20 horjooge oo laga dilay Al-Shabaab iyo ‘waxa ay u qaabilsanayeen’

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in la qaarajiyay 20 kamid ah horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa ururinta dhaqaalaha baadda ah ee ka qaado ganacsatada.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in cadaaladda la marsiiyay in ka badan 50 kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasi oo sida khaaska ah ilaalada ugu ahaa badda Khawaarijtu ka qaataan shacabka Soomaaliyeed.

“15 Gaari oo ah kuwa ay ku ururin jireen baadda oo iyana gacanta lagu dhigay, qaadkoodna la burburiyay,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda warfaafinta uga warbixineysay guulaha laga gaaray dagaalka dhanka dhaqaalaha ee kooxda Al-Shabaab kula jirto.

Dowladda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in la burburiyay goobihii ku hareeraysnaa magaalada Muqdisho ee kooxda ay ku qaadan jirtay lacagaha ay sida xoogga ah uga qaadi jirtay ganacsatada magaalada Muqdisho.

“Waxaa la joojiyay baaddii Khawaarijta ee badeecadaha kasoo dega dekadaha iyo garoomada diyaaradaha. Waxaa la joojiyay nidaamkii ay kooxdu ku baadi jirtay dadka wax kala iibsada iyo awooddii ay lahaayeen in ay helaan xogta wax kala iibsiga.”

Qoraalka wasaaradda warfaafinta ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab laga qabsaday magaalooyinkii ugu waawaynaa ee ay u isticmaali jireen uruurinta xoolaha ay ka qaatan dadka, sida Masaajida Cali-gaduud, Xarardheere, Moqokori, Aadan Yabaal iyo kuwo kale oo u ahaa ilo dhaqaale.

Goor sii horeysay oo maanta ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda DFS Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in si guud loo cuuryaamiyay hanaankii maaliyadeed ee kooxda Al-Shabaab.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in uu hoos u dhacay dhaqaalihii ay heli jirtay kooxda Al-Shabaab, isla-markaana kala bar la dhimay dhaqaalihii soo geli jiray.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in inta badan la hakiyay lacagihii ay kooxa ka qaadi jirtay ganacsatada badeecadaha kala soo daga dekedaha iyo garoomada dalka.

“Waxaa la joojiyay baaddii Khawaarijtu ka qaadi jirtay badeecaha muwaadiniinta Soomaaliyeed uga soo dega Dekadaha iyo Garoomada, sidoo kalena waxaa la joojiyay Baaddii kooxdu ka qaadi jirtay hantida la kala iibsado” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan dowlado waa weyn oo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga.

Hoos ka aqriso