Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa si kulul uga hadlay xildhibaanno ka tirsanaa baarlamaanka maamulkiisa oo dhawaan u goostay dhinaca Somaliland.
Tallaabadan ayuu ku ku tilmaamay mid dhaawaceysa kalsoonidii shacabka, inkastoo uu sheegay inay fursad u abuurtay maamulka uu ku soo xulo xubno uu sheegay inay si dhab ah ugu istaagayaan difaaca qadiyadda Waqooyi Bari.
Firdhiye ayaa sheegay in bishii March ee sanadkan uu guddoonka baarlamaanka ku wargeliyay in qaar ka mid ah xildhibaannada ay qorsheynayeen inay u safraan Hargeysa, hase yeeshee wuxuu xusay in xilligaas aan la qaadin tallaabo degdeg ah, maadaama arrinta xil ka qaadista xubnahaasi ay ahayd mid muran siyaasadeed dhalin kartay.
“Waxay qaateen go’aan ceeb ah, balse annaga sharaf ayay noo tahay inay naga baxaan dad aan ku kalsooneyn mabda’a maamulka. Taasi waxay noo oggolaaneysaa in boosaskooda lagu beddelo dad u taagan danaha Waqooyi Bari,” ayuu yiri hoggaamiye Firdhiye, isagoo muujiyay in maamulka uusan ka walaacsaneyn bixitaanka xubnahaasi.
Firdhiye ayaa sidoo kale dhaliilay xildhibaannadii sheegay inay kasoo horjeedaan xukuumaddiisa, isagoo xusay in haddii ay jireen tabashooyin siyaasadeed ay ahayd inay ku soo bandhigaan gudaha hay’adaha maamulka, halkii ay ka dooran lahaayeen inay ka baxaan maamulka kuna biiraan dhinaca Somaliland.
Sidoo kale wuxuu qiray in maamulka Waqooyi Bari uu weli wajahayo caqabado dhinaca horumarinta ah, isagoo sheegay in mashaariic badan oo adeegyo iyo kaabayaal ah aysan weli si buuxda u gaarin deegaannada maamulka.
Si kastaba, hoggaamiyaha Waqooyi Bari ayaa ku dooday in arrintaan aysan waxba u dhimayn sharciyadda maamulka, isla markaana ay tahay marxalad ay soo mareen dowlad-goboleedyadii kale ee Soomaaliya markii la aas-aasayay.
Dhanka kale, Hoggaamiyaha Waqooyi Bari ayaa ku eedeeyay Somaliland inay waddo olole siyaasadeed iyo mid warbaahineed oo lagu wiiqayo maamulka uu hoggaamiyo, isagoo sheegay in xubnaha u wareegay dhinaca Somaliland aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin jiritaanka iyo mustaqbalka maamulka Waqooyi Bari.
Sidoo kale, Firdhiye ayaa uga digay Somaliland inay sii waddo waxa uu ku tilmaamay fara-gelinta ay ku heyso deegaannada maamulka, taas oo uu sheegay inay sii kordhin karto xiisadda ka jirta gobolka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in maamulka Waqooyi Bari uu difaacan doono jiritaankiisa iyo deegaannadiisa.
Hadalka Firdhiye ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo loollanka siyaasadeed ee u dhexeeya Waqooyi Bari iyo Somaliland, kaas oo salka ku haya maamulka iyo gacan ku haynta deegaanno ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag. Xiisaddan ayaa weli ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan ee ka taagan waqooyiga Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsanayaan eedeymo la xiriira amniga iyo maamulka deegaannada lagu muransan yahay.

