27.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Ra’iisul wasaare Xamza oo gaaray Dhuusamareeb + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaaimagaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Madaxweyne Qoor Qoor iyo mas’uuliyeen kale oo isugu jiro heer federaal iyo heer dowlad goboleed intaba.

Ujeedka safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira sidii loo dhammeyn lahaa khilaafka ka taagan doorashooyinka, wuxuuna la kulmi doonaa Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), si loo soo afjaro xiisadda labada dhinac.

Safarkana ayaa horay loo sii qorsheeyay, iyada oo Galmudug ay si weyn ugu diyaar garowday soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa. Sidoo kale  ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay meelaha muhiimka ah ee Dhuusamareeb, si ay u sugaan amniga guud.

Waxaa sidoo kale, magaalada haatan ku sugan Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Salaad oo wada-hadallo dhowr wareeg ah la galay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), kuwaas oo looga hadlay xiisadda siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in dadaallada socda uu sidoo kale ka qayb-geli doono Ra’iisul wasaare Xamza, si loo qanciyo Qoor Qoor, kadibna doorasho qof iyo cod ah looga qabto deegaannada Dowlad-goboleedka Galmudug.

Wada-hadalladan ayaa lagu soo warramayaa in is-faham hordhac ah laga gaaray, isla markaana dhamaystirkooda uu goobjoog noqon doono Xamza, iyada oo kadib qorshuhu yahay in doorasho toos ah laga qabto Galmudug.

Villa Somalia ayaa dooneysa in isbeddel siyaasadeed laga sameeyo Galmudug, isla markaana doorashada madaxtinimada Galmudug ee la qabanayo bisha July lagu doorto musharrax ka imaan doona urur-siyaasadeedka JSP. Waxaa aad loo hadal hayaa in musharraxaasi noqon karo ganacsade Liibaan Axmed Xasan, haddii uusan isbeddelin mowqifka taageerada madaxtooyada ee ku aaddan ninkaas.

Si kastaba, ha’ahaatee, dadka reer Galmudug ayaa isha ku haya xiisadda taagan, oo ay garowsan yihiin inay khatar dhab ah ku tahay jiritaanka Galmudug, isla markaana ay sii kala fogeyn karto bulshada maamulkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News