Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa maanta soo gaaray Maxkamadda Kilimani ee magaalada Nairobi, halkaas oo lagu dhageysanayo xukun la xiriira dacwad maxkamadeed oo ka dhalatay mashruuca dhismaha xarun karantiil oo loogu talagalay cudurka Ebola.
Ducaale ayaa lagu helay dembi maxkamadeed kaddib markii maxkamaddu ay ku eedeysay inuu iska indho tiray amar hore oo lagu joojiyay dhismaha xarun go’doon oo leh 50 sariirood, taas oo laga dhisayo saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Nanyuki, qiyaastii 140 kiiloomitir waqooyi kaga beegan Nairobi.
Bishii hore, Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa amar ku bixisay in la hakiyo mashruuca ilaa laga dhageysanayo dacwad ay gudbisay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Katiba Institute, oo ka digtay in xaruntu ay keeni karto “khatar weyn oo degdeg ah” oo ku wajahan caafimaadka dadweynaha.
Si kastaba, garsoore Patricia Nyaundi ayaa Isniintii sheegtay in wasiirka caafimaadku uu ogaa amarka maxkamadda, isla markaana uu oggolaaday in shaqada mashruucu sii socoto. Garsooruhu waxay sheegtay in dowladda aysan ka baxsan karin fulinta amarka maxkamadda iyadoo dib u magacaabaysa ama dib u qeexaysa mashruuca socda.
“Amarka maxkamaddu ma ahayn martiqaad hal-abuur leh, balse wuxuu ahaa amar waajib ah oo la fuliyo,” ayay tiri garsoore Nyaundi, iyadoo intaas ku dartay in Ducaale uu si buuxda u fahmay in dhismaha xarunta Nanyuki la joojiyay.
Xarunta karantiilka ayaa loogu talagalay muwaadiniinta Mareykanka ee looga shakiyo inay qaadeen cudurka Ebola ee ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, waxaana mashruuca maalgelinaya dowladda Mareykanka.
Qorshahan ayaa dhaliyay mudaaharaadyo xooggan oo ka dhacay magaalada Nanyuki, halkaas oo ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen kaddib markii boolisku isku dayeen inay kala eryaan dadkii dibadbaxa dhigayay.
Dadka dhintay waxaa ku jiray Sylvester Muigai Ndung’u oo ahaa arday 17 jir ah oo dugsiga sare dhigta, kaas oo markhaatiyaal ay sheegeen in madaxa laga toogtay, inkastoo boolisku ay sheegeen inay sugayaan natiijada baaritaanka meydka.
Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa ku dooday inaysan jebin amarkii maxkamadda, iyadoo sheegtay in shaqada socota ay tahay mashruuc ay dowladda Kenya si madax-bannaan u fulinayso si looga hortago halista Ebola.
Dhanka kale, Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa si cad u difaacay mashruuca xarunta karantiilka, isagoo sheegay in dowladda Mareykanka ay codsi rasmi ah u gudbisay Kenya, isla markaana diidmada codsigaasi ay noqon lahayd “mid aan bani’aadamnimo ahayn.”
Ruto ayaa sidoo kale ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka inay ka fogaadaan siyaasadeynta arrimaha la xiriira cudurka Ebola, isagoo ku tilmaamay arrintaasi mid aad u xasaasi ah.

