24.7 C
Mogadishu
Monday, July 27, 2026

Sidee looga falceliyay dacwada Golaha Mustaqbalka ka gudbiyeen DF?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay warqad furan oo ay maanta Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed u direen waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, iyaga oo u jeediyay dalab ka dhan ah Dowladda Federaalka, kuna aadan marxaladda kala guurka ah, waxayna sheegeen in dowladdu lumisay sharciyadii heshiiska lagu ahaa.

Golaha ayaa soo jeediyay in loo baahan yahay dhismaha Gole KMG ah, si loo badbaadiyo sharciyadda iyo kalsoonida. Sidoo kale waxa ay ka codsadeen dalalka Afrikaanka ee ciidamada ku taageeray howlgalka AUSSOM in ay sii wadaan taageeradooda inta laga helayo xal siyaasadeed oo laga gaaro khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Sidoo kale waxa ay in ciidamadaas ay kaalin weyn ka qaateen amniga dalka iyo la dagaallanka argagixisada, isla markaana ay muujiyeen muhiimadda iskaashiga Afrika, waxayna sidoo kale uga mahadceliyeen dadaalkooda naf-hurnimada ah oo muddo ku dhow 20 sano ay ku bixiyeen dalka Soomaaliya.

“Heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay uu noqdo saldhigga iyo shuruudda ugu weyn ee lagu sii wadi karo taageerada amniga Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warqadda furan ee loo diray waddamada ciidamada usoo diray Soomaaliya.

Haddaba Sidee looga falceliyay dacawadda ay Golaha Mustaqbalka ka gudbiyeen DF?

Saleebaan Axmed Aadan: “War kuwaasi waxba idin qaban maayaane la heshiiya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud”.

Cabdikariin Xasan: “Waxaan taageersanahay qoraalka kasoo baxay Goloha Mustaqbalka Soomaaliyeed”.

Cabdiraxmaan Khaliif: “Waa wax lagu qoslo, waa na laga adkaaday oo cad waayey”.

Cabdullahi Cali: “Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku xiran yahay midnimada, wada-hadalka iyo danta shacabka. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan masuuliyiinta iyo kooxaha siyaasadda inay ka hormariyaan danta qaranka danaha gaarka ah”.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60