24.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 28, 2026

Trump oo diiday cadaadiska Israa’iil kadib ballan-tii uu ka qaaday saaxiibkiis Erdogan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si cad u diiday diidmada Israel ee ku aaddan in Washington ay diyaaradaha casriga ah ee F-35 ka iibiso Turkiga, isaga oo Ankara ku tilmaamay xulafo weyn oo aan dal kale looga amar qaadan doonin xiriirka difaaca.

Trump ayaa hadalkan Isniintii ka sheegay diyaaradda madaxweynaha ee Air Force One, xilli uu Washington uga sii jeeday gobolka Michigan, waxaana la weydiiyey walaaca uu Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ka muujiyey suurta-galnimada in Turkiga dib loogu celiyo barnaamijka F-35.

“Turkigu wuxuu ahaa xulafo weyn,” ayuu Trump yiri. “Cidina iima sheegayso waxa ay tahay inaan iibinno ama aynaan iibin.”

Hadallada Trump ayaa yimid maalin ka hor kulanka la filayo inuu Aqalka Cad kula yeesho Netanyahu, kaas oo la filayo inay labada hoggaamiye uga wada hadlaan Iran, Gaza, xiriirka Israel iyo Turkiga iyo arrimo kale oo amniga Bariga Dhexe ah.

Trump ayaa sidoo kale mar kale ammaanay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, isaga oo ku tilmaamay saaxiib iyo hoggaamiye si wanaagsan u maareeyey xaaladda dalka Syria.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa qiray in Ankara iyo Tel Aviv ay ka dhexeeyaan khilaafaad siyaasadeed oo muddo dheer soo jiitamayey, balse wuxuu sheegay in arrimahaas aysan meesha ka saarayn muhiimadda Turkiga u leeyahay Mareykanka iyo isbahaysiga NATO.

Wuxuu Turkiga ku tilmaamay dal awood leh oo leh ciidan ballaaran, qalabeysan, kana mid ah ciidamada ugu xooggan gobolka.

Netanyahu oo ka digay heshiiska

Netanyahu ayaa horraantii bishan si fagaare ah uga digay in Turkiga la siiyo diyaaradaha F-35 ama matoorro Mareykan ah oo loo adeegsan karo diyaaradda dagaalka ee KAAN.

Ra’iisul wasaaraha Israel ayaa ku dooday in heshiis noocaas ahi uu wax ka beddeli karo dheelitirka awoodda militari ee Bariga Dhexe, isla markaana uu dhaawici karo awoodda sare ee ciidamada cirka Israel.

Warbaahinta Axios ayaa markii dambe sheegtay in hadallada Netanyahu ay ka careysiiyeen Trump. Saraakiil ka tirsan Aqalka Cad ayaa lagu soo warramay inay sheegeen in madaxweynaha Mareykanka uu rumeysnaa in Netanyahu uusan xaq u lahayn inuu farageliyo go’aannada Washington ee la xiriira cidda ay hubka ka iibinayso.

Trump ayaa hadda si fagaare ah u xaqiijiyey mowqifkaas, isaga oo adkeeyey in dowladda Mareykanka ay kaligeed go’aamin doonto siyaasaddeeda dhoofinta hubka.

Arrintan ayaa muujinaysa khilaaf cusub oo ka dhex curtay Trump iyo Netanyahu, inkasta oo labada dhinac ay xiriir dhow ka leeyihiin dagaallada iyo arrimaha amniga gobolka.

Turkiga iyo barnaamijka F-35

Turkiga waxaa barnaamijka caalamiga ah ee F-35 laga saaray sanadkii 2019, kaddib markii uu Ruushka ka iibsaday nidaamka difaaca cirka ee S-400.

Mareykanka ayaa ku dooday in nidaamka Ruushka uu halis gelin karo xogta farsamo iyo awoodaha qarsoon ee diyaaradaha F-35, haddii labada nidaam lagu wada isticmaalo hal dal.

Washington ayaa sidoo kale Turkiga ku soo rogtay cunaqabateyn waafaqsan sharciga CAATSA, inkasta oo Ankara ay ka mid ahayd dalalkii maalgeliyey, qeybaha soo saarayey, isla markaana diyaaradaha ka dalbaday barnaamijka F-35.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa waqtigaas sheegtay in F-35 iyo S-400 aysan farsamo ahaan is waafaqi karin, taas oo sababtay in shaqaalaha iyo shirkadaha Turkiga laga saaro barnaamijka.

Erdoğan ayaa marar badan go’aankaas ku tilmaamay mid aan caddaalad ahayn, wuxuuna ku dooday in dib loogu soo celiyo Turkiga barnaamijka ay xoojin lahayd awoodda guud ee NATO.

Trump ayaa shirkii NATO ee Ankara horraantii bishan sheegay inuu diyaar u yahay inuu qaado cunaqabateynta saaran Turkiga, isla markaana uu tixgelinayo in Ankara loo oggolaado inay iibsato diyaaradaha F-35.

Hase yeeshee, heshiis rasmi ah weli lama gaarin, waxaana caqabadda ugu weyn sii ahaanaya nidaamka S-400 ee Turkiga yaalla. Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Ankara aysan weli buuxin shuruudaha looga baahan yahay dal doonaya inuu helo diyaaradaha F-35.

Warar soo baxay ayaa tilmaamayey in labada dhinac ay ka wada hadlayaan xalal ay ka mid yihiin in nidaamka S-400 loo wareejiyo dal saddexaad, laakiin qorshahaas weli heshiis kama dambeys ah lagama gaarin.

Ankara oo xoojisay warshadaha difaaca

Turkiga, oo leh ciidamada labaad ee ugu tirada badan NATO, ayaa sannadihii lasoo dhaafay wajahayey xayiraado hub oo ay kusoo rogeen qaar ka mid ah xulafadiisa reer Galbeedka.

Ankara ayaa arrintaas uga jawaabtay inay si weyn u ballaariso warshadaha gudaha ee difaaca, iyadoo hadda soo saarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaallada, gaadiidka gaashaaman, maraakiibta dagaalka iyo nidaamyo kale oo militari.

Turkiga ayaa sidoo kale horumarinaya diyaaraddiisa dagaalka ee jiilka shanaad ee KAAN, taas oo duullimaadkeedii ugu horreeyey sameysay bishii February 2024. Shirkadda Turkish Aerospace ayaa sheegtay in diyaaradda loogu talagalay howlgallada cirka iyo weerarrada bartilmaameedyada dhulka.

Si kastaba, helitaanka F-35 ayaa Turkiga siin lahaa awood militari oo degdeg ah, halka Israel ay ka cabsi qabto in arrintaasi ay meesha ka saarto kalinimada ay gobolka ku leedahay adeegsiga diyaaradaha dagaalka ee noocaas ah.

Hadallada cusub ee Trump waxay muujinayaan in madaxweynaha Mareykanka uu diyaar u yahay inuu xiriirka difaaca ee Ankara dib u soo nooleeyo, xitaa haddii tallaabadaas ay ka hor yimaadaan Israel iyo qaar ka mid ah xubnaha siyaasadda Mareykanka.

Trump ayaa saaxiib aad u dhow la ah madaxweyne Erdogan, isaga oo marar badan ka ammaanay fagaare, si xitaa ka duwan xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee sida aad u dhalleeceeya madaxweynaha Turkiga.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60