15 ka tirsan urur diimeed Soomaalida ay neceb tahay oo lagu qabtay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Hawlgal ay xalay Ciidamada Dowladda ka sameeyeen Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ku soo qab qabteen ilaa 15 nin, oo ka tirsan Urur Diimeedka Takfiir.

Salaaddii Cishaha kadib ee xalay, ayaa raggaan laga soo qab qabtay Masaajidka Sheekh Xasan Eebow, oo ku yaala Degmada Kaaraan, gaar ahaan agagaaraha Isgoyska Kaaraan.

Xarigooda, ayaa ka dambeeyay markii Maamulka Degmada Kaaraan lagu wargeliyay in kooxo ka tirsan Urur Diimeedka Takfiir, ay muddooyinkaan dambe ku soo badanayeen Masaajidka Sheekh Xasan Eebow.

Ciidamada Booliska oo tagey Masaajidka, ayaa waxaa u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan ilaa 15 nin, oo uu ku jiro Imaamkii Masaajidka oo magaciisa lagu sheegay Daahir Xasan Eebow.

Daahir, ayaa waxaa dhalay Wadaadkii loogu magac-daray Masaajidka laga soo qabtay, waxaana lagu xiray Saldhiga Booliska ee Degmada Kaaraan.

Dhanka kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Maamulka Degmada Kaaraan uu dib xoriyadooda u siiyay dadkii lala soo qab qabtay Daahir Xasan Eebow, laakiin uu isagu xiran yahay.

Dadka reer Kaaraan, ayaa soo sheegaaya in ragga ka tirsan Urur Diimeedka Taftiirka, aynaan waqtiyada Salaadaha la tukan jirin dadka Masaajidka u soo xaadira, in si wada jir ah ay ugu tukadaan.

Gudoomiyaha cusub ee Degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxoow, ayaan ka hadlin hawlgalka lagu soo qab qabtay xubnaha ka midka ah Urur Diimeedka Takfiir.

Ciidamada Dowladda, ayaa xilliyada qaarkood Magaalada Muqdisho ka fuliya hawlgal ka dhan ah xubnaha ka midka ah Urur Diimeedka Takfiir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com