Muuqaal: Dhamaadka bishaan oo dunida lagu arki doono wax ugu dambeysay 17 sano

Sida ay qortay jariiradda The Independent  Shirkadda taleefoonada ee Nokia ayaa ka dhawaajisay inay sanadkaan 2017 dib usoo celin doonto moobelkii ugu tayada wanaagsanaa oo ay ebed soo saartay kaasoo lagu magacaabi jiray Nokia 3310.

Taleefoonkaan ayaa la filayaa in mar kale lagu arko suuqayada caalamka waxayna midaan imaaneysaa 17 sano kadib markii uu taleefoonkaan suuqa ka baxay sanadkii 2000.

Daraasado la sameeyey ayaa lagu ogaaday inuu taleefoonkaas ahaa midkii ugu tayada wanaagsanaa noocyadii ee ebed sameysay shirkaddaan sida ay  warbixin ku sheegtay.

Shirkadda Nokia ayaa ka dhawaajisay in markaan taleefoonka lagu soo sameeyey isbadal weyn waxaana lagu soo daray geemamka Masaska, Calculator iyo meel keyd ah oo aad ku shuban karto waxaad rabto.

Shirkadda Nokia ayaa taleefoonka kusoo bandhigi doonto shirka Moobeelada adduunka oo lagu wado inuu dhaco dhamaadka bishaan February.

29-ka maalmood ee ugu horeeyo taleefoonkaan waxaa lagu iibin doonaa qiimo lacageed oo gaarayo ilaa 29 Pound (lacagta Ingiriiska) wixii markaas ka dambeeyana wuu isbadali doonaa qiimihiisa.

Shirkadda Nokia ayaa suuqayada ka fadhiisatay dhawaanahaan waxaana moobeelada ay soo saarto lagu iib geeyaa magaca HMA oo ah shirkad laga leeyahay dalka Filand waxayna dhawaan rajeeneysaa inay magaceeda dib ugu soo celiso adduunka.

Sidoo kale xafladaas waxay shirkadda Nokia kusoo bandhigi doontaa moobeelo kale oo ay iyada soo saartay oo kala ah Nokia 3,5 iyo Nokia 6.