24.7 C
Mogadishu
Monday, July 27, 2026

TRUMP oo shaaciyay amar culus uu bixinayo haddii Iiraan…

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisu uu Iiraan kula jiro wada-hadallo uu ku tilmaamay kuwo “aad u qoto dheer,” balse wuxuu uga digay Tehran in haddii dadaallada diblomaasiyadeed ay fashilmaan, uu amri doono hawl-gallo militari oo “aad u xooggan.”

Trump ayaa sheegay in haatan uu hakiyay weerarradii ka dhanka ahaa Iiraan kadib codsi uga yimid dalal dhex-dhexaadin ka wada xiisadda labada dal. Go’aankan ayuu ku tilmaamay mid fursad dheeraad ah lagu siinayo wada-hadallada.

“Waxaan Iiraan kula jirnaa wada-hadallo aad u qoto dheer. Haddii ay miro dhalin waayaan, waxaan dib u billaabi doonnaa hawlgallo militari oo aad u culus,” ayuu yiri Madaxweyne Trump, isaga oo muujiyay in Washington aysan ka tanaasuli doonin cadaadiska saaran Tehran haddii xal diblomaasiyadeed la waayo.

Markii la weydiiyay muddada uu diyaar u yahay inuu siiyo wada-hadallada socda, Trump ayaa sheegay in uusan qorsheynayn inay muddo dheer socdaan. “Ma aha waqti badan. Ama si degdeg ah ayaa lagu dhammeeya ama gebi ahaanba lama dhammeeyo,” ayuu yiri, isagoo tilmaamay in maamulka Mareykanka uu wada-hadallada ka doonayo natiijo degdeg ah.

Hadalka Trump ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ay mareyso meel sare, inkastoo ay jiraan dadaallo diblomaasiyadeed oo ay wadaan dalal kala duwan oo doonaya inay labada dhinac ku qanciyaan inay ka fogaadaan iska horimaad militari oo cusub.

Si kastaba, dowladda Iiraan ayaa si cad u beenisay jiritaanka wada-hadallada uu Trump sheegay. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa maanta sheegay inaysan jirin wax wada-hadallo ah oo u socda Tehran iyo Washington, isagoo carrabka ku adkeeyay in Iiraan aysan aqbali doonin in Mareykanku go’aamiyo waqtiga dagaalka ama nabadda.

Hadalladan is-khilaafsan ee ka soo kala baxay Washington iyo Tehran ayaa muujinaya kala fogaanshaha labada dhinac, xilli caalamka uu si dhow ula socdo mustaqbalka xiisadda iyo suurtagalnimada in diblomaasiyaddu ay ka hortagto isku dhac cusub oo ka dhaca Bariga Dhexe.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60