Dhageyso: Xog kasoo baxday doontii u rarneyd Soomaalida ee ku dagtay…

Hobyo (Caasimada Online) – Doon u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed ayaa lagu soo waramayaa inay ku degtay inta u dhaxeyso xeebaha Yeman Iyo  Soomaaliya xilli ay ku wajahneyd Dakaddda Dhawaan la casriyeeyey ee Hobyo.

Doontaan dagtay ayaa la sheegay inay waday shixnado u badnaa Raashin iyo Bagaash waxayna si lama filaan ah ugu quustay Biyaha u dhaxeeyo xeebaha Yeman iyo Soomaaliya.

Arrintaan ayaa waxaa si deg deg ah uga hadlay Wasiirka dekadaha iyo Gadiid Badda ee maamul Goboleedka Galmudug Burhaan Warsame Cigaal oo ka dhawaajiyey inay xiriir la sameeyeen ganacsatadii laheyd raashinkii saarnaa doontaas ayna hawada u marsiiyeen Taci.

Dhanka kalana wuxuu wasiirka ka hadlay warar dhawaan soo baxayey ee sheegayo inuu shaqaalaha iyo muruq maalatada Dekadda Hobyo soo gudbiyeen cabasho.

Haddaba hoos ka dhageyso wareysigaan.

Caasimada Online
Xafiiska Hobyo
Caasimada@live.com