24-kii Saacba Immisa diyaaradood ayaa isticmaasha hawada Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – C/Waaxid Cumar Sheikh Axmed, agaasimaha guud ee Hay’adda duulista iyo saadaalinta Hawada ayaa ka hadlay diyaaradaha maalintii iyo habeenkii isticmaala hawada Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa sheegay in ku dhawaad 150 ilaa 200 oo diyaariyadeed ay isticmaalaan maalintii iyo habeenkii hawada dalka Soomaaliya, waxaana lacagaha diyaaradahaasi laga qaado ku dhacaan dalka Kenya.

Cabdiwaaxid oo xafiiska haya sanad iyo bar, waxaa uu sheegay in wax badan uu soo kordhiyay sida dab-damisyo, shidaal-ka diyaaradaha, nabad-galyada, sharciyada garoonka, towerada, barking-ka, safetiga iyo arrimo badan.

Agaasimaha hey’adda duulista iyo saadaasha hawada waxaa uu ka hadlay in hey’addiisa ay gacanta ku heyso dhammaan hawada Soomaaliya, isagoo intaa raaciyay in garoomadaas ay isugu jiraan sideed(8) garoon oo ku yaallo magaalooyinka waaweyn sida Hargeisa, Berbera, Boosaaso, Galkacyo, Muqdisho, Kismaayo iyo magaalooyin kale iyo illaa 30 garoon kale oo macmal ah.

Agaasimaha guud ee hey’adda duulista iyo saadaalinta hawada waxaa uu hey’addiisa aanay wax lacag ah ka qaadin garoomada ku yaallo dalka, oo lacagta soo gasha hey’adda ay tahay marka ugu horeysa oo diyaaradaha ay helayaan ogolaashiyo ay hawada ku isticmaalaan.

Ugu dambeyntii, Agaasimaga guud ee hey’adda duulista iyo saadaasha hawada mudane Cabdiwaaxid Cumar waxaa uu rajo fiican ka muujiyay in Soomaalida ay maamuli karaan hawada, isagoo sheegay in ay jiraan dad Soomaali ah oo si fiican u tababaran oo arrintaasi qaban kara.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com