Toban waxyaabood oo laga bartay dooddii dhex martay musharaxiinta madaxtinimada G/DHEXE

Waxey aheyd dood nuuceedu uu ugub ku yahay bulshada Soomaalida gaar ahaan dadka kasoo jeeda Koonfurta Somalia waxaa doodayay 6 ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada maamulka gobolada dhex waa Axmed Macalin Fiqi,Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan,Bashiir Diiriye Shariif,Cabdikariin Xuseen Guuleed,Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo Maxamed Cilmi Afrax Mideeye.

Habkii loo soo agaasimay dooda iyo sidii ay u dhacdayba waxaa ay aheyd mid maqaam sare leh ,dooda waxaa baahinayay TV-ga Dowladda Somalia ee SNT laga yabee in ay kasii wacnaan laheyd hadii laga baahinaayo TV gaar loo lee yahay.

Waxaan doonaya inaan si kooban fasiraad uga bixiyo nuxurkii doodii dhex martay hogaamiyaasha ugu cad cad xilka madaxtinimada maamulka gobolada dhexe waxaana kusoo koobay 10 qodob.

1 – Maamul goboleedka ugu sameynta badan Somalia oo soo socda.

Nuuca loo dhisaayo maamul goboleedkan ayaa wax badan ka iftiin badan maamul goboleedyadii ka horeeyay sida Jubbaland iyo Koonfur Galbeed,sida ka muuqatay dooda waxaa uu maamulkan heystaa balan qaadyo waa weyn haba ugu badnaadeen wadamada dariska ah iyo midka Dowladda dhexe.

Qaabka ay Dowladda Federaalku u diidan tahay in ay faraha kala baxdo farsamada Shirka ayaa muujineysa micnaha uu ku fadhiyo maamulkan waxaana ay aheyd wax laga dareemaayo doodii musharaxiinta,ha iloobin in Dowladda madaxweyne Xasan Shiikh aaney saameyn badan ku yeelan dhismihii maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Sidoo kale musharaxiinta ayaa muujinayay in ay muhiim tahay in la wada qanciyo reeraha daga gobolada dhexe madaama qolo walba oo ka hor timaada maamulkaas oo degan gobolada dhexe ay culeeskeeda leedahay.

2 – Musharaxiin badi fahmsan waxa laga rabo

Qaab doodeedkoodu wuxuu ahaa mid soo jiidasho leh,waxaa ay u muuqdeen kuwo ay inta badan u cadahay waxa ay qaban doonaan hadii la doorto,balan qaadkoodu ma xumeyn waxaana ay ka sinayeen sida ay ugu cadahay waxa ka maqan deegaanka iyo in uusan wax caawimaad ah ka helin Dowladihii KMG ahaa iyo mida Federaalka ah intaba.

3 – Kalsooni darada Musharax Axmed Macalin Fiqi

Doodi kama taagna in uu yahay mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad laakiin sidii uu u hadlay dhamaadkii dooda ayaa muujineysay kalsooni daro xoogleh oo waliba dadka qaar ay u fasiran kareen in uu ogyahay in guushu ay dhinaca kale tahay.

Fiqi wuxuu sheegay in in uu aqbali doono natiijada doorashada hadii ay si cadaalad ah u dhacdo waxaana uu durba raaciyay in la iibsaday dhulkii Asluubta iyadoo lagu taageeraayo mid ka mid ah musharaxiinta gobolada dhexe,dhulkii 21 October iyo $30 Miliion oo dollar oo laga waayay bankiga dhexe ayuu sidoo kale sheegay in intaba loo isticmaalaayo doorashada gobolada dhexe qof walba ayaa fami karay in uu ula jeeday Cabdikariin Guuleed,laakiin su,aasha la weydiiyay iyo jawabta uu bixiyay ayaa dad badan oo siyaasada naqdiya ku micneeyeen kalsooni daro iyo faham siyasaasadeed gaaban.

Waa la sheegi karaa hadii uu jiro musuq maasuq laakiin su,aashu waa goormee,Sidee iyo Munaasabadee?

Mr Fiqi wuxuu sidoo kale iska fogeeyay ka mid ahaanshaha kooxdda Ala Sheekh oo ay xubno ka yihiin wadaado diimeedyo u badan maxkamidihii Islaamka,laakiin laga yaabee in uu lumiyay arin dhinac kale micno ka yeelan kartay,Hadii uu sheegi lahaa saaxibtinimada kala dhaxeysa madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed,Ra’iisul wasaarihii hore Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid,Drs Caasho Xaaji Cilmi iyo xubno kale oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxdda Ala Sheekh waxaa ay u noqon kartay muuqaal kale oo uu taageerayaal ku heli karo. 

4 – Guuleed oo qiray Jiritaanka ururka Damul Jadiid

Musharax Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in aan xuman laga dhigin saaxibtinimada kala dhaxeysa madaxweyne Xasan Shiikh,mar uu ka jawaabay ka mid ahaanshaha kooxdda Damul-Jadiid oo dhowr jeer uu dafiray madaxweyne Xasan Shiikh waxaa uu guuleed ku jawaabay “Intii aan qabiil ka tirsanaan lahaa waxaan ku faraxsanahay in aan koox ka tirsanahay” .

