Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka kasoo baxay Qaramada Midoobay ee Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca looga saaray liiska xadgudubyada loo gaysto carruurta, xilliyada colaadaha.
Warbixin sanadle ah oo kasoo baxday QM oo ku saabsan carruurta iyo colaadaha hubeysan, ayaa si rasmi ah loogu xaqiijiyay in Ahlu Sunna looga saaray liiska dhinacyada ku lugta leh xadgudubyada carruurta ee xilliyada dagaallada.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo iyadu ka qayb-qaadatay dadaallada la sameeyay ayaa soo dhaweysay go’aanka Qaramada Midoobay, waxayna sheegtay in arrintan lagu gaaray geeddi-socod, qiimeyn iyo wada-tashiyo ay ka qeyb qaateen hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,
Ahlu Sunna ayaa muddo ku jirtay lifaaqyada warbixinnada Qaramada Midoobay ee carruurta iyo colaadaha hubeysan, basle waxaa hadda la xaqiijiyay in ururkaasi aanu hubeysneyn, isla markaana xubnihiisii ay ku milmeen hay’adaha amniga Qaranka Soomaaliyeed.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka;-
Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa warbixinta sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay (A/80/723-S/2026/357) ee ku saabsan Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan, taas oo si rasmi ah u xaqiijisay in ururkii Ahlu Sunna Waljamaaca (ASWJ) laga saaray liiska dhinacyada ku lugta leh xadgudubyada carruurta xilliyada colaadaha hubeysan. ASWJ, oo muddo ku jirtay lifaaqyada warbixinnada Qaramada Midoobay ee Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan, ayaa laga saaray liiska kadib markii la xaqiijiyay in ururkaasi aanu mar dambe u jirin koox hubeysan oo madaxbannaan, isla markaana xubnihiisii ay ku milmeen hay’adaha amniga Qaranka Soomaaliyeed.
Go’aankan muhiimka ah wuxuu ka tarjumayaa horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dib-u-habeynta hay’adaha amniga, xoojinta dowladnimada iyo hirgelinta waajibaadka la xiriira ilaalinta carruurta. Sidoo kale, wuxuu caddeyn u yahay dadaallada wadajirka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah ee ku aaddan xaqiijinta ilaalinta carruurta xilliyada colaadaha hubeysan.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa hormuud ka ahayd dadaalladii iyo wada-hadalladii farsamo ee horseeday dib-u-eegista xaaladda Ahlu Sunna Waljamaaca, iyadoo soo gudbisay codsi rasmi ah oo lagu waafajinayo qiimeynta Qaramada Midoobay iyo xaqiiqooyinka ka jira Soomaaliya. Xaqiijintan waxaa lagu gaaray geeddi-socod qiimeyn, daraasayn, xog-ururin, xaqiijin iyo wada-tashiyo ay ka qeyb qaateen hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada kale ee caalamiga ah.
Wasaaraddu waxay uga mahadcelinaysaa Qaramada Midoobay, UNICEF, hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Dowlad-goboleedka Galmudug, iyo dhammaan saaxiibbada caalamiga ah taageerada iyo wada-shaqeynta ay ka geysteen guushan muhiimka ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta carruurta, dhowrista xuquuqda aadanaha, hirgelinta Siyaasadda Qaranka ee llaalinta Rayidka, iyo dhismaha hay’ado amni oo masuul ah, isla markaana waafaqsan heerarka iyo waajibaadka caalamiga ah.


