Bissau (Caasimada Online) – Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Guinea-Bissau ayaa lagu beeniyay wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee sheegaya in dalkaasi uu qorsheynayo inuu aqoonsado Somaliland.
Guinea-Bissau ayaa shaaca ka qaaday in mowqifkeeda rasmiga ah uusan wax isbeddel ah ku imaan, isla markaana aanu jirin qorshe ay ku aqoonsanayso Somaliland.
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Jaaliyadaha waxay beeninaysaa wararka lagu faafinayo baraha bulshada ee sheegaya in Guinea-Bissau ay ka fiirsanayso inay aqoonsato waxa loogu yeero ‘Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale, waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Guinea-Bissau ku dhisan tahay ixtiraamka madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha, iyo ku dhaqanka mabaadi’da ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo Xeerka Aasaasiga ah ee Midowga Afrika.
Waxaa kale oo qoraalka lagu caddeeyay in Guinea-Bissau aysan weli qaadan, isla markaana hadda ka fakireyn, wax go’aan ah oo la xiriira aqoonsiga Somaliland
“Dowladda Jamhuuriyadda Guinea-Bissau ma aysan qaadan, mana ka fiirsanayso, wax go’aan ah oo arrintaas la xiriira,” ayaa la sii raaciyay.
Bayaankan ayaa yimid kaddib markii xalay baraha bulshada si wayn loogu baahiyay warar sheegaya in waddanka Afrikaan ah uu aqoonsanayo Somaliland, waxaase soo jawaabay Guinea-Bissau oo beenisay warkaasi.
Si kastaba, Somaliland oo horay aqoonsi uga heshay Israa’iil ayaa sii laba jibaartay dadaalladeeda gobolka iyo caalamka, si ay u hesho ictiraaf kale.