Mr Guuleed waxaa uu umuuqday mid taageero buuxda ka heysta saaxibadiisa Damul-Jadiid.

5 – Saameynta Ahlu Sunna

Saddex ka mid ah musharaxiinta ka qeyb galeysay dooda ayaa muujiyay inuusan shirku wali sal dhigan inta ay Ahlu Sunna ka maqan tahay waxaana ay ku taliyeen in Ahlu Sunna oo ka mid aheyd saxiixayaashii maamulkan lagu soo daro shirka.

Sida ka muuqatay dooda hadii la qabto doorashada Ahlu Sunna oo ka maqan shirka waxaa jirta halis ah in uu maamulku caqabad la kulmi doono ,Ahlu Sunna waxaa ay ku cel celisay in aysan aqbali doonin wixii kasoo baxa shirka cadaado, musharixiinta qaar ayaa ka gaabsaday arinta Ahlu Sunna.

6 – Waayo aragnimada Axmed Cabdi Salaan

Wuxuu ahaa midka ugu waaya aragsan xaga siyaasada 6-da nin ee fadhisay dooda xaga fahamka su,aashana malaha saxafi ayuu u ahaa,wuxuu si kooban u sheegay xiligii uu kusoo biiray maamulka Dowladnimada Somalia kaas oo sheegay in uu maamul dowladeed ka bilaabay agaasime ku xigeen 1984-tii .

Xili uu ka jawaabayay su,aal aheyd in uu ku tiirsan yahay Dowladda Ethopia waxaa uu Axmed sheegay in uu saaxib la yahay Ethopia,Kenya Jabuuti,USA,Canada iyo UN-ka laakiin wuxuu ku daray in aan xumaan laga dhigin saaxibtimadiisa Dowladdaha caalamiga ah oo uu ku gaaray mudada uu ku jiray siyaasadda wuxuuna ku gaabiyay in saaxibadiisa caalamiga ah ay diyaar u yihiin in ay taageeraan hadii uu ku guuleysto madaxtinimada gobolada dhexe,laakiin loolanka Axmed waxaa culees ugu filan reerkiisa oo qaatay caasimadii maamulka.

7 – Maamul goboleed xiriirka deg deg uga jara Dowladda Federaalka ah oo la filan karo

Sida ka muuqatay dooda marka laga reebo Cabdikariin Guuleed waxaa ay dhamaan musharaxiinta kale u muuqdeen kuwo aan ku faraxsaneyn Dowladda madaxweyne Xasan Shiikh,sidaa darteed hadii uu doorashada kusoo baxo qof aan aheyn Cabdikariin waxaa dhalan kara maamul aan xiriir badan kala dhaxeyn Dowladda Federaalka ah.

Waxaa arintaan sii xoojineysa Guuleed oo gaba-gabadii ugu baaqay musharaxiinta kale in aan xuman lagala hor tagin Dowlada dhexe oo loo fahmo in ay tahay mid dadka ka dhaxeysa.

8 – Musharixiinta qaar oo aan miisaan badneyd

Qaar ka mid ah musharaxiintu uma muuqan kuwo misaan badan kuleh waxa soo socda iyo mustaqbalka gobalka sida ka muuqatay doodooda, tusaale Bashiir Diiriye Shariif iyo Maxamed Cilmi Afrax Mideeye labaduba waxaa ay u ekaayeen kuwo aan hami badneyn waxaana cariiri ugu filan iyagoo aan heysan saaxibo siyaasadeed oo caalami ah kuna cusub shaqada nuucaan ah.

9 – Hogaamiyaal kusii tashanaaya fal-celinta Puntland

Dhowr mar oo laga hadlayay waxyaabaha humaagu ku jiro ayaa mid walba iskii u sheegay Puntland taas oo kuu mujineysa in ay diyaar u yihiin falcelin aan la aqoonin nuuca ay noqon doonto,Cabdi Qeybdiid iyo Cabdikariin Guuleed ayaa labaduba weydiisatay Puntland in nabada lagu dadaalo aysana shareysan dhismaha maamulka Gal-gaduud iyo Mudug.

10 – Shirka oo wali gacanta ugu jira madaxtooyada Somalia

Xil uu mid walba ka jawaabayay in uu aqbali doono natiijada kasoo baxda doorashada waxaa ay sheegeen in ay aqbali doono hadii ay wax walba u dhacaan si cadaalad ah oo cad ,laakiin Qeybdiid ayaa shaki galiyay in ay dhici karto doorasho xalaal madama ay wali shirka maauleyso Dowladda dhexe, Axmed Cabdisalaan ayaa isna ugu baaqay Dowladda in ay faraha kala baxdo shirka si hadhow waxa kasoo baxa loogu qanco, Cabdikariin Guuleed isagu wax cabasho ah uma jeedin Dowladda.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@hotmail.com

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada @live.com