Muqdisho (Caasimada Online) – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones-ka) ee lagu beegsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu muujiyay walaaceeda ku aaddan badqabka dadka rayidka ah, waxayna mar kale xaqiijineysaa garab istaaggeeda buuxa ee Sacuudiga oo ay ku tilmaamtay inuu yahay dal walaalo ah, isla markaana ah saaxiib U dhaw dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale taageertay dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo amniga, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Boqortooyada.
“Amniga Boqortooyada Sacuudi Carabiya wuxuu laf dhabar u yahay xasilloonida gobolka iyo xorriyadda isu socodka maraakiibta ee Badda Cas,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa lagu yiri “Soomaaliya waxay taageereysaa dhammaan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka si nabad ah, waxayna ku baaqeysaa is xakameyn si looga hortago sii hurinta xiisadaha.”
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto la shaqeynta iyo isku duwidda dadaallada ay la leedahay saaxiibbada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga gobolka.
Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqday in xallinta khilaafaadka loo maro wada-hadal iyo waddooyin diblomaasiyadeed, halkii laga adeegsan lahaa falal hubeysan.

