Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda Gobolka Sool iyo maxaabiista lagu qabtay dagaalkii Laascaanood ee weli ku jira gacantooda.
Barkhad Jaamac Batuun ayaa marka hore beeniyay in ay jiraan maxaabiis lasii daayay, wuxuuna sheegay in arrintaas ay u taallo xukuumadda oo kaliya, isla markaana iyada uun wax laga waydiin doono.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in hadda qorshaha aysan ugu jirin sii deynta maxaabiista, balse wuxuu shuruud ka dhigay lagu fasixi karo oo kaliya go’aan dowladeed iyo talo Madaxweyne, maadaama dagaal lagu soo qabtay.
“Arrinka maxaabiistu waa arrin u yaalla xukuumadda oo aan u oolin cid kale siyaasadda xukuumadduna waa mid cad meel maxaabiis lagu wareejiyay, haddana lagu wareejinaayo ama lagu wareejin doono ma jirto, illaa la helo amar dowladeed iyo talo Madaxweyne,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
Wasiirka ayaa sidoo kale shacabka Somaliland ugu baaqay inay ka feejignaadaan wararka been abuurka ah iyo wax kasta oo wax u dhimi kara wadajirkooda iyo deganaashahooda.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray in siyaasadda xukuumadda Somaliland ee gobolka Sool ay tahay in lagu wajaho nabad, isla markaana uu garwadeen ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro).
“Xukuumadda Somaliland siyaasadda uu Madxweynuhu ku hoggaaminayo ee garwadeenka ugu yahay gobolka Sool waxa ay tahay in Madaxweynaha arrintaas uu ku wajaho hab nabad ah,” ayuu markale yiri Barkhaad Baatuun.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay xubnaha Golaha Wakiilada Maamulka Waqooyi Bari ay qaraar kasoo saareen maxaabiista Somaliland ee ku xiran Laascaanood, iyaga oo Madaxweynaha ka dalbaday inuu dhiso Maxkamadda Ciidan, si maxaabiista loo saaro, looguna xisaabtamo dambiyada ay galeen.

