1960-kii Aqoonsi, 2013 Aqoonsi, Kee Baa Sax ah? (Warbixi xiiso leh)

– “Waxay ahayd in la yiraahdo waxaa dib u soo laabtey Xiriirkii Mareykanka iyo Soomaaliya… ama la yiraahdo: Soomaaliya iyo Mareykanka oo dib Boorka uga Jafey Xiriirkoodii 22 Sanno ka dib… “

– Waxayna ahayd in Madaxweynaha (Soomaaliya) uu si aad ah isaga Fiiriyo erey bixinta , waayo xitaa Laba Dal oo kala Saxiixanayo Heshiis ayaa mararka qaar ku kala Booda sida loo dhigayo Erey Bixinta…..

Soomaalida waxay Tiraahdaa “Ma Anaa Waalan Mise Cadanaa laga Heesayaa” waxay kaloo yiraahdaan “Hasha Maankeyga Gadayee Ma Masaar Bay Liqdey “ Dhamaan Murtidaan waxay ku tusinayaan marka aad wax la yaabtid oo ay Maskaxdaada ku wareerto , marka waxaan Beryahan Maqlayey iyadoo la leeyahay, ”Mareykankaa Aqoonsi ka helney” marka waxaan is weydiiyey Tolow Ma hadaan Xoriyadda Qaadaney waayo Ereyadaan oo kale waxaa la maqlaa marka uu Dal Xoriiyad uu qaato.

“Waxay Garan la’a yihiin Dadka Soomaaliyeed in Dalka Mareykanka uu Dalkooda la mid yahay , waayo Xoriyad Buu qaatey, Adigana Xoriyad baan qaadaney, mar baa la aqoonsadey, Adigana lagu aqoonsadey , Waa Dal ka mid ah UN-ka, adigana waa ka mid tahay , Ergey baa u fadhiya UN-ka Adigana kuu fadhiya, Calankiisaa ka taagan , kaaga waa ka taagan yahay, Safaarad baa kaaga furan Mareykanka , Isagana uga furan Soomaaliya, marka waxay ahayd in la yiraahdo waxaa dib u soo laabtey Xiriirkii Mareykanka iyo Soomaaliya ee Xumaadey markii Mareykanka Soomaaliya looga diley 18 Askari, wax kale nooma Colaadineynin 22-kaa Sanno ee aan ka ahayn Askartaasi laga Diley oo si Xun loogu jiiddey Dariiqyada Muqdisho , balse waxay ahayd in Soomaaliya Tiraahdo 1500 oo Soomaali ah baa naga Dishey ee aan Furno Baal Cusub oo aan iska Ilowno wixii horey aan isugu geysaney ”.

Sida hadda loo dhigayo oo ah in aan aqoonsi helney , waxaa meesha ka baxay wixii Halgan ahaa ee ay dad badan ay Dhiigooda u daadiyeen si Xorriyad aan u helno ,waxayna arintu ku Biya Shubaneysaa in maanta Soomaaliya ay Xor Noqotey oo ah Sannadka 2013, wixii waqtigaa ka horeeyey wixii Halgan la soo marey ay noqonayaan Hal Bacaad lagu lisey.

Hadaba Xoriyada ama aqoonsiga aan maanta helney sida ay ku Hadaaqayaan Qaar ka mid Masuuliyinta Dowlada iyo Saxaafada Soomaalida , Runtii aniga waxaa u qaatey in 22-kii Sanno ee aan ku jirney dagaalada ay ahaayeen kuwa Xornimo doon ah waayo sidaa ayey u dhigmeysaa, marka wixii Gabood falo ahaa ee dhacay 22 kaa Sanno ee aan isku geysaney ama naloo geystey in ay tahay Abaal Marintoodii.

“ Dadka Soomaaliyeed wax ma Hubsadaan oo wixii Saxaafada reer Galbeedka u Meeriyaan oo welibana Saxaafada Soomaaliya ay sii Buun Buuniyaan ayey ku dhaqaaqaan, malaha Aragti ah in ay iska fiiriyaan ama iska Hubiyaan wax loo Meerinayo, waxaana la yaab leh in maanta la abaabulo Banaanbaxyo la leeyahay waxaan aqoonsi ka helney Mareykanka, oo welibana ay la soo taagan yihiin dad Masuuliyad Sheeganaya”ayuu yiri Cali Jaamac oo la yaabanaa dad la leeyahay waxay ka yimaadeen Banaanbaxyo lagu taageerayo “Aqoonsiga Soomaaliya” waxaa uu ku sii darey “Markaan qaadanay Xoriyada waxaa laga joogaa 53 Sanno marka Dowladdi Rayidka iyo Tii Milatariga iyaga waxay ahaayeen kuwa Ku meel gaar ahaa mar haddi maanta la leeyahay Soomaaliya waxay heshey Aqoonsi, marka aniga waxaan u arkaa in Mareykanka uu na Gumeysanayey Soomaaliya 22-lii sanno ee la soo dhaafey, maanta Afka lala ma taageen in la yiraahdo Soomaaliya waxay heshey Aqoonsi , marka waxaa la doonayaa in si Maskaxiyan ah loo baabiyo Halgamayaashii Soomaaliya sida Axmed Gurey, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo 13 Kii Dhalinyarada ee SYL oo iyagu Naf iyo Maal u hurey Xoriyadii aan ka qaadaney Gumeystihii “ayuu yiri Ismaacil Muumin oo ka mid ah Odayaashii u soo joogey Waqtigii Xoriyadda.

