad istiraatiiji ah oo aad u weyn,sababtoo ah waa marin muhiim u ah ganacsiga u dhexeeya Ruushka, Bartamaha Aasiya iyo Iiraan.

Waxay noqotay marin ay Iiraan ku hesho ganacsi iyo saadka dhinaca waqooyi,halkaa oo ah marinka sida tooska ah Iiraan ugu xira Ruushka, waxaana loo arkaa sirta ka dambeysa adkaysiga Iiraan ee cunaqabateynta saaran muddada 45 sanno ah,maaddama aysan saameyn ku lahayn Mareykanka iyo xulafadiisa reer galbeedka,xilligaana in carqalad ay kala kulanto Iiraan waxaa loo arkaa jiho kale oo dagaal loogu furayo, iyadoo weerarka hadda dhacay uu muujinayo inay Ukraine isku dayayso saameyn inay ku yeelato cadaadiska la saarayo Iiraan , si ay taageerro uga hesho Mareykanka oo ku dhibtoonaya dagaalka Iiraan uu kula jiro. Waxayna Ukraine u diraysa Mareykanka farriin ay ugu sheegayso; haddii aad ku dhibtoonayso marinnada ay xirtay Iiraan , waxaan kuu haya xal lagu daciifin karo Iiraan oo keliya Ukraine ay sameyn karto!

Iiraan waxay marinnada badda cas u adeegsataa Xuutiyiinta, isla sidoo kale ayay Ukraine isugu soo bandhigaysa inay u sameyn karto Mareykanka oo ay heli karto goob ay Iiraan ku cadaadiso.

Iska horimaad kasta oo dhexmara Iiraan iyo Ukraine, sidoo kale wuxuu quseeyaa Ruushka , maaddama Iiraan ay Ruushka ka taageerto dagaalka uu kula jiro Ukraine ,taasoo dhalisay marar badan inay Ukraine ku eedeyso Iiraan inay si toos ah ugu lug leedahay dagaalka oo agabkeeda militari lagu soo weerarro dhulka Ukraine.

Iiraan ma awoodda inay weerartay gudaha Ukraine?

Haddii biyaha Caspian, lagu sheegi karo wadnaha ganacsiga iyo sahayda Iiraan , waxa la is waydiin karo ayaa ah inay tallaabo aargoosi ah Iiraan qaadi doonto iyo in kale.

Masuuliyiinta Iiraan ayaa sida maanta ay baahisay Al Jazeera, waxay sheegayaan in taasi farsamo ahaan ay suurtagal tahay, maadaama masaafada u dhexeysa caasimadda Iiraan ee Tehran iyo caasimadda Ukraine ee Kyiv ay ka yar tahay 2,000 km, taasoo ay sheegeen inay tahay masaafo ay gaari karaan gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan

Xigasho; Iman Jama

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60