Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa isku khilaafay warqaddii furneyd ee maanta Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed u diray dalalka ay ciidamadoodu qeybta ka yihiin howl-galka AUSSOM iyo taageerayaasha caalamiga.
Warqaddaas ayaa waxaa durba si adag uga horyimid qaar ka mid ah garabyada mucaaradka, iyadoo Wasiirkii hore ee Amniga, Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow uu si adag uga horyimid dalabkii ku qornaa warqaddaas.
Warqadda ayaa dalalka ay ciidamadoodu qeybta ka yihiin howl-galka AUSSOM loogu soo jeediyay in loo baahan yahay dhismaha gole KMG ah, si loo badbaadiyo sharciyadda iyo kalsoonida.
Golaha ayaa dalalka Afrikaanka ah ee ciidamada ku taageera howl-galka AUSSOM ka codsaday inay sii wadaan taageeradooda inta laga helayo xal siyaasadeed oo laga gaaro khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka.
Sidoo kale, waxay madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ka codsadeen inay taageeraan dadaal kasta oo horseedaya heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyagoo sheegay in heshiiskaas uu yahay shuruudda ugu muhiimsan ee guusha howlgal kasta oo amni iyo xasilin ah oo ka socda gudaha Soomaaliya.
Diidmada Islow
Wasiirkii hore ee Amniga oo ka tirsan Haybad Qaran ayaa sheegay inuu aad ula yaabay in Golaha Mustaqbalka uu kasoo baxo dalab la xiriira dhismaha gole KMG ah, isagoo sheegay in arrintaasi ay god ku rideyso dowladnimada Soomaaliya.
“Waxaan aad ula yaabay qoraal la sheegay inuu kasoo baxay Golaha Mustaqbalka oo Beesha caalamka looga dalbaday in Soomaaliya loo dhiso Gole Kumeelgaar ah,” ayuu yiri Islow oo kamid ah garabka mucaaradka ee Haybad Qaran.
Waxa uu intaas kusii daray “Haddii qoraalkaasi sax yahay, waa wax aad looga xumaado inay maanta jiraan dad mustaqbal ka leh hoggaaminta dalka oo doonaya in Soomaaliya dib loogu celiyo Kumeelgaarnimo.”
Sidoo kale waxa uu lama filaan ku tilmaamay in lasoo jeedio talo ah in hay’ado sharci ah oo xilligoodii dhammaaday lagu bedelo Gole ka kooban shaqsiyaad aan wax sharciyad ah lahayn.
“Shaqsi ahaan waxaan qabaa inaan cidna lagu metelin taladaan oo kasoo horjeeda Danta, Dalka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri xildhibaan Islow.
Wasiirkii hore ee amniga ayaa caddeeyay in arrinta xalka u baahan ay tahay “Madaxweyne muddo xilleedkiisa dhammaaday iyo qaab doorasho oo heshiis lagu yahay,” balse aysan aheyn in lagu bedelo Gole iyo koox is magacawday, taas oo uu xusay in aysan ahayn mid looga fadhiyey cid dan ka leh dowladnimada.