“Waxaa Xaqiiqo ah in aan weli ku jirno Gumeysi Dhinaca Maskaxda ah mana garanayo goorta aan ka Xoroobi doono , aad baan ula yaabanahay in dad maanta ku faraxsan yihiin in aan helney Aqoonsi aniga waxaan aaminsanahy in aan weli helin Xoriyadii saxda ahayd waayo waxaa maalin kasta lagu soo Xadgudbaa Dhulkeennii , Baddeennii iyo Cirkeennii waxaana Xoroobi doonaa marka aan la mid noqdo kuwa noo diidan Sinaanshaha dhinaca Ciidamada , Hubka iyo Technology-da Casirga ah , laakiin inta lagaa hortaagan yahay arrimahaasi weli Xor ma tihid , waxaa ku jirnaa Khiyaali iyo nolol u dhaxeysa Geeri iyo Dhmasho”ayey tiri Xaawo oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo intaa Raacisey sidan:

“Waa wax laga Yaqyaqsoodo in maanta la yiraahdo Waa nala Aqoonsadey oo dib naloo Celiyo, Mareykanka Aqoosigiisa waxaa uu la mid yahay waan Socon weyney ee aan Orodno , Xaqiiqdii intii aan ku Jirney Dagaalada Dowlado ayaa marnaba ka bixin Dalka weliba Safaaradahoodii kuwaas oo Soomaaliya la qaybsanayey Dhib iyo Dheef, waxaan ka mid ahaa Safaardahaasi Liibiya, Suudaan iyo kuwa kale oo weliba nala joogey Xilli Xaaladu adag tahay , marka kuwaa baa abaal weyn nagu leh , waxayna Raxawen Tiraahdaa “Abaar Baxaasee ,Ceebaa Dhaafaase “oo ah Abaar waa Baxeysaa laakiin Ceeb bay Dhaaftaa ama ka tagtaa , marka Qofkii kuu soo Gurman waayey Xiliga aad dhibaateysan tahay Aqoonsiga maanta uu ku aqooonsadey waa mid Qosol ku jab ah, marka Soomaalida waxaan leeyahay nin wax ku tari waayey 22-kii Sanno ee la soo dhaafey oo welibana Dagaal kuugu hayey dhinac kasta ah waxba yaan laga sugin , waxayna arrintu la mid tahay”Nin ku Diley Har kuuma jiido”ninkii is lahow Mareykanaa aqoosigiisa ayaa Barwaaqaa la Durduuran doontaa Sakiin Liq”

Guntii iyo Gabagabadii Dadka Soomaaliyeed Wali waa Nool yihiin , Ciidda Madaxa waa ka Ceshedeen , Sidaa Darteed weli dadka Soomaaliyeed ma fahamsana Dhagarta Reer Galbeed ee ay Dejisteen waqti hore ,waxaa Xaqiiqa ah in aan si dhab ah u Xoroobin Xoriyadii aan qaadanayna 1960-kii waxay ahayd mid aan Dhameystirneyn oo Muuqoodii baa naga tagey waayo iyaga keliya ayaan Hub Sameysan kara , iyaga ayaa Adduunka ugu Ilbaxsan , iyaga ayaa Harumar gaari kara marka waxaana leeyahay Dadka Soomaaliyed isku tashada oo iska daaya hadba waxa la idiin Meerinayo ee ay soo Gudbinayaan Warbaahinta Reer Galbeedka Mideenana ay Faafinayaan oo had iyo jeer Jeebka kala soo Baxa wax iyaga Dan ugu jirto.

Haddi ay run sheegayaan waxy dhihi lahaayeen Soomaaliya Waa Dal Madaxbanaan oo Xoriyadiisa Qaatey 1960-kii ee Ereyga Aqoonsiga ee aan Shafka ku soo qaadanay,waxay ahayd in Madaxweynaha uu si aad ah isaga Fiiriyo erey bixinta ,waayo Laba Dal oo kala Saxiixanayo Heshiis ayaa mararka qaar ku kala Booda sida loo dhigayo Erey Bixinta ,waxayna ahayd in la yiraahdo”Soomaaliya iyo Mareykanka oo dib Boorka uga Jafey Xiriirkoodii 22 Sanno ka dib ” ama la yiraahdo Mareykanka oo wax ka Badeley Go’aankiisii hore ee Soomaaliya.

Hadaba Su’aasha isweydiinta Mudan waxay tahay 1960 Miyaan Aqoonsi helney mise 2013-ka .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinKhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalka waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixa