25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Digniinta Faysal Cali Waraabe ee Farmaajo iyo meelaha laga fiirin doono

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa kahadlay digniin uu sheegay inuu u dirayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed.

Digniintaasi ayuu ku sheegay inay tahay inay ka eegi doonaan inuu u dhaqmayo sidii adeerkii oo kale oo uu kala jeeday Maxamed Siyaad Barre.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay ka eegi doonaan sida uu ula dhaqmo Somaliland iyo hadalada uu adeegsanayo marka uuka hadlayo arimaha deegaanada Somaliland.

Wuxuu sheegay in Somaliland ay garaneyso la macaamilka hogaanka Soomaaliya, balse ay eegi doonaan wajiga uu lasoo baxaa Farmaajo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxdii ugu dambeysay ee dowladda Soomaaliya ay u dhaqmi jireen qaab aysan jecleysan, sida uu sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News