Odayaal madaxweyne Farmaajo u hibeeyay geel iyo Lacag xad dhaaf ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha kasoo jeeda waqooyi bari Kenya ayaa Madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo), u hibeeyay geel iyo lacag xad dhaaf ah.

Odayaasha ayaa sheegay in geela iyo lacagtuba ay ku wareejiyeen maamulka degmada Balad Xaawo, kadib markii ay sheegen in Madaxweynaha la doortay uu yahay mid ay ku dheertay wadaniyada, sida ay hadalka u dhigeen.

Odayaasha ayaa sheegay in geela iyo lacagtuba ay tahay mid hibo u ah Madaxweynaha isla markaana ay ka rajeynayaan inuu kala wareego maamulka degmada Balad Xaawo oo lagu wareejiyay.

Waxa ay sheegen in Madaxweynuhu uu u gacan furan yahay Hibadaasi, iyagoo sheegay inay tahay mid si wada jir ah uga imaaday shacabka iyo odayaasha waqooyi bari Kenya.

Odayaashaa Soomaaliyeed ee reer waqooyi bari Kenya ayaa muujiyay dareen Soomaalinimo ayagoo sheegay in ay dareensan yihiin in Madaxweynaha la doortay uu samatabixin doono Soomaalida iyo Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa tan iyo markii la doortay Shacbiga Soomaaliyeed kala kulmaayay taageero kala duwan, waxa ayna dhammaantooda Madaxweynuhu ugu baaqeen inuu ka fogaado wax waliba oo keenikara kala fogaanshiyaha Umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com